SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

ITOOBIYA MA WAXEY U SOCOTAA MAXAAKIMTA OO KELIYA? HADDII JAWAABTU   “HAA TAHAY”, YAA KA TIRSANAA MAXAAKIMTA? 

Yoonis Xassan (Alifow)
Islamabad, Pakistan
E-mail: alifow3@yahoo.com

Midowga Maxaakimta Islaamiga Soomaaliyeed ma waxaa ka tirsanaa oo keliya Xarakada Islaamiga ee Al-Itixaad mise qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed sida ganacsatada, aqoonyahaanada cilmiga maadiga bartay, bulshada rayidka, abwaaniinta, odayaal dhaqameedyada, dhalinyarada, saraakiishii ciidamada dalka, siyaasiyiinta, xarakaadka Islaamiga ee kale, I.W.M.? 

Si aan uga jawaabno su’aashaan bal aan eegno shaqsiyaadka ka tirsan ama ka tirsanaa Maxaakimta. Sh. Xasan Daahir Aweys, Sh. Xasan Turki iyo afraada kale ee Xarakada Islaamiga Al-Itixaad ka sokow, waxaa ku jira/jiray culumaa’udiin iyo mashaa’iq badan oo ka tirsan xarakaadka Islaamiga ee dalka ka jira haddii ay ahaan lahaayeen Al-Islaax, Alaa-Sheekh (Majmaca), Tabliiq, Salafiya iyo weliba Ahlu Sunna (Suufiyiinta). Gudoomiyaha golaha fulinta ee Midowga Maxaakimta Islaamiga Soomaaliyeed Sh. Shariif Sh. Axmed waa Aala-Sheekh, xogheyaha golaha shuurada Sh. Maxamuud Sh. Ibraahim Suuleey sidoo kale waxaa lagu tirshaa inuu ka mid yahay Aala-Sheekh. Gudoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha fulinta Sh. C/Qaadir, gudoomiyaha maxkamada Al-furqaan Sh. C/Qaadir Maxamed Bare, gudoomiyaha maxkamada Villa Soomaaliya iyo rag kaloo badan waa Tabliiq. Prof. Dr. Ibraahim oo ahaa madaxii wafdiga Maxaakimta ee shirkii koowaad ee Khartuum iyo xubno kale waxey ka tirsanaayeen Al-Islaax. Sh. Baaruud Gurxan, afhayeenka gudiga gurmadka fatahaadaha, iyo rag kale ayagana waa Dalada Culumaa’udiinka Soomaaliyeed. Waxaan ognahay madaxda Makamada Xariyaale iney yihiin ama aaminsan yihiin Dariiqada Suufiyada (Ahlu-Sunna). Sidoo kale madaxda maxaakimta kulan ay la yeesheen qaar ka trisan culimada Ahlu-Suna waxey ku taageereen si dadban ama toos ahba siyaasada Maxaakimta. Waxaa kaloo jira culimo aan ka tirsaneen xarakaadka Islaamiga ee Soomaaliya ka jira oo xubno ka ah Maxaakimta.  

Makraan u soo laabano qeybaha kale ee bulshada Soomaaliyeed, waxaa arkeysaa dad badan oo xubno muuqda ama kuwa qarsoon ka ahaa Maxaakimta. Gen. Jaamac Maxamed Qaalib oo ah xubin firfircoon bulshada rayidka ahna siyaasi iyo askari rug cadaa, waxa uu ku jiray wufuudii maxaakimta saddexdii shirar ee Khartuum ka qeyb gashay. Gen. Maxamed Nuur Galaal, Gen. Dhooleey, G.Sare Macow iyo saraakiil sarsare oo ka tirsanaa ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed yaa talooyin iyo wada shaqeyn dhex martay Midowga Maxaakimta Islaamiga Soomaaliyeed. mas’uulka u qaabilsanaa Maxaakimta dib udhiska Inj. Cumar Maxamed Maxamuud Aftooje, duqa magaalada Kismaayo Inj. Bashiir Jarato iyo aqoonyahaaniin badan yaa ka tirsanaa madaxda Maxaakimta. Abwaaniin ay ka mid yihiin Abshir Bacadle, Guure, Taakow Macalin ayaguna kama marneen xubnaha Maxaakimta. Nabdoon ugaas Maxamed Weli, ugaas Daahir iyo odayaal dhaqameedyo kale ayaa ayaguna laga xusi karaa dadkii la shaqeeyay ama ka tirsanaa Maxaakimta. Hawlwadeenada daladaha waxbarsho sida FPENS, SAFE iyo weliba Machadka sare ee SIMAD ayaguna dowr weyn ayee ka qaateen hawlaha Maxaakimta gaar ahaan xiliyada banaanbax jiro. Prof Galeydh (Ra’iisal wasaarihii koowaad oo xukuumadii Dr. C/Qaasim), Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar iyo shaqsiyaad kale oo caan ka ah dalka iyo dibada yaa amaanay talooyinna siiyay Maxaakimta. Dhanka xaafadaha magaalada Muqdisho, dhalinyaro badan iyo odayaalba ayaa ka tirsanaa gudiyada nabadgelyada iyo wacyigelinta ee Maxaakimta xaafadaha u sameeyeen. Sidoo kale waxaa jira dumar badan oo abaabulka iyo saadka u qaabilsanaa Maxaakimta.  

Guntii iyo gunaanadkii waxaa dhihi karnaa dhamaan qeybaha kala duwan ee buslhada iyo inta badan dadweyhana Muqdisho waxey ahaayeen kuwa si toos iyo si dadbanba ula shaqeeyay Midowga Maxaakimta Islaamiga Soomaaliyeed haba ugu badnaadaanee Culimada. Haddii arinka saa yahay, ma waxaan raali ka noqaneynaa in Dowladda Itoobiya uu majaraha u haayo Melis Sanaawi iyo shaqsiyaadka danaha gaarka ah wato ee uu adeegsanaayo gaar ahaan qabqablayaashii dagaalka ee maxaakimta xididada u siibeen iney dadkaa aan soo sheegnay oo dhan ay ka dhigaan waxey laayaan iyo waxey xabsi ku ilowbaan?

Yoonis Xassan (Alifow)
Arday dhigta kuliyadda dhaqaalaha
International Islamic University
Islamabad, Pakistan
E-mail: alifow3@yahoo.com
 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa aleh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 31, 2006

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH