SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

 Fatahaadda Webiga ee Degmada Afggooye Yaa U maqan?

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiin2006@hotmail.com

002521-5580916

Safar aan ku soo sameeyey meelaha halista daadadka ee degmada afgooye oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hooose ayaa waxay ka mid tahay goobaha ay halakeeyeen fatahaadda webiga Shabeelle ,Degmadan oo uu kala baro webigu ayaa xaafadaha ka dhow labada dhinac ee webiga ay gebi ahaanba uu webigu ku fatahey ,iyadoo guryihii halkaas ku yaalley intood badan ay biyuhu qaarkood qariyeen qaarna ay meel dhaxe u joogaan .



Dadkii xaafadahaas deganaana waxay qaxooti ku noqdeen magaalada dhaxdeeda iyo banaankeeda ,halka qaarkoodna meel ay aadaan inta waayeen ay Biyaha dhaxdooda degan yihiin ,waxaana dadkaas haysata macluul iyo jirooyin ay keeneen Biyaha ku soo fatahey ,waxana cudurrada ay dadkaas la il daran yihiin ka mid ah Mallaariyada iyo shuban Biyood .Xaafadaha ugu daran ee ay biyuhu sida weyn u maasheeyeen waxaa ka mid ah Xaafadda Damalleey ,waxana dadka halkaas ku barakacey iyo kuwa biyaha dhaxdooda ku dhibaateysan tiradooda gaareysaa 400 oo qoys sida uu noo sheegey guddoomiyaha xaafadda Muzamil Axmed Dooraale .



Wareysi aan la yeelanney guddoomiayaha bal inay wax kaalmo ah ka soo gaartey maamulka Degmada ,ee uu madaxda u yahay Cirfe ,ama Golaha Maxaakiimta iyo hay’adaha gargaarka ,ayaa ku cowdey inaysan haba yaraatee aysan soo gaarin wax kaalmo Bani’aaddanimo ah .Wuxuuna ku cowdey in kaalmooyinka gurmadka ee loo ururinaayey dadka fatahaadda webiyada iyo daadadka raoobku halakeeyeen ee gudaha iyo dibadda Soomaaliya ay Golaha Maxaakiimtu ururiyeen aan haba yaraatee waxba laga soo gaarsiinin,wuxuuna Beesha caalamka ka codasadey in lala soo gaaro Raashiin ,Daawo Busteyaal ,iyo Maro kaneecooyin Iwm.



Dhibaatada ka muuqatey dadka halkaas degan waa mid aad u daran haddii aan kaalmo Bani’aaddanimo lala soo gaarinna waxay ku sugan yihiin halis weyn oo wax ka qabashadeedu adkaan doonto,waxaa isbeddeley xitaa Biyihii ku soo fatahey iyadoo meelaha qaarkood urka ka soo baxaya uu keeni karo Cuddurrada Faafa oo halisteeda leh ,Masuulkan u hadlley xaafadda Damalleey ayaa wuxuu si gaar ah Codsi gurmad ah u dirayaa dadka ka doo jeeda degmada Afggooye ee wax haysta dibad iyo gudaha intaba .



Si kastaba ha ahaatee Dhibaatada fatahaadda webiga shabeelle ee Gobolka Shabeellada Hoose ayaa weli waxay halis ba’an ku haysaa meelo badan oo ka mid ah Gobolka waxaana hadda qax ka billowdey tuulada Warmaxan .oo Biyo daad ah oo ka soo rogmadey Shabeellada Dhaxe ay qaxiyeen tuulooyin badan oo hoos yimaada Degamada Afggooye iyo inta u dhaxeeysa Wanlaweyn ,iyadoo horey uu u Barakiciyey dadweyne fara badan oo ku dhaqan Degmooyinka K/waarreey iyo Qoryooleey. Guddiga Fatahaaadda iyo Daadaka Roobka ee ay Golaha maxaakiimtu magacaabeen ayaan weli wax kaalmo ah soo gaarsiinin degmadaas sida ay noo sheegeen dadka halkaas ku dhibaateysan ee degmada Afggooye.

Waaxda Caafimaadka GMIS oo soo xidhay ololihii cidhibtirka Cudurka Dabeysha

Madaxa Waaxda Caafimaadka ee Golaha Maxaakiimta Islaamka Dr. Muxudiin Max’ud Cumar ayaa maanta si rasmi ah u soo xidhay ololihii cidhib tirka cudurka dabeysha ee ka socday degmooyinka Gobolka Banaadir.

Munaasabad ballaadhan oo lagu soo gababeynayey ololaha talaalka cudurka dabaysha, laguna qabtay Hotel Peace ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka soo qeyb galay Madaxa caafimaadka ee Golaha Maxaakiimta Islaamka Sh. Muxudiin Max’ud Cumar, Dr. Cabdi Axmed Jiye oo ka tirsan Waaxda Caafimaadka ee GMIS, Wakiilka hay’adda caafimaadka adduunka (WHO) xafiiska Soomaaliya Dr. Max’ud Max’ed Cali (Fuje), Madaxa Talaalka Hay’adda UNICEF Max’ed Xuseen Cumar iyo waliba xiriiriyaha ciribtirka cudurka dabeesha ee Shabeelooyinka Max’ed Shire Max’ud.

Madaxda Waaxda Caafimaadka ee GMIS Dr. Muxudiin Max’ud Cumar oo munaasabadaas hadalka jeediyey ayaa aad ugu mahad celiyey hay’adaha WHO iyo UNICEF oo iyagu fulinayey howlaha ciribtirka cudurka dabeysha, sidoo kale Dr. Cabdi Axmed Jiye oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in hay’adaha caafimaadka looga baahan yahay in ay la shaqeeyaan maamullada ka jira goobaha ay howlaha ka fulinayaan, wuxuuna intaas ku daray in kuwa ka shaqeynaya gobollada ay maamulaan Maxkamadaha in ay la socodsiiyaan Waaxda Caafimaadka ee GMIS.

Dr. Max’ud Max’ed Cali (Fuje) oo ah wakiilka WHO Soomaaliya ayaa uga mahad celiyey golaha maxakadaha Islaamka Soomaaliyeed Nabaddii ay ka sameeyeen goobaha ay maamulaan taasoo fudeysay in la gaaro goobo loo gaari waayey amni xumo darteed.

Dr. Fuje waxa uu ku nuux nuuxday in seddaxdii maalmood ee uu socday ololaha tallaalka la talaalay 306,000 (Sadax boqol iyo lix kun) oo ah carruurta ka yar shanta sano ah. Dr Fuje wuxuu tilmaamay in sanadkan sii dhammaanaya la helay 32 kiis oo cudurka dabeysha ah, halka sanadkii hore laga Soomaaliya 189 ciis, ololihii la sameeyeyna uu halkaas ka muuqdo wax tarkiisa.

Dhanka kale waxaa baaqday ololihii laga fulin lahaa gobolka Sh. Dhexe sababo la xiriira daadadka iyo xaaladda bini’aadamimo darted.

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiin2006@hotmail.com

002521-5580916

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 14, 2006

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD