SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Odayaashu maanta ha samreen soortan ninkii cuni lahaa lama ogee
Siyaaasaddu waa dabeysha oo kale dabeylna meel gooni ah loogama tashan karo, dibir siyaasadeed ayaa muuqata inay maanta lagaday odayaashii ugu tunka weynaa siyaasadda soomaaliya oo daraadood uu shirka keyna u daba dheeraaday sabab kastaahi ha ku timaadee, marka intaa laga soo gudbo arrinta xiisaha lehi waxay tahay iyadoo labada nin lagu kala xamanayay in ay kala wataa labo dowladood oo ka mid ah dowladaha safka hore ee iminka la balaariyay looguna yeero dowladaha fududeynta shirka ayay hadana arrintu si kale uga hoosbaxday odayaasha.
bal aqriste aan dib u jaleecno doorka hogaamiyaasha soomaaliyeed ee maqaamkooda.

wixii ka horeeyay shirkii carte hogaamiyaasha kooxuhu waxay ahaayen kuwa leh awooda go'aan ka gaarista aaya soomaaliya hase yeeshee shirkii carte ayaa waxaa soo if baxay in kooxo badan sida Haweenka, ururrada bulshada rayidka, odayaasha dhaqanka culumada iyo qeybo kaleba ay doorweyn ku yeeshaan aayaha umadda, taasina waxay laciifisay awoodii hogaamiye kooxeedyada waxaana halkaa kasoo baxay dowlad ay ka maqan yihiin inta badan hogaamiye kooxeedyada, inkasta oo ay shaqeyn weyday.

hadaba markaan usoo daadego dulucda maqaanlkeyga labada oday waa C/qaasim iyo C/laahi yuusufe waxaa wadaamaha u jaray qeybta cusub ee awooda lagu qeybsanayo ee beelnimada taasoo iyaga kusoo koobtay shqasi caadi ah hadaba waxaan odayaasha xasuusinayaa in ay siyaasaddu markan u muuqato inay ka wareegayso sidaa darteen waxaa iyaga ay iila muuqataa in ay u haboon tahay inay kala doortaan labo tii u roon oo kala ah

1- in ay bilaabaan is xulufaysi siyaasadeed oo iyaga u gooni ah oo uu nin walba keenayo kalsoonida inta uu soomaalida ka haysto markay isku biiriyaanna ay isku garab galaan in ninkuu ku haboon ay u sharaxaan madaxweyne isna uu markii ladoorto kan kale u magacaabo ra'iisul wasaare.

2- in ay sida ay iminka wax u socdaan ku samraan oo ay jaanis gaad noqdaan si aan farta loogu fiiqin oo aysan u takoormin.

haddii ay labadan waddo mid qaadi waayaan waxay odayaashu garwadeen ka noqondoonaan dagaal dhiigbadani ku daato oo cawaaqibkiisa yeesha.

guntii iyo gabababadii odayaashu ha samreen ayaan lee yahay oo mayada ha iska daayeen cadkaan ninkii cuni lahaa lama ogeeeee
Cabdi Axmed Warsame (gaashaanle)

Faafin: SomaliTalk.com | August 23, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

MAQAALKA XIGA.....

Waxyaabaha Carqaladeeyey Shirka Nairobi  

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
 



HTML CD