SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

 Maxaakimta oo 7 bilood jirsaday ciimada tigreega+dowlada federaalkana u qabtay 7 maalmood.!!

Tarjumadii:
Ibraahim daa’uud c/laahi (Gentleman)
sayfudiin@hotmail.com

Nairobi-kenya
+254721130470




Asalamu calaykum

Marka hore Allaah ayaa mahad idilkeed iska leh, naxariis iyo nabadgelyana Rasuulkeeni Muxamed ayey korkiisa ahaatay.

Marka xiga taageero hiil iyo hoo ah oo ay midoga maxaakimta islaamka ka helaan shacabka somaliyeed gaar ahan kuwa ku nool koonfurta,ayaa sababay guul maxakimta ay ka gaareen dagaalkii ay la galeen ururkii ay ku bahoobeen hogaamiyaashi dagaalka ee la magac baxay ladagaalanka argagixisada iyo soo celinta nabada ee 18/February ee sanadan looga dhawaaqay dayniile oo xarun u ahaan jirtay dagaal ooge maxamed qanyare.

Bartamihii sanadan 5.june.06,ayay maxaakimta sheegeen in ay la wareegeen gacan kui heenta magaalada caasimada ah ee uu loolan siyasadeed ka socday ku dhawaad 16 sano oo dagaal iyo iska hor imaadyo oo aan ujeedo ku dhisneen,isla maalintaasi waxa hadal jeediyay gudomiyaha gudiga fulinta ee midowga maxaakimta sheekh shariif sheekh axmed waxa uuna yiri “Waxa aan Muqdisho kusoo celineynaa nabadda iyo deganaanshaha. Waxaan diyaar u nahay in aan la hadalo qof kasta iyo koox kasta annagoo u danayneyn dadweynaha." Hadalkaasi waxa uu ahaa hadal neef ka soo bixiya dad badan oo hamuun u qabay nabad lagu soo dabaalo guud ahaan magaalada mogdishu gaar ahaan..ninkii soo joog laga waayo soo jiifo aya laga helaa wado cad ayay mareen hogaamiya yaashi dagalka ee umada gumeysiga ku hayay.

Awooda aan la dhalaysan Karin ayaa ka soo iftiinta geeska Africa gaar ahaan meesha Somalia dhibka ugu badan uu ka socday ee konfurta Somalia,waxa caalamka oo dhan laga maqlay magaca midowga maxakmta islaamka somaliyeed,sidoo kale saafada caalamka ayaa diirada soo saartay is badalka cusub,dhanka kale waxa soo baxay xiligaasi hadalo ka imanayay dowlada federaalak ee Somalia mucaarad iyo mucaafidba hadaladaasi waxay ahaayeen taageero iyo diidmo intaba.

22.june.06,waxa magaalada khartoom ee wadanaka sudan ka furmay shir ay isugu yimadeen argo ka kala socotay midowga maxakimta islaamka iyo dowlada federaalka Somalia,shirkaasna waxa uu ahaa mid guul laga soo hoyiyay waxaana lakala sixiiday heshiisyo labada dhinac ah waxaan kamid ah ahaa wax yaabihii shirkaasi lagu heshiiyay:.

Labada dhinac qodoba ay ku heshiiyeen waxaa ka mid ah:

· In labada dhinac ay joojiyaan hujuumka ay isku wadaan ee xagga militari iyo xagga saxaafadda

· Labada dhinac uu midba midka kale aqoonsado

· in furo maxkamad la soo taagayo dembiilayaashii dagaalka (War Crime Trial)

· Dhawridda Midnimada Soomaaliya, iyo dhawrida wadajirka Dhulka Soomaaliya

· In dadka Soomaaliyeed lagu caawiyo dib u dhiska hay'adihii qaranka, dib u dejin

Mar kale ayay hadana u bilaabatay eedeemihii labada dhinac,kadib markii September 24, 2006: Midowga Maxaakiimta Islaamiga ayaa la wareegey gacan ku haynta magaalada Kismaayo kaddib markii uu magaalada ka baxay wasiirkii gaashaandhigga ee DFKMG, ahaana hoggaamiyihii Isbahaysiga Dooxada Jubba, Col. Barre Hiiraale. Waxana uu magaalada ka baxay markii ay ciidamada Maxkamaduhu soo gaareen duleedka Kismaayo, Isbahaysigii dooxada Jubbana uu u kala jabay laba garab, sidaasna ay maxkamaduhu kusoo galeen Kismaayo ayadoo aan dagaal ka dhicin,bare iyo yusuf laba ninba waxay ahayen dadki lagu tiring jiray hogaamiye kooxeedyada hadana waa laba nin oo kala duwan?maxa is badalkaasi keenay waa wax adiga iyo aniga aan is waydiinayno jawaabta se waa lagu kala duwanan karaa.

Dhinaca kale qaramada midoobay aya ansixisay in cunaqateentii hubka laga dalka Somalia lagu soo rogay 1992,sidoo kalana ay hool galo kasameen doonan ciidamo ka socda qaarada afrika,qaraarkasi waxa ka horyimid maxaakimta islaamka dhanka dowladana waxa kasoo fuqaday neef,iyado geed dheer iyo mid gaabanba u fuushay sidii loo qaadi lahaa cunaqabateenta hubka,balse ma is waydiisay aqristoow in cunaqabateenta hubka ee la qaaday labada dhinacba ay kawada siman yihiin,maxaa yeelay maxaakimta qudhooda waxay ay helayaan hub ooga imaada wadamo ay qaramada midoobay liis ay soo sartay hubno ka ahaa intoda badan ah wadamada carabta.

Wixii la is jiid jiidaba usbuucan horaantiisi ayuu ninka maxakita u qaabilsan gaashaan dhiga gaashan dhiga yusuf indha cade ku dhawaaqay in itobiya ay isaga baxdo gudaha wadanka,hadalkasi oo dowlada ku noqonaya mid layaab leh,maxaa yeelay dowlada waxa ay taagero ka heshaa xukuumada tigreege ee wadanka itoobiya ,balse labada dhinacba way ka hadleen waxayna sheegeen in ay maxaakimta dagaal u soo diyaar garoowday, hadalka maxakimta,waxaana moodaa in dagaal bareer ah ay maxaakimta islamiyeen,hadalka maxaakimta waxaka horeeyay hadal uu ra’isul wasaare zanawi uu ku sheegay in wadankiisu uu diyar u yahay dagaal uu la galo maxakita,Somali ayaa horay u tiri nin naagtaada doonaya kuma kartid gabadhaada maxaakimtu waxay joogan wadanka tigreeyoow isaga baxa,zanawina wuxuu taagan yahay wadanka dad ila shaqeeya ayaa jooga oo aan waydiyaysanayaa.

Hadalka maxaakimta kasoo yeeray wuxuu keeni karaa doona qasaaro naf iyo maal ah oo soo gaara shacaba somaliyeed,hadalkaasi uma daneeynayo shacabka dhibaatada ay duleesatay sido kalana ay u dheeryihiin daadad la tagay hantidoodi iyo beeradoohii,hadi dhanka kale hadalkaasi aan ka fiiriyo waa hadal muujinaya karti iyo wadaninimo, maxaa yeelay waxa horay loo yiri dad iga leexo kaaga leexdaane aan kala leexano ayay kaaga leexdaan.

ugu danbeyntii waxa hadalka soo xiray madaxweyne c/laahi yusuf oo sheegay in ay albaabada wadhalka xirmen isla markaana dowladu ay diyaar u tahay dagaal ay la gasho midoga maxakimta,xasan daairna c/aalhi waxa uu ku edeyay in uu yahay in dagaal siyaadu hada waa c/lahi yusuf iyo xasan daahir awees.allow umadaada badbaadi.?!!

Dagaalka ay labada dhinac isu diyaarinayan maxaakimta oo dhinac iyo dowlada+ciidamada tigeega,muxuu ku dhamaan doonaa?dagaalka ma labadaasi dhinac ayu ku eekaan doona mise faragalin shisheeye ayaa soo bixidoonta?dagaalku yuu dan u yahay?yaa ka faa’iideeysan doona?su’aalaahan waxay ku soo noqnoqdaan maxkasdayda markii aan maqlo xiisada colaada labada dhinac u dhaxyasa.!!!

Dagaal horay u dhax maray ciidamadii gumeeysiga ingiriiska oo taageero siiyay boqortooyadii itoobiya waxaana dhanka somalida hogaaminayay halyayga sayid Mohamed abdule xasan ..

Sida uu qoray buuga magaciisu uu yahay taariikhda darawiish ee wasaaradii hidaha iyo dhaqanka ee xukuumadii malatari ee allaha u naxariistee marxuum Mohamed siyad bare,markii darawiish ay Nugaal ay ka soo guurtay waxa muuqatay in ay kasoo fogadeen gumeeysigii ingiriiska iyo dhulkuu kata linayay,hase yeeshe ingiriisku waxa uu la hadlay boqorkii habashida ee xiligaasi waxa uuna u ku yiri “Nimankii falaagada ahaa oo wadaadka waalani watay dalka ogaadeeniya ayay soo galeen waxaana warka ku helnay in uu soo dagay Hiridigeed,waa in aad ciidamo u dirtaan oo aad wax ka qabataan”boqorkii qabashada ayuu harar u soo diray waxayna ciidankaasi weerareen dagmooyin dad ree miyi ah ay dagaan,iyadoo lagu tuhmay in ay daraawish xiriir la leeyihiin,waxayana sidoo kale dhaceen xoolo iyo xasuqna halkasi ka geesteetay.

Daraawiish abaaul ciidan ayay bilaaben,si cadowgaasi looga hortago balse 5-tii march -1900 ayuu xabashidii iyo ciidankii daraawish dagaal dhaxmaray halkasa waxa loogu awood sheegtay ciidankii xabashida oo ku dhawaad laga dilay 200 oo nin halka darashiina ay ka dhimatay ku dhawaad 150 nin.

Dagaalki markuu dhamaday sayidku wuxuu fariimo u diray dadki xiligaasi daganaa koonfur bari magaalada Hargaysa,isagoo ooga digayay dibindaabyada gumeeysiga u dhulkaasi ka wado,sida in uu hilmaha gaaleyo iyo caruurta in uu u daabulo wadankiisa waa cadowgee,waxana la mariyay tixdan:.

Ninkii reer u waynaa inuu howsha galo baw eg.
Hal nin raray horsed uma edee soo hirtigin baw eg.
Ninkii aabihii hawsha wday inuu haya baw eg.
Wiilkii halyeeyihii jahaad inuu helaa baw eg.
Gaalada in laga soo haraa magaadlow baw eg.

Wabilaahi toqfiiq

Salaamat minkuli aafaar
Ibraahim da;ud c/laahi (Gentleman)
sayfudiin@hotmail.com
Nairbo-kenya
+254721130470

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 17, 2006

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD