SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Nin wacyigeliye isku sheegay oo Rasuulka aflagaadayey  
Waxaa Diyaarisay: Ikraam Cali-kaar
 
Mid kamid ah xagjirada aan aragtida dheereyn ee dalkan Sweden, islamarkaasina isku sheegay inuu yahay "wacyigeliye" ayaa aflagaado darran u geystay Nabi Muxamed NNKH. Ninkan oo lugu magacaabo Runar Sögaard badanaaba qoro qoraalo uu ku sheegay inuu dadka ku wacyigeliyo ayaa isagoo la hadlayey wargeyska Aftonbladet u geystay aflagaado darran Nabigeena sharafta badan NNKH, waxaana uu ku sheegay inuu ahaa nin waalan oo gabdhaha sagaal jirka iyo kow iyo toban jiradda guursadda.
 
"Maxamed, maaheyn Ilaah ee wuxuu ahaa nin waalan oo gabdhaha yar yarka ah ka faraxumeeya , taasi waa run ee akhri taariikhda" ayuu yiri ninkan xag jirka ah oo hadaladdiisa naceybka ku dheehan tahay laga dareemayo  "Akhri taariikhda markaas baad arkeysaa in Muxamed watay gabdhaha yar yar guursadayna markaaskadib." ayuu sii daba dhigay hadalkiisa  isagoo ka jawaabayey su'aal aheyd waa maxay wacyigeliIntaada  ku aadan Islaamka.
 
Cabdul Xaq Kielan oo ka tirsan Ururka Gargaarka Sweden iyo Muslimiinta, ayaa sheegay in hadalada ninkaasi kasoo yeeray ay lamid yihiin kuwii kal hore Islaamka looga sheegi jiray markii la bilaabayey dagaal ka dhanka ah muslimiinta bariga dhexe islamarkaasina uu daba socdey gumaad qaatay muddo 300 oo sanno.
Waxaa uu sheegay Cabdul xaaq in ninkan waalani uu abuurayo naceyb ka dhan ah qowmiyado waxey aaminsan yihiin, halkii in nabad adduunyada lugu soo dabaalo u ordi lahaa oo wanaaga fari lahaa.
Inkastoo ninkan xag jirka ah aanu aflagaadeyn Islaamka iyo Nabi Muxamed  oo keliya hadana waxa uu muujiyey naceybka gaarka ah ee u hayo Islaamka isagoo ku talax tagay ceyda beenta ah uu ka sheegayo Rasuulkii Illaahey soo diray.
 
Muslimiin badan oo aad u careysan ayaa durba waxey lasoo xirriireen wargeyska soo qoray hadalka ninka ee la yiraahdo Aftonbladet, waxaana ay qaarkood muujiyeen hanjabaado ka dhan ah xag jirkan. Mid kamid ah dadkii lasoo xirriiray wargeyska ayaa yiri "Waad ogtihiin wixii ku dhacay Pim Fortuym-kii Holland, waana uu ka shaleyn doona waxa uu yiri". Nin kale oo isagana careysan lana soo xirriiray ayaa wargeyska u sheegay inuusan aqoonba u laheyn Maxamed iyo Illaahey marba hadduu Rasuulka ku sheegay Illaah.
Guud ahaan muslimiinta dalkan ayaa si weyn uga carrooday hadalka ninkan kasoo yeeray ee Nabi Maxamed ku sheegay inuu yahay nin ku ciyaara faraxumeeya. "pedofil" Waxaaana soo wajaheysa baa la leeyahay nabad galyo darro keeni karto in ladilo.
 
Dhinaca kale ninka la yiraahdo Jan Hjärpe oo isagu ah Prafasor ku xeel dheer Diinta Islaamka waxna ka dhiga jaamacada Lund ee dalkan Sweden ayaa hadalka Sögaard ku tilmaamay qeyral masuulnimo aan loo baahneyn, waxaana uu is weydiiyey sida u qalad iyo sax intaba ugu tilmaamay Nabi Maxamed nin gabdhaha faraxumeeya. Isagaoo ka hadlaya guurkii  Nabiga Muxamed NNKH wuxuu yiri "Caa'isha waxey aheyd gabadhii uu dhalay Abuubakar Sadiiq Ilaahey labadoodaba raaali  haka ahaade markey guursaneysay Rasuulka waxey jirtay toban sanno, mana sheegi karro waqtigii saxda ahaa ee guurkooda dhacay. Waxaana ay aheyd gabadha keliya ee iyadoo gabar ah  uguna da'da yareyd dhamaan haweenka Rasuulka NNKH guursaday. Maxaa yeelay kuwa kale qaarkood waxey ahaayeen garoob ama kuwo raggoodi ka dhintay."
 
Mar wax laga weydiiyey prafassoorka inuu cambaareynayo hadalka ninkaasi kasoo yeeray ayuu sheegay inuu si weyn u cambaareynayo ugana soo horjeedo. Sababtuna waxaa uu ku tilmaamay iney habooneyd intuusan ka hadlin arrimo guur in taariikhda dib u milicsado oo eego in waqtiyadii hore gabdhaha la guursan jiray. Tusaale ahaana waxa uu soo qaatay Sankta Birgitta iyo Amiiradda la yiraahdo Margaratta oo labadooduba sheegay in la guursaday iyagoo 12 iyo 13 jiro ah. Islaamka xagiisana aysan arrintan ka aheyn ceeb.
 
Isku soo wada duubo muddooyinkan dambe waxaa guud ahaan caalamka ku soo badanaya shaqsiyaad u soo shaqo tagay iney diimaha caayaan, waxaa horey aflagaadooyin iyo ihaano Islaamka u geystay shaqsiyaad badan oo isugu jira siyaasiyiin iyo kuwo rayid ah. Waxaana ay qaarkood kiciyeen dareenka dadka Muslimiinta ah ee waqtigan laga awood badan yahay.  Ayaan Xirsi oo iyadu ah haweeney asalkeedi Somali ahaan jirtay kana mid ah mudane ka tirsan baarlamaanka dalkaasi Holland ayaa kamid ah shaqsiyaadka sida akhlaaq darrada leh Islaamka hada iyo goor uga gaffa. Waxeyna horey marar badan u sheegtay ineysan aqoonsaneyn jiritaanka Ilaahey iyo diintiisa. Arrinta ugu naxdinta badneyna waxey aheyd markey Nabi Muxamed NNKH ay ku misaashay Usaama Bin Laakin iyo Saddaam Xuseenkii dalka Ciraaq. Dhawaan ayaa sidoo kale boqorada dalkaasi Denmark Margrethe II buug ay soo saartay ku sheegtay in Islaamku yahay diin u baahan in laga hortago, iyadoo aad u muujineysay cadowtaniamda gaamuurtay ee u hayaan ka reer Galbeed ahaan dadka muslimiinta ah ayey uga digtay shucuubta reer Galbeedka iney Islaamka ka foojignaadan.
 
 
Waxaa Diyaarisay: Ikraam Cali-kaar
 

Faafin: SomaliTalk.com | April 20, 2005

BOOSAASO & LA DAGAALANKA ANSHAX XUMIDA
Waxaa (19-04-2005) lagu qabtay Hoolka Jamacada Bariga afrika Boosaaso Shir aad u balaaran oo ay yesheen Wasaarada Diinta iyo Awqaafta iyo Culumo owdiinka Gobolda Puntland Qaar ka mida... Guji...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD