Waakan Qoraalkii uu Daabacay Qaran
.. Taariikh laguma qorin qoraalka.. lamana sheegin xilliga islaanka la dhaawacay... sidaan ayuuna u qornaa...

Wax la weeraray guriga Islaanka reer Mahad oo ku yaal magaalda Gaalkacayo.. Posted by: qaran 

Weerarkan ay Malayshiyada beesha Maxamed Cumar ku qaadeen Islaan Bashiir oo ay Col. C/Yusuf jifo hoosaad isla yihiin ayaa la sheegay inuu la xiriiro dilkii Suldaan Axmed Hurre oo uu Col. C/Yusuf ku diley Suldaan Hurre sadex sano ka hor Tuulada Kala-bayr ee ka tirsan Gobalka Nugaal...

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya inay jiraan isbahaysi cusub oo dhex-maray beesha Maxamed Cumar iyo beelaha Habar-gidir ee degan Gobolka Mudug. Waxaana wararku sheegayaan inay isku raaceen sidii ay si wada jira ula dagaalami lahayeen Col. C/Yusuf iyo malshiyada taabacsan.

Gurigii Islaanka xalay fiidkii markay saacadu eer Mahad Islaan Bashiir ayaa ahayd 9.20kiii hamaynimo lagu weeraray qoryahay fudud iyo baasuukayaal. Wareerka ayaa la xaqiijiyey iney geysteen Malayshiyo ay leedahay beesha Maxamed Cumar. Islaan Bashiir ayaa la sheegay inuu soo gaaray dhaawac fudud waxaana lagu dawaynayaa isbitaalka weyn ee Dhagacade oo ku yaala waqooyiga magaalada Gaalkacyo. Waxaa warku intaa ku darayaa in laba nin oo ka mida ilaaladii Islaan Bashiir ay ku dhaawacmeen weerarkaas.
Weerarkan ay Malayshiyada beesha Maxamed Cumar ku qaadeen Islaan Bashiir oo ay Col. C/Yusuf jifo hoosaad isla yihiin ayaa la sheegay inuu la xiriiro dilkii Suldaan Axmed Hurre oo uu Col. C/Yusuf ku diley Suldaan Hurre sadex sano ka hor Tuulada Kala-bayr ee ka tirsan Gobalka Nugaal.

Magaalada Gaalkacyo ayaa qasan waxaana la filayaa in hadii aan labadan beelood lakala dhex-gelin uu dhici doono dagaal fara-looga gubto oo ay dadbadani ku hoobtaan

. Beesha Maxmed Cumar ayaa horay u sheegatay inay fuliyeen weerarkii lagu qaaday Col. C/Yusuf sadex casho ka hor.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya inay jiraan isbahaysi cusub oo dhex-maray beesha Maxamed Cumar iyo beelaha Habar-gidir ee degan Gobolka Mudug. Waxaana wararku sheegayaan inay isku raaceen sidii ay si wada jira ula dagaalami lahayeen Col. C/Yusuf iyo malshiyada taabacsan.

Dr Cabdi-daahir Yusuf Cilmi

Gaalkacyo

cabdidaahiryusuf@yahoo.co.uk