SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
XABSIGA - HARGEYSA
Daabaco Boggan | Print

Jirdilka Xabsiga Hargeysa loogu Geystey Sheikh Maxamed Shiikh Ismaaciil...

»Culimada Hargeysa ku Xidhan
»
Hubso: Ma jidhdil wadaad mise fidno abuur? | Cige

BAAQA CAALAMIGA EE XUQUUQDA AADANAHA OO AFSOOMAALI AH GUJI....

XABSIGA THAILAND:::
01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 |

PUNTLAND vs TERRY:::
01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 | 42 | 43 | 44 | 45 | 47 | 48 | 49 | 50 | 51 | 52 | 53 | 54 | 55 | 56 | 57 | 58 | 59 | 60 | 61 | 62 | 63 | 64 | 65 | 66 | 67 | 68 | 69 | 70 | 71 | 72 | 73 | 74 |

SAMSAM & XABSIGII HAREYSA:
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 | 42 | 43 | 44 | 45 | 46 | 47 | 48 | 49 | 50 | 51 | 52 | 53 | 54 | 55 | 56 | 57 | 58 | 59 | 60 | 61 | 62 | 63 | 64 | 65 | 66 | 67 | 68 | 69 | 70 | 71 | 72 | 73 | 74 | 75 | 76 | 77 | 78 | 79 | 80 | 81 | 82 | 83 | 84 | 85 | 86 | 87 | 88 | 89 | 90 | 91 | 92 | 93 | 94 | 95 | 96 | 97 | 98 | 99 | 100 | 101 | 102 | 103 | 104 | 105 | 106 | 107 | 108 | 109 | 110 | 111 | 112 | 113 | 114 | 115 | 116 | 117 | 118 | 119 | 120 |

JAWAABO:: HADALKII GEEDDI
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 | 42 | 43 | 44 | 45 | 46 | 47 | 48 | 49 | 50 | 51 | 52 | 53 | 54 | 55 | 56 | 57 | 58 | 59 | 60 | 61 | 62 | 63 | 64 | 65 | 66 | 67 | 68 | 69 | 70 |

IIBSIGII XAAFUUN EE 99 SANO:
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11

SUNTA KU DUUGAN SOOMAALIYA
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17


Culima awdiinkii ma waxaa laga dhigay mid dhintay,mid dhaawac ah,mid la dhiibay, mid dhawraya iyo mid dhuumanaya ?

Maxamed abshir cali
Lausanne, Switzerland
Maxamedabshir@msn.com 

                           Oct. 2006

BISMILLAAHI   RAXMAANI   RAXIIM,

ASALAAMU  CALAYKUM  WARAXMATULLAAHI WARAKAATUHU,

Waxaa mahad leh Ilaahii  cirka taagay tiir la’aan dhulkana goglay buurahana
ku dhidbay, jinni iyo  insina u abuuray kaliya inay isaga caabudaan ,waxaa
mahad leh Ilaahii Mursaliinta kii ugu khayr badnaa noo soo diray
Kitaabkiisa sharafta badanna noogu soo dhiibay ,diintiisa toosanna nagu
hanuuniyey.

Naxariis iyo nabadgalyo Nabi Muxammed korkiisa ha ahaato.

Waagii hore dadka soomaaliyeed waxay ahaan jireen  dad culima awdiinkooda
aad u xaq dawra, islamarkaana aad u xushmeeya, ninka shiikha ahi dadka
soomaaliyeed dhexdooda wuxuu ka ahaa biri magaydo,
Isagaana marwalba mudnaanta la siinjirey,wuxuuna umadda dhexdeeda ka lahaa
sharaf iyo karaamo buuxda,  qaddarin iyo ixtiraamid  gaar ahaaneed buu
lahaa, aadbaana loo maamuusi jirey,iska daa  in af iyo addin wax lagu yeelee
waxaa dhici jirtey  markii la arko nin shiikh ah oo soo socda  in hoos la
wada fiirin jirey,  qaddarin iyo xushmayn loo hayo darteed, markii uu
hadlana dadku waxay ahaan jireen sidii  ido roob hayo  oo kale, markii uu
wax gooyana wixii uu gooyaa lagu gawracnaan jirey, sababtuna waxay ahayd
dadka soomaaliyeed  waagii hore waxay ahaayeen  dad iimaan ku jiro
damiirkooduna noolyahay  islamarkaana waxay intooda badan ahaayeey dad
xalaal quudata ah  oo qalbigoodu fayowyahay,middakale waxay ogaayeen
qiimaha uu leeyahay  qofka sharciga Alle xambaarsani,dadka soomaaliyeed
marna raalli kama noqon jirin  in culimadooda wax la yeelo  ama  hortooda
lagu jiid-jiido ama lagu jir-dilo,  hase ahaatee maanta waxaa muuqata inay
waxyaalo badani isbeddeleen , shacabkii soomaaliyeedna  dulloobay
damiirkoodiina dhintay, xaqii iyo xaq-darradiina ay kala garan waayeen,
xalaal iyo xaaraanna  laysku qasay, xaq iyo baadilna  laysku walaaqay,
waxaadna mooddaa in had iyo jeer laga sii darayo,
Ninkii wuxuu yiri :
Hadba labo de’ood tii danbaa belo dufaysaaye.

Waxaa muuqda oo qofwalbaaba arkikaraa  wixii ay somaalidii hore oo qiimaha
lahayd ka xishoon jireen  ay kuwa maanta joogaa ku xarragoonayaan,waxaa la
dhayalsanayaa wixii laga dhiidhin jirey, waxaa lagu diirsanayaa wixii laga
danqanjirey, goormaynu arki jirney nin shiikh ah oo baydkii Alle ku jira
Kitaabkii Allana dadka baraya oo inta tunka lagu soo dhegey  oo garba-duub
loo xiray  feer,laad ,haraati,dharbaaxo, budh,jeedal suun iyo koronto lagu
garaacayo waliba isagoo Ilaahay aayaadkiisa quraanka ah ku celcelinaya
oo dad soomaaliyeed oo muslimiin sheeganayaa waxaa ku samaynayaan kuwo
kalana ku bannaan baxayaan oo leeyihiin ‘ waa danbiilee yaan la sii dayn ‘

Sh. maxamed sh. ismaaciil   iyo shiikhyo kalaba waxay ku xiranyihiin
xabsiga dhexe ee Hargaysa  muddo dheerna waa ay xirnaayeen dhibaatada iyo
ciqaabka lagu hayana waa la wada daawaday   ilaa iyo haddana  qaddiyad ama
kiis ay u xiranyihiin oo lagu soo eedeeyey ma jirto kaliya waxaa lagu
haystaa kelmedda  tawxiidka, waxaa lagu haystaa   maxaad  ugu dheggantihiin
Kitaabka Alle (sw) iyo Sunnada Nabiga ( scw)
Inkastoo ay jiraan dad badan  oo soomaali ah oo ay arrintaasi  aad uga
caraysiisay kuwo bannaan baxay iyo kuwo si kale u cabbiray intaba haddana
wali meeshii la rabey lama joogo loomana dhowa waxaan aamminsanahay maanta
ummadda soomaaliyeed inay siday rabaan uga aargoosankaraan ciddii ku
xadgudubta  culimadooda iyo caqiidadooda

Haddaba culima awdiinka halkaa lagu silcinayaa  Ilaahay  ka sokoow waxay
gargaar iyo hiil ka sugayaan shacabka muslimiinta ah  ee ku hareeraysan,
Ilaahayna (sw) waa u gargaarikaraaye  wuxuu ku fiirinayaa  dadka muslimiinta
ah ee meesha la jooga bal inay walaalohood u ficiloodaan iyo inkale.

   Hal waxaan leeyahay Daahir Riyaale
   Halna waxaan leeyahay maamulka Daahir Riyaale
   Halna waxaan leeyahay shacabka soomaaliyeed
   Halna waxaan leeyahay culimada diinta

hal waxaan leeyahay Daahir Riyaale,

Daahir Riyaaloow waxaa tahay jaahil gaboobay,   oo aan waxba ogayn waxna
aqoon, waxaa tahay ruux aan adduun iyo aakhiro midna wax kala socon, Rabbi,
Rasuul, Risaalo iyo Rag midna wax kama taqaannid  waxaana leedahay saddex
sifo oo xun-xun , kibir-badni, caqli-darro iyo jaahilnimo,  kibirkaaga waxaa
u daliil ah   inaad tiri carradaan anigaa   ka waayeel ah  cidkale in lagu
caadunada raalli kama ahiye, caqli-darradaadana waxaa daliil u ah markii
Ilaahii ku abuuray oo ku karaameeyey  oo nimcooyinka aan la tirinkarin
korkaaga ku mannaystay   kuuna abuuray inaad isaga kaligii caabuddid
,meeshaad ilaahay ku shugrin lahayd baad ku kufriday, meeshii aad ka caabudi
lahaydna  cisyaan baad ku beddeshay, jaahilnimadaadana waxaa u daliil ah
qabrigaagii baad kacmahaaga ku qodanaysaa, waxaana ka shaqaynaysaa wixii aad
adigu ku halaagsami lahayd, maxaayeelay waxaa jira adigu ma ogide  dad badan
oo adiga kaa horreeyey  oo shaqo ka dhigtay waxaan aad adigu maanta ka
shaqaynaysid, laakiin maxaad kala socotaa meesha ay ku danbeeyeen ?

Dabeecad waxaa ka dhigatay  inaad Ilaahay sw   diintiisa iyo awliyadiisa la
dagaallantid adigoo isku dayaya inaad Ilaahay nuurkiisa damisid diintiisana is hortaagtid,
adigoo ku raalli galinaya  Buush iyo Baleer  iyo Milis Zanaawi  balse
waxaan kuu sheegayaa  maraykan iyo ingiriis   rag badan baa  hortaa isku
dayey inay raalli galiyaan naf iyo maalna u huray markii danbana meeshay ku
danbeeyeen waa la ogaa  sharaftii iyo karaamadiibaa Alla ka qaaday tusaale
buuxana waxaa kuugu filan saddaam xuseen  marbay maraykanka iyo ingiriisku
waxay oranjireen saddaam waa saaxiibkayaga qaaliga ah  maantana sida looga
yac-yacsiinayo waad aragtaa, meelkalana loogama imaane waxa sidaa u galayaa
waa maraykan iyo ingiriis ragkale oo badanna waa jiraan oo sidaasoo kale
loola dhaqmay oo hadda magacyadooda aanan halakan ku soo koobikarin,

middakale waxaad ballan ku qaadday inaad ilaahy sharcigiisa iyo awliyadiisa
la dagaallamaysid ilaa aad ka dabar goysid,
balse waxaan kuu sheegayaa  taa inaadan ku guulaysan doonin  sababtuna waxa
weeye  taariikhdii gudubtay haddaan soo gadaal celiyo waxaa jirey ardaallo
badan oo  adiga kaa horreey sida  Fircoon,Haamaan,Qaaruun,Abu Jahal, Abu
Lahab, musaylamatul kadaab,  boqorkii kisraa iyo ruum, mustafa kamaal  iyo
kuwo kaloo badan  waxay isku dayeen inay ilaahay diintiisa iyo dadkeeda la
gadaallamaan   laakiin cadaabkii Allaa ku soo degey iyadoo loo wada jeedo,

tusaale kale :  11-kii  dagaal-ooge  oo muqdisho haystey   barwaaqadii
markay ka badatay  oo nimcadii cirka ka gaadhay  meeshay Ilaahii u nimceeyey
 oo u barwaaqeeyey mahadin lahaayeen oo  ku shugrin lahaayeen  bay maalin
cad waxay shaaca ka qaadeen  inay Ilaahay diintiisa la gadaallamayaan  sida
la wada ogsoonyahayna ninwalbaaba wuxuu haystey 100 tignika ah iyo kumanaan
askari  hase ahaatee nimuu Ilaahay sw la dagaallamayo hub iyo ciidan waxba
uma taraan  Ilaahaybaa sharafta ka qaaday maanta waxay ku suganyihiinna waa
la wada ogyahay  meeshay soo maraanba sankaa laga qabsadaa, hal ku
dheggooduna waxa weeye ‘alla maxaa nagu watay’


hadal iyo dhammaan wuxuusan shaki ku jirin cadaabkii iyo ciqaabkii iyo
halaaggii nimankaa ku soo degey   inuu adigana kugu soo socdo  maadaama aad
faraha kula jirtid shaqadoodii foosha xumayd, marka anigu waxaan kuugu
baaqayaa  inta goori goor tahay Ilaahay (sw) u toobad keen  culima awdiinka
xabsiga kuugu jirana  shuruud la’aan ku siidaa dhibbaantii aad u gaysatayna
mag-dhow ka bixi  danbiga iyo godobta  aad ka gashayna uga cududaaro,

haddii kale waxaa lagaa rabaa barri ka maalin meeshii ku qarin lahayd iyo
meeshii aad gali lahayd , nafley waa tashataaye tasho waxaadna ogaataa
maalintaa  buush iyo baleer inaysan ku badbaadin doonin  nin kuu digayna
kuma dilin  hadhowba ha oran ‘ ma ogayn iyo ma arkayn iyo ma maqlayn iyo la
iima sheegin ;

ninkii wuxuu yiri :

•        Nin guubaabadaada isku dayey waw danli’i  uune
•        Wax wacdigu dubaaqa u galaa duulka khayrka lehe
•        Damiin dhegala’ lama waaniyoo waa iskagadaale


Maamulka Daahir Riyaalana  waxaan leeyahay,

•        Mudaniyo haddii maamul jira laysku magacaabay
•        Haddii midow adduun laga dalbaday madax bannaanaada
•        Miisaan maxkamadeed hadduu madal ka laalaadey
•        Ma’wi diimuqraadiya hadday dunidu moodaysey
•        Intii mooro wayniyo la dhigay shalow la meegaaray
•        Haddii moqolladdii aadanaha lagu maqaar siibay
•        Marrey iyo haddii dumar martiya lagu dhex miigeeyey
•        Wixii laysku magacaabijirey waa midaan jirine
•        Ruuxii maqlaba maaddadaan waa mashiiqsadaye
•        Mashaqaa dhacdiyo ceebo aan duulna soo marine
•        Mashriq iyo galbeedbuu warkii maanta wada yaale
•        Muran wuxuu ka joogaa siday ugu midoobeene
•        Maqaarkeeda tuluddii cuntaan cidina maalayne
•        Minankiisa ruuxii gubaan cidi ka moosayne
•        Allaylehe musiibaa dhacdiyo mahadho ceebeede
•        Wixii dunida loo muujin jirey mahala beenoowye.


Umadda soomaaliyeed wixii qalbigooda iimaan ku jiro waxaan leeyahay,

Wax badan baad xaq-darro  taageerteen, wax badan baad gar-daro garba
siiseen, wax badan baad dan-darro dagaal u gasheen, mar aad qabiil
difaacdaan iyo mar aad  qabqable dagaal  difaacdaan, maanta waxaa laydinka
doonayaa    inaad Ilaahay (sw) diintiisa difaacdaan  xaqana u dagaallantaan,
inaad u dirirtaan  oo u dooddaan sidii aad u koryeeli lahaydeen kelmedda
Alle (sw),  dulliga idin saranna isa rogi lahaydeen, maanta waxaa gargaar
idiinka baahan diinta Alle  waxaa hiil idiinka baahan kitaabka Alle iyo
sunnada Nabiga (scw) Ilaahayna diintiisa waa u
gargaarikaraaye wuxuu doonayaa inuu dadka tijaabo ka qaado marka imtixaanbaa
socda  imtixaankaa qofna waa ku dhacayaa qofna waa ku baasayaa  marka
Ilaahay waxaan ka baryayaa inuu inaga dhigo kuwii imtixaankaa ku guulaysta
oo diintiisa u gargaara (Aamiin, Aamiin)
Ilaahay subxaanahu wa tacaalaa qofwalba oo muslim ah wuxuu maalinta qiyaame
waydiin doonaa wixii uu diintiisa u qabtay. Marka waxaa habboon qofwalbaaba
inuu naftiisa xisaabiyo ka hor intaan isaga la xisaabin,


Culimada diintana waxaan leeyahay

Haddii aanu nahay  shacabkiinnii waxaad naga mudnaydeen hiil iyo hoo waxtar
iyo  wanaag , gargaar iyo garab istaagid,  hase ahaatee  waxaad naga
mudnaydeen nagama aydaan helin  wanaaggii aad waddeen iyo khayrkii  aad nala
doonayseen xumaan baanu idiinku beddelnay
Marka maanta waxaanu  idinka codsanaynaa inaad na cafidaan noona soo
ducaysaan ilaahayna nooga baridaan inuu na hagaajiyo  noona danbi dhaafo
nagana dhigo kuwii xaqa u hiiliya,

Idinkuna ilaahay u samra dhibaatada idin haysatana u dhabar adayga hana ka
daalinnina inaad Ilaahay (sw) sharcigiisa faafisaan  dariiqa fiican oo aad
ku taagantihiinna ku toosnaada ,inaad xaqa sheegtaanna haka weecannina,
handadaadda gaalada iyo kuwa u sheqeeyana dhego maroodi ka gashada,
midnimana muujiya oo isku xirnaada , safafkiinna mideeya, codadkiinnana
mideeya, addinkiinnana  awood u yeela  Ilaahaybaa idinla jiree,

Magacyada la idiinla baxayna  ha layaabinnina markay idin leeyihiin gaalada
iyo gaala-raacyadu  ‘argagixiso, asal-raac, xagjir, seefla-bood,iwm’
Sida aynu wada ognahay  Nabi Muxammed  (scw)  oo ahaa  khalqiga kii ugu
khayrka badnaa markii uu dadka xaqa ugu  yeerayey  oo uu khayrka u sheegayey
 gaaladu waxay ku oran jireen ‘ sixirroole, fooxiye,gabyaa,beenlow,
waalane, iwm’   marka maantana tiibaa taagan
Waxaa laydiin dhibayaa oo magacyada laydiinku bixinayaa  maanta  idinkaa
dhaxalkii Nabi muxammed (scw)  xambaarsan,

Waxaadna ogaataan waadba ogtihiine dhulkaan Ilaahbaa iska leh wuxuuna
dhaxalsiinayaa cidduu doono  cirib-danbeedka fiicanna waxaa iska leh dadka
Alle (sw) ka cabsada.

Wallaahul mustacaan  wa billaahi towfiiq

Maxamed abshir cali

Maxamedabshir@msn.com
 

AFeef: ARagtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 8, 2006




Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD