SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Radiyo SBC ma ku guulaysan doonaa in uu Puntland oo burburiyo.

jagne dahir <jagne3@hotmail.com>

Wuxuu uu yuusuf Garaad u siimobay Warbaahinta Puntland ka howlgasha  wuxuuna
Bosaso ka yegleelay Radye iyo Homepageyo uu isagu leeyahay, laakin Rag
Madaxda Maamulka Puntland ka mid ah ay Wakiil uga yihiin wuxuuna Yuusuf
Garaad sidaas ku hantiyey Warbaahintii Puntland kuwoodii ugu firfircoonaa,
taas oo keentay in uu ku guulaysto in uu Siyaasada Puntland wax ka sawiro.

Haddaba waqtiga u Yuusuf Garada sidaas ugu guulaystay in uu hantiyo
Warbaahinta Puntland ka howlgasha wuxuu dhinaca kale xunguruf dhexmartay
Maamulka Puntland iyo Raadyihii ay ku dhaadanjireen ee Midnimo oo isagu
mudadaan danbe qaab Mucaarad yeeshay.

Haddaba maadaam Raadiyii ay reer Puntland lahaayeen uu u xuubsiibtay
Mucaarad kuwa Magac reer Puntland lagu furtayna aan laga sugayn in ay wax
reer Puntland dan u ah soo bandhigaan waxaa xaqiiq ah in ay xaalada Puntland
meel xun marayso oo lagu guulaysan kara in iyada oo reer Puntland la iska
dhiyo in Puntland Dhaadimaha la gooyo.

In uu rRdiyaha SBC Puntland wax la maagan yahay waxaa laga soo dhiraadhirn
karaa Warka Homepage Radyahaas ku qoraa ee ka hadlayey xaalada Jubooyinka
Waxaana cad Qaabka uu Homepageka SBC Wararka Dacaayada looga dan leeyahay ee
ku saabsan in uu Moorgan Kismanyo weerarayo u qorayo wuxuu ku tusayaa waxa
bari puntland lala maagan yahay. waxana la yaab leh

1. in homepage magac reer puntland sheeganaya in uu ku tilmaamo moorgan nin
weerar wada oo iska indho saabo in nin hurigiisii la haysto in aanu weerar 
wadin ee uu weerarka wado ninka guryo uuna lahaayn haysta.
2. iyo in uu isku dayo in uu Dadka ka dado Dagaalka xamar laga abaabulayo oo
uu  tagnika iyo ciidamada xamar laga soo diray ku tilmaamay kuwa raashin
waardiyen kismaanyo ugu socdaan.

Waxaana la yaab leh in Warbaahinta Beelaha kale Qadiyada Beelahooda la safan
yihiin oo ay Danta Dadkooda u doodaan meesha Warbaahinta reer Puntland ay ka
baayac mushtaraan Burburka Dadkooda oo la dhihikaro waxay noqotay Meherada
ugu muhiimsan ee Masruuf lagu raadsado.

Maadaam uu Radiyaha SBC uu yahay midka taageero ka haysta BBCda Laanta
Afsomliga iyo Yuusuf Garaad , kana dab qaato Dayniile waxaa hubaal ah in
Weerarka uu Homepageka SBC uu maanta isaga oo Warbaahinta Xamar kaashanaya
uu Moorgan ku hayo in uu bari Puntland ku  burburin rabo.

Mahadsanid

jagne dahir <jagne3@hotmail.com>

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiisan

Faafin: Somalitalk.com | Sept 11, 2004

QAYBTA SEEXISKA EE ISBITAALKA MBAGATHI
Faaladii toddobaadka ee Fahad Yaasiin Xaaji Daahir Guji..

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
MASHRUUCA

Waa mashruuc kaaga baahan taageeradaada, maskax, muruq iyo maalba... GUJI

PALTALK:::
Waa maxay Paltalk, sideese loo adeegsadaa... Guji...

MADHOODHOW
Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...
 
FILIMADA ANSHAXA XUN
Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...
 
GALCAARKA
Fulinta Dhaqantoosinta iyo La dagaallanka HIV/AIDS-ka:
Ka digtoonaansho qorshaha shisheeye oo ah mindi laba-afle ah...
Guji
 
CAAFIMAADKA
AIDS | CHOLERA | SOKOROW | JABTADA | SHIFO
Faarax Axmed Muuse | Karachi
 
QISO NAXDIN LEH
Fadeexada Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah....... GUJI....
 
SAWIRRO XAMAR
XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

 



HTML CD