SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - ARAFAT
 
Daabaco Boggan | Print

Taariikh Nololeedkii Hogaamiyihii Taariikhiga Ahaa Ee Reer Falastiin, Yaasir Carafaat. 1929-2004

Waxaa Maanta ku geeriyoodey magaalada Paris ee Carriga Faransiiska Hogaamiyihii Taariikhiga ahaa reer falastiin Yaasir Carafaat , oo  Falastiiniyiinta u arriminayey  muddo gaadhaysa 40 sanno, Hadaba waxaan halkan idiinku soo Gudbinaynaa Milicsi Taariikheed oo ku saabsan Noloshii Yaasir Carafaat Iyo Marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray Carafaat.

Yaasir Carafaat Wuxuu Dhashay Sannadkii 24/08/1929kii wuxuuna ku dhashay magaalada Qaahira ee  dalka Masaarida, in kasta oo uu ku caan baxay Yaasir Carafaad Hadana magaciisa dhabta ahi wuxuu ahaa, Maxmed C/raxmaan C/Ra’uuf Al-Qudwaha Al-Xusayni. 

Aabihiina wuxuu ahaa Ganacsade ku nool dalka Masar, wuxuuna geeriyooday yaasir Carafaat oo 20 jir ah, bilowgii loolankii Carabta iyo Yuhuuda. 

Yaasir Carafaat wuxuu ahaa nin dhalinyarannimadiisii ay soo martay marxalado kala duwan oo la odhan karo dareemo ayey lahaayeen, wuxuuna yarraantiisii ka muuqan jirtay sifooyinka Hogaamiyennimo. 

In kasta oo ay ka soo jeedeen Qoyska  Yaasir Carafaat Magaalada Barakaysan ee Al-Qudus hadana waxaa laga dareemi jiray in uu Qaahira ku soo koray Lahjadiisa markuu hadlayo , Yaasir, Iyo Naanaystiisa Abu Camaar, wuxuu la baxay xilligii uu ku jiray Jaamacada Qaahira, isaga oo xusuus u dhigay magacaas nin halgaamaa ahaa oo reer Falastiin ahaa oo ingiriiska la dagaalamay. 

Yaraantiisii  Carafaay  waxa uu ku dadaali jiray sidii uu hogaamiye siyaasadeed u noqon lahaa, isaga oo markii hore aad ula dhacay afkaartii Ururkii Islaamiga ahaa ee Ikhwaan al-muslimiinka ee Masar markaa ku xooganaa, hasa yeeshee wuxuu markiiba aaminay halganka hubaysan si Yuhuuda loola dagaalamo, guul daradii carabta ku habsatay sannadkii 1948kii ka dib , xilligaas oo falastiin la kala qaybiyey, israa’iilna dawlada looga dhigay 70% dhulka reer falastiin, xilligaas oo ingiriisku gacanbta ku hayey Falastiin. 

Muddo yar ka dib markii Isaraa’iil lagu dhawaaqay ayaa Yaasir Carafaat wuxuu aasaasay Ururka lagu magacaaboo(Fatax), isaga oo la kaashanaya tiro falastiiniyiin ah oo dunida daafaheeda ku kala noolaa. 

Waxayna ku bilaabeen in ay ku urursadaan lama degaanka Masar Hubkii dagaalkii labaad ee aduunka ka hadhay ,sida uu yaasir carafaat ku waramay mar arrintaas wax laga weydiiyey. 

Yaasir Carafaat wuxuu ahaa nin aftahan ah oo had iyo jeer waxa uu doonayo ku cabbiri jiray usluu qosol ku jiro, sannadkii 1953kii ayuu dhanbaal u qoray Madaxweynihii Dalka Masar ee xilligaas Maxmed Najiib, kaas oo ahaa madaxweynihii ugu horeeyey ee masar ka dib inqilaabkii ka dhacay 23/07/1952, dhanbaalkaasina wuxuu ahaa mid aad u kooban oo ay ku qorayd(Falastiin Ha ilaawin) 

Yaasir Carafaat wuxuu ku biiray ciidamada qalabka sida ee Masar, sanadkii 1956diina wuxuu qaatay xiddigtii ugu horaysay, wuxuuna ka qaybqaatay dagaalkii kenelka suways isla sannadkaas.

Intii uu Yaasir Carafaad ku jiray ciidamada dalka Masar wuxuu kas-baday khibrada aad u balaadhan gaar ahaan dhinaca waxyaalaha qarxa, taas oo markii danbe u sahashay in uu hogaamiyo garabka hubaysan ee ururkii ay sameeyeen ee Fatax, garabkaas oo la odhan jiray (Al-Caasifah), wuxuuna garabkaasi hawshiisa bilaabay sannadkii 1965 waxayna  ka weerari jireen Isaar’iil, Urdun , Lubnaan  iyo Marinka Qasa oo xilligaas ay gacanta ku haysay Masar. 

Dagaalkii Carabta lagu jabiyey sannadkii 1967 ee ay Israa’iil ku qabsatay Qudus, Daanta Galbeed, Marinka Qasa, ka dib  ayaa waxa dagaalkii lagu kaliyeey ururka Fatax ee uu Yaasir Carafaat Madaxda ka ahaa, Yaasir Carafaat wuxuu dagaaladaas ku helay magac iyo taageerayaal iyo isaga oo caan noqday, wuxuuna kusii caan garoobay markii uu hogaanka u qabtay dagaalkii isaga iyo Israa’iiliyiinta dhexmaray sanadkii 1968kii  Tuulada  lagu magacaaabo(Karaama), halkaas oo uu dagaal qadhaadh ku dhexmaray iyaga iyo Isaraa’iil oo dhinac walba uga xoog badnayd. 

Ururka Xoryta Reer Falastiin(PLO). 


Palestinian leader Yasser Arafat salutes while attending the Palestinian Islamic Christians Conference at his compound in the West Bank town of Ramallah, Aug. 10, 2004.  (AP Photo/Muhammed Muheisen)Dagaalkii ka dhacay Karaama sannadkii 1968kii ka dib ayaa Yaasir Carafaat loo doortay in uu hogaamiyo Ururka Xoraynta Reer Falastiin ee (PLO) kaas oo ay aasaastay jaamacda carabtu sannadkii 1965kii. 

Waxayna xarun ka dhigteen Ciidamadii ururka xorynta Reer Falastii dalka Urdun, hasa yeeshee waxaa markii danbe ka saaray Boqorkii Dalka Urdun Boqor Xuseen Bishii 7/1970 kii iyada oo uu halkaas dagaal qadhaadh ku dhex maray Falastiiniyiinta Iyo Ciidamada Dalka Urdun, Taariikhdaas oo loo yaqaano (luulyadii Madoobayd). 

Yaasir Carafaat iyo Ciidamadiisii Hubaysana waxay u soo wareegeen Dalka Lubnaan gaar ahaan magaalada Bayruut, intii ay ciidamada falasttinyiintu u soo wareegeen dalka Lubnaan  waxay fuliyeen dhaqdhaqaaqyo hubaysan, oo isugu jira qaraxyo, diyaaradaha oo la afduubo, iyo Khaarajin, waxaana ugu caansanayd talaabooyinkii ay qaadeen falastiiniyiintu markii ay afduubeen 11 Isaa’iiliyiin ah oo ka qayb galayey ciyaarihii olbikadii sannadkii 1972 kii xilligaas oo ay ka dhacaysay dalka jarmalka. 

Yaasir Carafaat wuxuu awood dublumaasiyeed yeeshay sannadkii 1974kii xilligaas, wuxuuna khudbada ka jeediyey golaha loodhan yahay ee qaramada midoobay ee New York isaga oo halkaas ka yidhi “ Waxaan Halkan imi aniga oo wada Caleen nabadeed iyo Qorigaygii” wuxuuna intaas ku daray “ Ha ogolaanina in ay Caleenta Nabadeed Gacantayda ka dhacdo”.

Xilliyadii todobaataneeyaadkii waxaa sii kordhaysay awooda siyaasadeed iyo ciidan ee ay Falastiiniyiintu ku yeelanayaan  dalka Lubnaan, waxayna weerarada ku ekeen jireen urarada Falastiiniyiintu Isaar’iil iyaga oo ka duulaya dalka Lunbaan. 

Sannadkii 1982 ayaa Aryel Sharon oo xilligaas ahaa wasiirka gaashaandhiga ee Istraa’iil  waareer culus ku ekeeyey dalka Lubnaan isaga oo qabsaday qaybo ka mid ah Magaalada Bayruut arrintaas oo ku khasabtay Yaasir Caraafat In uu Ka baxo Lubnaan una kaco dalka Tuunisya, intii uu sugnaa Yaasir Carafaat dalka Tuunisiya waxa la soo gudboonaatay arrimo badan oo ay ka mid tahay ilaalinta midnimada Ururkii PLO, iyo go’doon siyaasadeed oo uu kala kulmay dunida markii uu ka fogaaday dalkiisii, hasayeeshee waxaa go’doonkaasi soo afjarmay markii ay Falastiiniyiintu sannaadkii 1987kii bilaabeen kacdoonkii shacbiyeysanaa ee ka qarxay Daanta galbeed iyo Marinka qasa, dhacadaas oo Yaasir Carafaat marlabaad Hogaamiye-nnimadiis soo celisay, iyo awoodiisii siyaasadeed. 


Mahmoud Abbas

In kasta oo uu Yaasir Carafaat Noloshiisa badankeeda ku soo qaatay Doobnimo oo aanu Guursan ayuu sannadkii 1992 isaga oo 62 sanno jira  wuxuu guursaday Gabadh iyadu Xog-hayntiisa ahayd laguna magacaabo Suhaa Al-Dawiil, gabadhaas oo ka soo jeeda reer diinta kiristaanka ah haystay hasa yeeshee iyadu Islaamtay markay Yaasir Guursatay, waxayna u dhashay Gabadh lagu magacaabo Zahwah. 

Saacado ka dib markii si rasmi ah loogu dhawaaqay dhimashada Yasir Arafat, waxaa hoggaanka ururka PLO loo magacaabay Mahmoud Abbas, waxa lagu wadaa in 60 maalmood gudohood ay guddiga PLO qaban doonaan doorasho ay si rasmi ah ugu soo dooran doonaan qofkii si rasmi ah u bedeli lahaa hoggaamiyohoodii Yasir Arafat ee geeriyoodey.

Yaasir Carafaat, Xilliyadii Colaada Iyo Nabad. 


"Yasir Arafat waxa uu ahaa calaamada yoolka u ah madaxbanaani falastiin:" islamonline

Yaasir Carafaat Wuxuu Sannadkii 1990 ku talaabsaday Mawqif loo arkayeye in uu si buuxa ugu taageerayo Madaxweynihii dalka Ciraaq  ee Xooga Lagu Muqiinayey ee Saddam Xussen, markii uu Qabsaday Dalka Kuweyt, arrintaas oo dhirbaaxo weyn u gaysatay Arrinta shacabka Reer Falastiin dhinaca Carabta Maalqabeenada ah iyo Reer Galbeedka, arrintaas oo ay wadamada Gacanka Khaliijku  Ka joojiyeen Falastiiniyiinta Kaalmadii ay siin jireen. 

Dagaalkii gacanka ee Ciraaq lagaga saaray Kuweyt Ka dib ayaa waxa bilaabmay qorshe lagu doonayey in barriga dhexe dhibaatada ka taagan wax lagaga qabto kaas oo looga golahaa in la dajiyo xiisada ka aloosan mandaqadaas. 

13/09/1993 ayuu Yaasir Carafaat beerta aqalka Cad ee maraykan oo laga arrimiyo ku saxeexay isaga Iyo raysal wasaarihii Xilligaas Israa’iil u arrimin jiray Isaxaaq Rabin heshiis in badan qarsoodi ahaa oo dalka Norwey in badan ka soo shaqaynayey, heshiiskan oo u badnaa qodobo qabyo ah, waxaana kaas oo lagu tilmaamay dhul  la dhaafsanayo nabad, Falastiiniyiintuna  ay Isaraa’iil ku aqoonsadaan , Israa’iilna ay marka hore falastiiniyiinta ku wareejiyaan Qaza Iyo Magaalada Ariixa ee ku taala daanta galbeed. 

Hasa yeeshee Heshiiskaasi ma uusan ahayn mid lagu soo qaaday arrimihii Falastiiniyiintu markaa ugu muhiimsanaa sida qaxootiga ka soo qaxay dhulkii yuhuudu qabsatay, arrinta Qudus, iyo arrimo kale oo badan.. 

Yaasir Carafaat wuxuu dhulka reer falastiin gaar ahaa Qasa Ku soo noqday Sannadkii 1994kii, waxaana isla sannaadkaas isaga iyo Isaxaaq Rabin La siiyey  abaal gudka Nobal ee nabada , waxaana la dilay Isaax Rabin 1995kii , xilligaa soo ay Yaasir Carafaat La soo gudboonaatay arrimo adag oo uu aaminsana in uu Rabin wax ka qaban lahaa. 

2000 ayaa dhamaan wadahadaladii Falastiiniyiinta Iyo Israa’iil Istaageen , ka dib markii marlabaad uu bilaabmay kacdoonkii labaad ee falastiiniyiintu, 2001 , ka dib markii ay falastiin ka dhaceen qaraxyo isdaba jooga ah , ayaa Raysal wasaaraha Israa’iil oo Cadadawad Qotodheer ka dhaxayso Yaasir Carafaat  Rayel Sharon wuxuu Yaasir Carafaat ku xidhay oo ku godoomiyey xarunta Hogaamiye Carafaat ee ku taalay Raamalaha. 

Isaraa’iil ayaa dib u qabsatay dhaman goobihii ay hore uga kacday hasa yeeshee codsiyo badan oo kaga yimi dunida iyo cadadis ayey ku ogolaadeen in anay si toos u weerarin Yaasir Carafaat, iyada oo markasta ay mas’uuliyiinta Isaraa’iiliyiinta ku hanjabayeen in ay khaarajinayaan kana saarayaan Falastiin, Yaasir Caraaftna wuxuu kaga Jawaabi Jiray Waxaan aad u rajeynayaan in aan ku shahiido falastiin sida ay hore ugu shahiideen falastiinyiin badani. 

Yaasir Carafaat wuxuu maanta oo ay taariikhdu tahay 11/11/04 ku geeriyoodey Cisbitaal ku yaala Dalka Faransiiska, isaga oo aan dalkiisii xoriyada helin. 

Meydkii Arafat oo Loo Duuliyey Qaahir, Kaddibna Ramalah:

Meydka Yasir Arafat waxaa Khamiistii (11/11/2004) loo duuliyay magaalada Qaahira ee dalka masar halkaas oo meyka marxuumka lagu tukaday salaatul-jinaasada, looguna dhigan tacsi qaran. Isla Jimcadii 12/11/2004 ayaa loo duuleyay magaalada magaalada Ram Allah ee Daanta Galbeed [West Bank] halkaas oo lagu aasay [ Akhri faahfaahinta Aaska Marxuumka... Guji] .

Waxaa isku soo dubariday
Asad Cadaani Ibraahim

assadlaska@yahoo.com

Xigasho: IslamOnline, Yahoo News, Arabic bbc News, Google news, cbc News, Aljazeera.

Faafin: SomaliTalk.com | 11/11/2004

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim



HTML CD