SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - NAIROBI
Daabaco Boggan | Print
...
BAARLAMAANKA KMG OO BILAABAY CODAYNTII MADAXWEYNAHA

SomaliTalk.com (Oct 10, 2004): Waxaa mardhow magaalada Nairobi ka bilowday codayntii ay xildhibaanada baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya ay u codaynayaan madaxweynaha Soomaaliya.

Waxaana lagu soowaramay in laba musharax ee madaxweynaha ay daqiiqadihii ugu dambeeyey ka laabteen musharnimadoodii taas oo ka dhigeysa musharaxiinta madaxweynaha u taagan 26 musharax.

Waxaa hadda socda wareegii 1aad ee doorashada, taas oo xildhibaanadu ay codkooda ku bixinayan..

Musharaxii hela in kabadan 2/3 codadka xildhibaanada ayaa noqonaya madaxweynaha Soomaaliya. Haddii wareega koowaad lagu kala bixi waayo waxaa loo gudbidoona wareegga labaad.


DOORASHADA MADAXWEYNAHA KMG  SOOMAALIYA EE 5ta SANO

Maanta oo Axad ah (Octoobar 10, 2004) ayaa la qorsheeyey in ay xubnaha baarlamaanka KMG ah ee dhowaan lagu doortay Kenya ay doortaan madaxweyne ay yeelato Soomaaliya. Doorashadaas oo si weyn looga sugayo dhammaan meelaha ay Soomaalidu kaga nool yihiin dunida dacaladeeda iyo gudaha dalka Soomaaliya, waxa ay soo af-jari doonta shirkii Soomaalida uga socdey dalka Kenya ilaa Octoober 2002 iyo 13 sano oo dawlad la'aan ah oo ka jirtey Soomaaliya iyo 14-jeer oo la-isku deyey in Soomaaliya loo dhiso dawlad..

Doorashada waxaa lagu wadaa in la qabto duhurnimada maanta waqtiga bariga Afrika.

Qaabka Doorashada:::

Qaabka ay doorashadu u dheceyso ayaa ah in xildhibaanadu ay codkooda si qarsoodi ah ugu ridi doonaan sanduuq. Waxaana madaxweyne noqonaya musharaxa hela in kabaadan 2/3 codadka xildhibaanada. Laakin haddii codbixintaas ugu horeysa aan musharaxna helin in ka badan laba meelood oo kamid ah codadka oo loo qaybiyo saddex (2/3), waxaa markaa la tartansiin doonaa lixda musharax ee haysta cododka ugu badan, kuwaas oo u gudbaya wareega labaad.

Haddii markaas lixdaas xubnood aan midkoodna helin in ka badan 2/3 codadka xildhibaanada, waxaa markaas wareega saddexaad loo gudbin doonaa labada musharax ee helay codka ugu badan. Labadaas musharax oo u gudbaya wareega saddexaad ayaa cod dheeri lagu kala saari doonaa, halkaas oo uu kasoo bixi doono madaxweynaha 5ta sano ee Dawlada Dhexe ee KMG ee Soomaaliya..

Madaxweynaha & Dawladda Soomaaliya Loo Doorto:::

Madaxweynaha la doorto hawsha ugu horeysa ee la gudbooni waa in uu soo dhiso dawlad leh ra'iisul wasaare.

Dawlada la soo dhiso waxaa hor yaal hawl adag oo ah dib u dhiska dalka Soomaaliya. Wargeys ka soo baxa K/Afrika oo ka hadlayey arimaha Soomaaliya ayaa waxa uu qoray: In dawlada cusub ee Soomaaliya ay la wareegeyso dal aan lahayn arimaha asaasiga ah ee dawlada iyo dhismayaal dawladeed, isla mar ahaantaasna aan haysan lacag. Wargeyskaasi waxa uu xusay in wadamada Yurub ay sameeyeen qorshe ku qoran xashi oo ah $17,5 million oo ah caawinaada ugu horeysa. Qaramada midoobeyna waxa ay sheegtay in Soomaaliya u baahan tahay $5 billion oo doolar si dib loogu dhiso.

Cabsida ugu weyn ee dawlada Soomaaliya ee lagu soo dhiso kenya waa magaalada Muqdisho oo ah caasimadii Soomaaliya oo ay tahay in dawladu tagto si ay dalka halkaas uga hoggaamiso, taas oo ay qaybaha muqdisho ay kala xakumaan maleesiyooyin kala gedisan, kuwaas oo noqon kara caqabad - waxayna ahayd caqabadii ugu weyneyd ee ay la socon weydey dawladii lagu soo dhisay carta markii ay xukunkeeda gaarsiin kari weydey gurigii madaxtooyada ee Soomaaliya.

Taariikh Kooban Soomaaliya::::

1894 ayaa heshiiska loo yaqaab "Tripartite Accord" waxaa wada garey Ingiriiska [Great Britain], Talyaaniga [Italy], iyo Itoobiya [Ethiopia], kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya. Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka soo eegaya badweynta Hindiya oo waagii dambe loo bixiyey Italian Somaliland. Heshiiskaasu wuxuu aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu qaato dhulka galbeed ee Soomaaliya ee loo yaqaan Ogaden. NFD oo hadda loo yaqaan Gobolka Woqooyi bari Kenya waxaa qaatay Kenya. June 26, 1960 ayaa Gobolada Woqooyiga Soomaaliya ka xoroobeen gumaysigii, halka July 1, 1960 ay ahayd xilligii ay Koonfurta Soomaaliya xorowdey isl amarkaasna ay is raaceen Koonfur iyo Waqooyi. Sannadkii 1977 waxaa Ogaden kudagaalamay Soomaaliya iyo Itoobiya. Sannadkii 1978 ayaa Soomaaliya dib u guratay, waxaana sannadkii 1988 heshiis nabadeed kala saxiixday Soomaaliya iyo Itoobiya, laakiin Soomaaliya kama noqon sheegashadii Ogaadeenya. Sannadkii 1983 Waxaa lajoojiyey [la laxaaraam tinimeeey] kaganacsiga iyo cunitaanka Qaadka. Waxaase xukunkaas laga noqday oo qaadkii dib loo ogolaaday sannadkii 1990. [Waxaa lagu qiyaasay in garoonka Deyniile oo keliya laga dejiyo qaadka nooca Miirowga loo yaqaan oo qiimihiisu dhan yahay $170,000/bishiiba, taas oo sannadkii ka dhigeysa $2,040,000. Eeg halkan... .  Kasoo horjeedka Cisbitaalka Boosaaso waxaa kuyaal suuqa daroogada Qaadka oo ay  kasoo baxdo miisaaniyad lagu qiyaasay $US50,000 maalintiiba, laakiin lacagta halkaas ka soo baxda iyo cashuurteedu toona ma gaaraan cisbitaalka, sidaas waxaa qoray...  ABC Australia... ]
Dabayaaqadii 1990 ayaa dagaal sokooye ka qarxay Soomaaliya, taas oo sababtay in 27-kii January 1991 uu Maxamed Siyaad Barre  kabaxay magaalada Xamar, ilaa waqtigaasna Soomaaliya aysan yeelan dawlad gaarta dhammaan inta Soomaaliya ee gumeysiga xorta ka ahayd. [Taariikh Kooban Soomaaliya... GUJI]

Marxaladihii uu Soo maray Shirka Soomaalida ee Kenya::

Shirka Soomaalida uga socda Kenya waxaa uu markii hore (October 2002) ka bilowday magaalada Eldoret, kaddibna bishii Febraayo ee 2003 ayaa loo soo raray Mbagathi, Nairobi. Waxaana shirka isku soo agaasimey IGAD oo ka kooban dalalka Djibouti, Ethiopia, Eritrea, Kenya, Sudan & Uganda, (Soomaaliya waxay xubin ka tahay IGAD laakiin xubin-nimadeedu ma shaqaneyso waqtigan ilaa ay markale dawlad noqoto). Sannad guuradii labaad ayaa ku beegan bisha Oktoobar, waxana uu shirkaasi soo maray heerar kala duwan oo ay ka mid yihiin samaynta Axdi ama Dastuur  loo sameeyey Soomaalida.

Heerarkii uu soo maray shirku saddexdii bilood ee ugu dambeeyey waxaa kamid ahaa in la doortay xubnaha baarlamaanka oo ka kooban 275 xubnood, kaddibna la doortay guddoomiye iyo laba guddoomiye xigeen oo uu yeeshay baarlamaanka KMG. Taariikhaha ay arimahaasi qabsoomeena waa:

  • Agoosto 22, 2004: ayaa la dhaariyay baarlamaan aan dhamaystirayn - waxaa la dhaariyey 203 kamid ah 275-ta xildhibaan..
  • Agoosto 29, 2004: Waxaa la dhaariyey qaar kale oo kamid ah xubnihii baarlamaanak ka dhinaa..
  • September 6, 2004: Guddoomiyihii Kumeel gaarka ahaa ee Baarlamaanka ayaa SomaliTalk u sheegay in khilaafkii dhammaaday.
  • September 15, 2004: Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dhowaan la dhisay (oo lagu magcaabi jirey Faarax Xasan Maxamad) ayaa ku geeriyoodey Nairobi, arintaas oo sababtay in doorashada guddoomiyahay baarlamaanka dib loo dhigay qadar saacado ah.
  • September 15, 2004: Xildhibaanada baarlamaanka ayaa Shariif Xasan Sheikh Aadan u doortay Guddoomiyaha Baarlamaanka KMG ee 5ta sano.
  • September 18, 2004: Kulankii baarlamaanka ayaa laga soo saaray in dib loo dhigay Doorashadii madaxweynaha Dowlada KMG ah illaa Bisha Oktoobar 10 keeda..
  • September 22, 2004: Prof. Maxamad Cumar Dhalxa ayaa loo doortay Gudoomiye Ku xigeenka 1aad ee baarlamaanka KMG. Gudoomiye ku xigeenka 2aadna waxaa loo doortay Cismaan Cabdi Boqore.
  • October 1, 2004: Baarlamaanka KMG oo laga soo jeediyay in $2000 doolar musharaxii aan dhigin uusan isu sharixi karin madaxweynaah Soomaaliya...
  • October 4, 2004: Baarlamaanka KMG ayaa ansaxiyay qodobka xeer hoosaadka ee lacag ka qaadista musharaxiinta, qodobkaas oo ah in musharaxii kasta laga qaado $2000...
  • October 5, 2004: Waxaa tartanka jagada maadxweyanah isugu soo haray 28 musharax. Magacyada musharaxiintaasi waa kuwa hoos ku qoran. Musharaxiinta madaxweynaha oo markii hore gaarayey ilaa 70 musharax ayaa isugu soo biyo shubtay 28, waa kaddib markii baarlamaanku ansixiyay in musharax kasta ay shardi tahay in uu dhigo $2000 oo aan celis lahayn.
  • 1) Axmed Cabdi Xaashi (Xasharo)
  • 2) Asha Axmed Cabdalla.
  • 3) Cabdi Cusmaan (Kabareeto)
  • 4) Cabdi Guuleed Max’ed.
  • 5) C/qaasim Salaad Xasan.
  • 6) Cabdiraxmaan Cabdi waare.
  • 7) C/raxmaan Jaamac Barre.
  • 8) C/llaahi Axmed Caddow.
  • 9) C/llaahi Yuusuf Axmed.
  • 10)C/qaadir Suufi (Muriidi Golf).
  • 11)Cali C/llaahi Max’ed.
  • 12)Cali Cumar Xasan Guuleed.
  • 13)Cusmaan Jaamac Cali (Kalluun).
  • 14)Cusmaan Max’ed Faarax
  • 15)Faarax Weheliye Caddow (Sendiko)
  • 16)Jaamac Cali Jaamac
  • 17)Jaamac Xassan Khaliif
  • 18)Jeylaani Cali Kediye
  • 19)Mahdi Abuukar Max’uud
  • 20)Max’ed Cumar Xabeeb (M/dheere)
  • 21)Max’ed Qanyare Afrax
  • 22)Max’ed Xuseen Caddow
  • 23)Max’ed Yaasiin Ismaaciil
  • 24)Muumin Ibraahim Isaaq
  • 25)Muuse Suudi Yalaxow
  • 26)Sheekh Cumar Cabdiqaasim
  • 27)Xasan Max’ed Nuur Shaatiguduud
  • 28)Xuseen Max’ed Ceydiid

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 10, 2004

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Hordhac | 1aad | 2aad

Qore:Shiikh C/risaaq Macalim

kaah



HTML CD