SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Soomaaliya oo loo ogolaaday in laga Furo Garoonkii Sedexaad ee Mareykanka

Eng. Ahmed M. M. – Waharey
ammoalin@yahoo.com

Sweden.

Maxay yihiin Garoomadu? 

Dadka siyaasadaha u kuur gala intooda badan waa ay dareensan yihiin baahida uu Mareykanku u qabo garoomadan ku soo badanaya dunida sanadahan dambe, ee uu boqolaalka bilyan ee doolar ku bixinayo dhisidooda. 

Garoomadan oo ah kuwa si gaara loogu diyaarinayo kooxo cusub oo dunida kusoo badanaya ciyaarahooduna aysan ku habooneyn in lagu dhex qabto magaalooyinka ay deganyihiin bulshooyinka horumarey, khataraha ay u geysan karaan ay ka mid ahayd tii kow & tobankii september 2001 ay u geysteen magaalada New York o ahayd wax fool xun oo ay ka wada xumadeen bulshada caalamka oo idil si gaar ahna u taabtay bulshada Mareykanka. 

Markii ay dhibtaasi dhacday dawlada mareykanka waxa ay mar keliya dunida ku amartey in la raaco nidaamka ay kaga hortegeysa kooxahaas cidaan raacina ay ku tilmaantay inay la mid yihiin kooxaha dhibta noo gaystay. Markeliya waxaa is bedeley siyaasadii dunida waxaana dunida kusoo biirey nidaam siyaasadeed cusub kasoo ogolaaday in lagu dhaqmi karo waxyaalo badan oo harey bulshada caalamku u tiqiinay ku xadgud bini’aadanimo.  

Sidoo kale Dawlada Mareykanku waxay isla waqtigaas dunida kusoo biirisay nidaam u ogolaanaya inay ku duuli karto wadamo ay si gaara u xulatey si ay uga dhex furato garoomo cusub oo ay ku casunto kulana ciyaarto kooxaha cusub ee sida gaarka ah qatarta weyn ugu hayay dawlada mareykanka.

Maamulka Mareykanku waxaa uu markiiba ka ansaxsaday aqalka senaterada kuna qanciyay bulshadiisa hadii aysan sida ugu dhaqsaha badan saas samayn in magaalooyinka waaweyn ee Mareynkanku noqon donaan garoomada aanu isku qaabilno inaga iyo kooxaha cusub waadna dareemi kartaan qatarta aanu ka dhaxli doono. 

Afghanistan ayaa noqotay wadankii ugu horeeyay ee uu mareykanku ka furto garoon weyn uu kula bardoodamo kooxaha cusub halkaas oo ahayd barta kulanka koxahaas madaama ay ka jiretey maamul dhaqaale ahaan siysaasad & ahaanba ku xirnaa kooxahaas. Dawlada Mareykanku marna kuma talo jirto inay afghanistan yeelato dawlad wadani ah oo isku filan xag nabadgalayo & xag dhaqaale sabatoo ah waxaa ka xirmaya garoonkeeda weyn ee ay ugu talagashay ciyaaryahanda degan wadamada bariga dhexe, Aasiya & wadamada loo yaqaan bariga fog ee Aasiya halkaas oo ay ka yimaadan tirada ugu badan ee kooxaha cusub ee mareykanka faraha ba’an ku haya. 

Ciraaq ayaa iyana noqotay wadankii labaad ee laga furo goroon weyn oo si gaara loogu tala galay dunida carabta (bariga dhexe). Wadankan oo ahaa wadan dawlad lahaa kala dambeynina ka jirtey inkastoo maamulkiisu ahaa mid diktaatoor ah muda dheerna caalamku fiiro gaara ku hayay in badana cunaqabatayn lagu hayay ayaa mar keliya waxaa uu buuxiyay shuruudihii Mareykanku sida gaarka ah ugu xulanayay goobaha uu doonayo inuu garoomo ka furto.  

Maamulka mareykanku waxaa uu markiiba ku dhaqaaqay sidii uu cago (lugo) ay ku socoto ugu samynlahaa siyasadiisa ku wajahan qabsashada & burburinta Ciraaq, waxuuna ka bilaabay gudihiisa isagoo ku abuurey senataradiisa & bulshadiisa cabsi weyn, kadib markii dad gaar ah oo bulshada caan ka ah boostodooda loo dhigay sunta loo yaqaan Antrax si kheyri caadi ahna looga wada baahiyay aaladaha isgaarsiinta ee kala duwan dadkii oo dhana ay ku dhalatey inay ka baqaan furashada boqshadaha loo soo diro.   

Aduunka oo ay ka jirto baqdintaas dadkuna ay dhegehooduna maqli karaan wax kastoo ku wajahan ka hortageeda ayay si fudud Dawlada Mareykanku usoo bandhigtay siyaasadeedi ku wajahneyd qabsashada iyo burburinta Dawlada Ciraaq iyadoo ku macneysan inuu haysto sunta sida xun wax u gumaada 48 saac gudahoodna  ku baahin karo caalamka oo idil.

Somaaliya oo ah wadan mudo badan uu ka socdo dagaal sokeeye shirar badana ay bulshada caalamku u qabatay kii ugu dambeeyayna ahaa midkii lagu soo dhisay dawlada taagta yar ee haatan ka jirta somaaliya. Sida muuqatana ay iska cadahay in Somaaliya ay buxisay shurudihii Mareykanku ku xulanlahaa goobta uu damacsan yahay inuu ka furto garoonkiisa sedexaad, kaasoo uu noqonaya mid uu si gaara ugu tala galay inuu ku qaabilo mitidiinta mayalka adag ee kasoo jeeda dadyawga dega qaarada afrika & Latin ameerika oo muqaal ahaan ah dad is shabihi kara iskuna dhex gaban kara.   

Maamulka Mareykanka oo caan ku ah inta uusan figradihiisa caalamka usoo bandhigin inuu kasoo hormariyo barnaamijyo u gogolxaaraya una sii bisleynaya bulshada caalamku siday ugu nuglaan lahayeen qaadashada figradihiisa qalafsan. Waxaa ku dadaalay sidii uu somaaliya ugu bisleynlahaa sidii ay uga hirgeli lahyd kacdoon diimeed oo lamida kii afghanistan ay ka smeeyeen Taalibaanku, si uu indhaha bulshada caalamka u tuso inay tahay halis weyn oo u baahan in wax laga qabto. Waxaa uu adeegsaday qaybo ka mida qabqablayasha dagaalka una la galay heshiis hoosaad gaar ah una furay misaaniyad badan oo uu kusoo jiidanayay si ay ugu hogaansamaan hirgelinta barnaamijkiisa. 

Markiiba, wuxuu Qabqablayashii u sameeyay urur uu ugu magac darey La dagaalanka argagaxisada, waxa uu u dirsaday inay soo qabtaan dad aan waxba galabsan o qabashadooduna u sahlantahay qab-qablayaasha dagaalka kana balanqaadey markay qof soo dhoofshaanba inuu borsooyin lacaga ugu bedalanayo. Ula jeedkiisuna waxa ay ku ekeyd oo keliya inuu culimada somaaliyeed ka careysiiyo oo kiciyo kana fooliyo sidii ay kacdoon diimeed oo shabihi kara kii taalibaan u sameeyaan. Howlahaasi kuma aysan ekeyn oo keliya koonfurta Somaaliya e xitaa waxa ay ka socdeen Puntland iyo Somaliland oo iyana si sidaas si ka duwan oo la jaanqadi karta maamuladooda. 

Mudo yar gudahood waxaa Somaaliya ka curtay kacdoon diimeed oo si xooli ah ugu fidey gobollada dhexe iyo Konfurta Somaaliya, kaasoo markiiba si xad dhaaf ah looga baahiyay Tv-yada iyo jaraaidyada caalamka. Mudo yar ka dib waxaa bulshada caalamka loo tusay in somaali ay hoy u noqotay ururada argigixisada eyna helis weyna kunoqonayso caalamka madaama ay qarka u saaran tahay in si buuxda uu uga hirgelo nidaamka ay wadaan maxkamadaha Islaamiga ah, loo arkey inuu si u yara shabaho nidaamkii ay ku dhaqmi jireen Talibaniyintii Afghanistan.  

Markii ay baqdintaas ku baahday aduunka oo idil, dawladaha caalamkuna intooda badan ay dhegehooduna maqli karaan qaadana karaan wax alla wixii khuseeya sidii looga hor tegi lahaa halistaa Somaaliya laga sheegayo ayay dhowaan Dawlada Mareykanku hindisaheedii ku wajahnaa Somaaliya usoo bandhigtey Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay kasoo kalfadhi qura lagu ansixiyay meemarintiisa laguna ogolaaday in Somaaliya laga fududeeyo cunaqabataynta hubka, loona fasaxo inay tagaan ciidamo ka socda dawladaha IGAD.  

Sida muuqatana Dawladaha safka hore ee IGAD (Ethopia) ayaa ku guulaysatay qandaraaskan lagu dhisayo goroonkan oo ah kii  sedexaad halka garoonkii kowaadna ay ku guuleysteen NATO kii labaadna cid qaadata intii loo waayey ay Mareykanka & Ingriisku ay gacmahooda ku dhisteen jab badana ay akala kulmeen haatana aysan diyaar.    

Mareykanku marna ma damacsana in ay Somaaliya dawlad wadani ah yeelato o ku filnaata nabad galyadeeda iyo ka talinta aayaheeda sabatoo waxaa isa so xiraya garoonkan sedaxaad oo ah mid meel istraatiji ah uu ka sameytay. Mitididiinta mayalka adag runtii ma’ahan kuwa xiligan ku sugan somaaliya laakiin kuwa lagu soo casumi doona marka garoonkan la diyariyo. 

Siyaasiyiinta haatan xilalka kala sarsare ka haya Dawlada ku meel gaarka ah ee haatan la dhacsan nidaamka Mareykanku wato una arka inuu yahay mid lagu xoojinayo dawlada taagta yar lana gaarsiinayo awoodeeda gobollada oo idil markaa kadibna ay fursad u heli donaan inay si madax banaan dalkooda iyo dadkooda u xukumaan keligoodna ayaahooda uga tashadaan. Waxaan leeyahay walaalayaal xaalka sidaad u heysataan ka fog halkaad wax ka eegaysan arinku wa ka sii fogyahay miyaydaan la socon syaasada caalamka in xitaa dawladihii waaweynaa ay ka gaabsadeen inay ka hadalaan iskaa inay wax ku darsadaan arin mareykan leeyahay.  

Sidoo kale madaxda haatan xilalka sarsare ka heysa maxkamada islaamiga waxaan iyana xusuusinayaa inaysan ummada soomaliyeed gaar ahaan dhalinyta aan aqoonta fiican u alahyn diinta inaysan ku beerin jihaad iyo inay dhiig qof kaloo muslim ah daadiyaan. Halka aad arinka ka eegaysana xaalku waa ka fogyahay meeshan waxaa loo digdig leeyahay maahan culimada soomaaliyeed hadii la idin rabo waa idinka hadba wadan u dhoofaya maay idin qabsadaan war waxa la idinka rabo garta war in la idinka careysiiyo oo intaa aad careysantihiin caradiina laga faa’ideysto, war diintu waa nasteexo waxay idiin baneynaysaa inaad xeelado badan u isticmaashaan cadowgiina war xitaa mararkaa qaarkood siyaasadaha jaarkaaga waa lala qabsadaa adigoo taadana si degan u wata war rabi ha laga baqo oo ummada Soaaliyeed yaan la jihaad gelin.  

War kuwa dawlada sheeganaya e baydhaba fadhiya iyo idinkuba waa u simantihiin oo idima kala jecla wax walba dantiisa uu naga leeyahay baa uga weyn hadaba walaalayaal hadaanu midowno oo aanu qeybsamo maamulka yar ee haatan jira cadowgan nagama faa’iideysan karo, maanta idinkaa gacanta ku haya aayihii ummada ee nabad la qaata tanaasulaad badan u sameeya xitaa hadii ay idinla galeyso inaydaan xil qaban go’aansada dadku markii dad noqdo oo uu dugaagnimadan ka baxo iyagaa si ladhifan idinku dooran doona hadaad maanta u axsaan fashaan oo aydaan jihaad iyo dhiig macna dara ah u keenin haatan. 

Shiikhow Ilaahay ka baq ummada noocaan ku sugan jihaad iyo jiha wareer hor leh umma baahna war saw ma aragtaan sida ummadiinu u dayacantahay war u tanaasula hadaad rabi ka baqaysaan oo aad tihiin dad diinta ilaahay ay dhab ka tahay. 

Qaabka Mareykanku ugu Casumo Garoomadiisa Mitidinta Mayalka Adag. 

Waxaan wada garanaynaa habka iyo hanaanka la maro kolka Dawladi ay  doonayso inay kooxo ku casunto garoomadeeda. Qaabkani waa uu ka duwan yahay qaababkii bulshada caalamku tiqiin waa mid si gaara loo soo hindisay iyadoo laga cabir qaatay fikradan oranaysa. Markii aad doonayso inaad badaha ka kaluumaysato ku feker inaad qalabka aad ku kaluumaysanayso u surtid waxa uu kaluunku xiiseynayo si uu dabinkaaga ugu soo cararo.  

Hadaba Mareykanku misaaniyadiisa qeyb ka mida wuxuu ku bixiyaa diyaarinta barnamijyo & sawiro muujinaya waxyaalo ku dhalinkara inay dadka mitidiinta ahee mayalka adag meel kasta ay joogaan inay ka soo baxaan oo iyagoo aan dhag laqabto lahayn oo kabha gacanta ku sita kuna haya jihaad jihaad jihaad ay u yimaadan garoomadiisa uu sida gaarka ugu diyaariyay, xuduudahana waa u furaa una sahlaa soo gelitaankooda ilaa inta garoonku ka soo buxsamayo, markaasu garoonka albaabada u xiraa oo go’doomiyaa wareer culusna ku qaadaa sidii garoonkii fuluuja oo kale.  

Hadaba sida ka muuqata sawirkan dadka qaarkiis waxay modayaan qaladaad ka dhacay qaar ka mida ciidamada mareykanka, xaqiiqdii waa ay ka duwan tahay ma’ahan qalad ciidan sameeyay ee waxa uu sawirku yahay (invitation) lagu casumay mitidiinta qaarkooda mayalka adag ee sida fudud u dagaal gala, si ay u daawadaan cayaaraha ka socda garoonka todobaadyadan looguna  dhaliyo inay garoomadan iska soo xadiriyaan, halkii ay cayaarhooda la’aadi lahayeen magaalooyinka ay kasoo jeedan cidamaas oo u badan Mareykanka. 

Sawiradan iyo kuwo kasii foolxun oo ay Xabashi & Ugaandhays siday donaan kaa samaysan kara inta laguu soo xareeyo oo lagaa qaado ayaa sidaaas oo kale telefishanada caalamka looga soo deyndonaa iyadoo la sii buunbuniyay si wadankaagu u noqdo garoon lagu qaabilo mitidiinta afrikaanka ah. 

shiikhow ka waran arinka sawirkan ka muuqda iyo mid kasii foolxun ayaa u qorshaysan in ummadaada lagu sameeyo hadii aad fursad siiso ay kugu soo galaan, adiguna waxa aad haatan shacabka isku heysaan wax misqaala darati ah sida qaadka ha cunina. 

Sidoo kale waxaa jira iyana barnaamijyo sida banaanbaxyada qaarkood loo sameeyo iyadoo  Mareykanku dhex darsado dad aan la fahmeyn loona yaqaan “Bulsho Kici yayaal” waxay wataan tabeelayaal iyo sawiro qiiro gelin kara mitidiinta qaarkood, waxaas & waxyaalo kaloo badan oo anan kusoo koobi karin qormadan ayaa ka mid qaababaka Mareykanku ugu casumo garoomadisa kooxaha mitidiinta ah. 

Runtii ma idin lihi keligay bay waxani ii muuqdaan, waa wax waadhix ah oo u muuqda qof kastoo la socda siyasaadaha dunida maanta ka jira. Walalayaal aduunku waa isbedeley wadamadii waaweyna ayaa nabadoodu ku xirnaatey inay wadan ka fog burburiyaan oo ay hoy bahala galeena ka sameeyaan oo aay kula diriraan agagaxisada halista ku wadamadooda. Dawladihii inaga weynaa ee qaarkood vito power ka lahaa ayaa gabanaya oo aan wax yaalaha qaarkood ka hadlin maanta war mowjadaha kuwaasi ka gabanayaan miyaanu inagoo somaali ah oo aanu is ognahay xaalka maanta aan ku suganahay u bareeri karnaa inaanu jihaad iyo dagaal aan dhamaanayn. Miyaydaan idaacadaha ka maqal mararka madaxda Mareykanka la weediyo su’aalaha quseeya dagaalka ay ku tilmaaman agagixisada waxay ku juwabaan “dagaalkani mana lahan jadwal & waqti uu dhamaanayo”.

Gabagabadii waxaan leeyahay kuwo iyana ku faraxsan ciidamada IGAD ee loo fasaxy somaaliya  berita ayaad dareemi doontaad idinko dhafoorada gacanta ku haya oo qaylo dhaan iyo banaanbaxyo aad kaga soo horjeedan sameeynaya ama dalka gudihiisa jooga ama dibadiisa jooga. 

Qormadani ma’ahan midaan si cad ugu cadeynkaro Mareykanka ama aan si sira ku heley dokumenti cadeynaya ee waa mid ku kooban aragtidayda iyo sidaan u cabirtay habka wax u dhacayaan sanadahan dambe sidaad darteed waxaan ka cudurdaaranayaa inaydan  idina ku dambaabin oo aydan oran walaahi waa sidaas oo hebel baa soo qorey. 

Wabilaahi Towfiiq 

Eng. Ahmed M. M. – Waharey
Somali Peace & Development Advisor Free lance
ammoalin@yahoo.com
Sweden.

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 9, 2006

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD