SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - Kenya
 
Daabaco Boggan | Print

Ra'iisulwasaaraha Soomaaliya Prof.  Cali Maxamed Geedi waxa uu maalinka barito ah Qado sharaf usameeyay Xubnaha baarlamaanka Federaalka Gumeelgaarka ah ee Soomaaliya, Aqoonyahanka Siyaasiyiinta Saxaafada 

13/11/2004

Prof Cali Maxamed Geedi oo dhawaan wasiirka koowaad umagacaabay Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed  ayaa dhawaanahanba waday wada tashiyo iyo talo lawadaag Xubno ay ka mid ahaayeen Aqoonyahanka Odaydhaqameedyada Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka kala duwan ee Bulshowaynta Soomaaliyeed , 

Shacabkii oo fadhiya goobtii salaada iida lagu tukanayeySALAADII CIIDA OO SIWEYN LOOGU SOO BAXAY
Magaalooyinka Hargaysa, Boosaaso iyo Muqdisho ayaa kamid ahaa meelaha sida weyn looga ciiday Sabtidii. Waxaa sidoo kale kumaan qof salaadii ciida u dareereen magaalooyinaka Nairobi, Toronto iyo Minneapolis..  Guji...
»IID MUBAARAK: HAMBALYADII BAHDA SOMALITALK EE IIDA
»CILMI KORORSI::
IIDAHA iyo SALAADAHOODA
»BAAQ SAMAFAL:: Fiicanaa in Agoontu Carruurteenna La Ciiddo

Prof Cali Maxaed Geedi Wasiirka koowaad Ee Soomaaliya oo ah nin aqoonyahan ah dhalinyaro ah  qunyar socodna ah ayaa umuuqda nin kasban kara Taageero uuw ka helo Hogaamiyaasha Siyaasada Soomaalida , 

Waxaa jira kulamo kala duwan oo Porf Cali Maxamed Gedi la wadaagay xubno ka tirsan Siyaasiyiinta Soomaliyeed yado qarkood ay ku dhamaadeen is afgarad iyo guul qaarkalena hada ay hoowshoodu socoto,

Prof Cali Maxamed Geedi wasiirka koowaad ee Soomaaliya isaga oo ka hadlaya ajandaha doowladiisa waxa u yiri sidan

 Xukuumada la dhisdoono waxa ay noqondoontaa Mid dib uheshiisiineed kuna shaqaysa aragti nabadeed wada xaajood Siyaasad furfuran oo horsed u ah in la is waa fajiyo danta aan leenahay iyo danta la inaga leeyahay heer gobol iyo mid caalami, 

Wasiirka koowaad ee Soomaaliya Porf Cali Maxamed Geedi waxa u helay taageero badan iyadoo ku dhawaad 500, oo Qofood oo iskugu jirtay Siyaasiyiin Aqoonyahan Oday Dhaqan iyo waxgarad katirsan beesha Mudulood Hiraab iyo Xubnaha Xidhibaanada ee beeshaasi u muujiyeen taageero hiil iyo hooba leh in ay la garab is taagayaan, 

Dhinaca kale porf Cali Maxamed Geedi waxaa horyaala arimo aad xasaasi u ah oo runtii ubaahan dhabar adeeg iyo karti arimaha horyaala waxaa ugu muhiimsan in uw helo taageerada Hogaamiyaasha Siyaasada Soomaalida oo iyagu inta badan jecel in ay awooda dalka soomaliya gacanta ku dhigaan waxaa jira Xubno badan oo Porf Maxamed Cali Geedi Xilka uga horeeyay ayna is fahmi waayeen hogaamiyaasha kooxaha waxaana ka mid ah xubnahaas Cumar Carte Qaalib oo wadanka Jabuuti doowladii Cali Mahdi lagu soo doortay Cali Khaliif Galeer iyo Xasan Abshir Faarax iyo Maxamed Cabdi Yuusuf oo shirwaynihii Wadanka Jabuuti tuulada Carta ee qiimiga badan lagu soo Doortay doowladi ku meelgaarka aheed, 

Hadaba hadii Mudane Cali Maxamed Geedi ku guuleeysto in ay la shaqeeyaan xubnahaasi waxaa meelmar noqonkara rajada Cali Maxamed Geedi ka qabo hogaaminta Soomaaliya Shanta sanoo soo socota , 

Dhinaca kale porf Cali Maxamed Geedi waxaa laga sugayaa in doowladiisa ay ka mid noqdaan Aqoonyahano siyaasiyiin iyo dad soomaalida manta ku hagi kara wadad nabada waana waajib saran Wasiirka koowaad ee Soomaaliya in ay doowladiisa kuwada jiraan hogaamiye kooxeedyada ku dooda in ay yihiin mujaahidiin iyo Aqoonyahanka soomalida looga fadhiyo in ay ka saaraan dhibnatadii 14 sano


Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca)
axmeddheere65@hotmail.com

SomaliTalk Nairobi | Nov 13, 2004

ISHA SAWIRADA: Google Search

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim

Samsam Ducaale oo La soo Helay Cadeymo Muujinaya in ay Tahay Ardayad

Waa qormada ay ku saabsan tahay Faallada SomaliTalk ee bishan
Guji

 



HTML CD