SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
XABSIGA - HARGEYSA
Daabaco Boggan | Print

Jirdilka Xabsiga Hargeysa loogu Geystey Sheikh Maxamed Shiikh Ismaaciil...

Waxa la yidhi maalin baa jirta. Maalin qof waliba uu tiimbanayo mool ka sameysmay dhididkiisa. Ama dabaal joogta xariif ku ahow ama.. Guji..
Gabay: Guutada Hargeysiyo maxaa gaalo nabadeeyay. Gabaygaan waxaa tiriyay abwaan xasan garaad warsame waxaana uu uga hadlay  tacadigii loo geystay xabsiga magaalad... Guji...
GABAY::: HURGUMO: Gabaygan waxaa tiriyey Mursal Siciid Cali Waraabe oo kaga qayb gelaya silsilad suugaaneedka loogu xaq raadinayo xabsiga iyo tacadiga Sh. M Ismaaciil ... Guji.
Xildhibaan Maxamed Jaamac Oo Ka Tirsan Golaha Wakiiladda Ayaa Ku Eedeeyey Wasiirka Daakhliga Inuu Reer Sool U Gaar Yeelay Cajaladda.. Guji...
Waa nasiib darro in uu KULMIYE isagu noqdo ka difaacaaya xukuumada looga bartay been abuur iyo jidhdilba.... Guji.. (Cali Guuleed)
Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Cadaaladda SL: Waxaanu Weydiinay: Maxamedow Ma jirtaa in lagu jidh dillay? wuxuu ku jawaabay Haa Waa La I Jidh Dilay.. Guji..
Abwaan Bacadle Oo Gabay Ka Tiriyay Tacadigii Sh. Max’ed Sh. Ismaaciil Ee Tacadiga Loogu Geystay Xabsiga Magaalada Hargeysa.. Guji..
qoraalAFKALAQAAD (Gabay): Awliyadii Ilaahay xabsiga lagu ihaaneeye, Itoobiya maxaad eray u tidhi waa afkalaqaade Guji (Nabadoon)
GABAY::: Ceelkii Hargaysaad::: Gabay ka hadlaya tacadigii Sh. maxamed loo geystey... GUJI... | Dhagaafe
Gabay: Sheikh lagu silac-dilyeeynayo Xabsiga Hargeysa:: heelleeeyda haasaawe gabay   hirarka suugaanta... GUJI.. (Dailaaf)
Gabayga: Hungo ::: Ma huq  iyo murugaan hurdada ciil la heli waayey? : Ma hiqleeyey sidii wiil yaroo oohin la hinraagay? ..Guji.. (Xiirane)
Hubso: Ma jidhdil wadaad mise fidno abuur?:: Guulaha cusub ee farsamada isgaadhsiinta casriga ah, gaar ahaan mareegta... Guji (Cige)
cabdiwaaxidCulumada Xamar oo la Xurmeeyey; Kuwii Somaliland oo la Xirxiray, iyo Kuwii Puntland oo laga Xanibay Diyaaradday soo Guji.. (C/waxid)
Waraysi lala Yeeshay Sh. Maxamed Sh. Ismaaciil Walaalkii Faysal Sh Ismaaciil.::: Cajaladdan maxkamadda ayaannu ku aragnay ... Guji...
Waa Sidee Aragtida Xisbiga UCID Ee Jidh Dilka Sh.M.Ismaaciil "Xukunka Degdega Ah Ee Lagu Xukamay Dadku Waa Xaaran.." Xasan Suldaan Guji...
Gudoomiyaha  golaha fulinta  maxkamadaha islaamiga ah Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ugu baaqay maamulka Somaliland in ay joojiyaan dhibaatada ay ku hayaan culimaa'uddiinka Soomaaliyeed.. Guji..


Xaqiiqadu Ha Danbaysee, Door Intee Le’eg Ayay Xukuumadda Ka Qaadataa Waxyeeladda Iyo Dhaawaca Qaranimada Somaliland?
Somaliland.Org — --- — 12 October, 2006


Waxa dhowaan shebekadaha internetka lagu baahiyay cajalad muuqaal ah oo la sheegay in lagu jidh dilayo Sheekh Maxamed Ismaacil oo ah Sheekh ku xidhan xabsiga magaalada Hargeysa.  Eedaymaha xadhiga Sheekha loo adeegsaday ayay xukuumadda Somaliland ku sheegtay falal argagixiso wakhti ku beegnaa doorashoyinkii baarlamanka Somaliland 2005.  Hase yeeshee, qareenka Sheekhu waxa uu sheegay in lagu soo oogay “Lunsi hanti iyo Xasuuq”.

Waxa xusid mudan inay xabsiga Hargeysa ku xidhan yihiin Sheekhan iyo muwaadiniin kale oo aan iyaga marna maxkamad la hor keenin amaba aan danbi lagu soo caddeyn, haddii mar la horkeenay maxkamadana aan arrintooda dhinacna loo ridin oo aad mooddo in xabsigana lagu iloobay. Waxa taas soo raacda inaanay cusbayn falalka jidh dilka ah ee boolisku kula kacay qaar kamida maxaabista ku xidhan xabsiyada, iyada oo aanay jirin nidaam qofka maxbuuska ahi kaga dacwoon karo jidh dilka. Tusaale ahaan tifatiraha Jamhuuriya Xasan Saciid oo dhamaadkii sanadkii hore (2005) xukuumaddu xidhay, waxa uu sheegay in wakhti habeen madow ah inta dooxa magaaladda Hargeysa la dhex istaajiyey bastoolad dhafoorka lagaga qabtay oo loogu hanjabay in la dili doono.  Taasi waxay ka dhigantahay jidhdil (torture) iyada oo jidhdil-ku dhowr nooc yeelan karo, ayna ku jirto mid maskixiyan iyo baqo gelin ah (psychological) iyo mid xannuun ama dhaawac jidhka loo gaysto ah (physical).

Cajalada

Haddaba inaga oo intaas isla qirnay in jeelalka magaaladda Hargeysa dad badanina garsugeyaal ku ahaayeen muddo dheer oo ay ka cabanayaan sida loola dhaqmo, ayaa haddana kadib markii aan baadhitaan dheer ku samaynay cajaladan la sheegay in lagu jidh dilayo Sheekh Maxamed Ismaacil ayaa waxay dhalisay su’aalo badan.  Tusaale  muuqaalka la sheegay in sheekha laydh (koronto) qoorta lagaga qabanayo waxa muuqata in aanu laydh ahayn se uu yahay rikoodh wax lagu duubo. Waxa jira tusaallooyin kale oo badan, kuwaasoo muujinaya in jidh dilka la sheegay in Sheekha lagula kacay ee cajalada ku duuban yahay mid u eg in la jilayo.

Xaqiiqooyinka Iyo Xukuumadda Rayale

Waxase jira xaqiiqoyin dhab ah oo aan muran ka taagnayn.  Marka hore, ninka cajalada ka muuqda waa Sheekh Maxamed Ismacil oo cidina taas ma dafarinsana.  Mar labaad, Sheekh Maxamed Ismaaciil waxa uu u xidhan yahay xukuumadda Somaliland, markii cajaladan la duubayna waxa uu ku jiray gacanta xukuumadda Somaliland. Sidaas darteed, waxa muhiim ah oo aan hoosta ka xariiqaynaa, dhinac walba oo laga eego in arrinkan cajalada Sheekh Maxamed Ismaaciil danbigeeda, ceebteeda iyo cawaaqib xumadeeda ay xukuumadda Somaliland ee Md Rayale ka masuul tahay.

Cadow badan ayaa dalkan Somaliland leeyahay, kaasoo falal kala duwan oo uu ku waxyeelaynayo qaranimada Somaliland maleegaya, markastana ku hawlan.  Hase yeeshee, dafiraada xukuumadda Madaxweyne Rayale ee cajaladan ee ku kooban “waa been abuur” ma aha mid u cuntamaysa dadka, mana aha mid wiiqaysa cadowga gudaha iyo ka dibedda ee Somaliland ee waxaba suurtowda inay sii xoogaynayso.  Waxa is weydiin mudan maadama ninka cajalada ka muuqdaa Sheekhaas yahay, isaguna ku jiro gacanta xukuumadda, waxa been abuurka ah ee xukuumaddu sheegayso waxay tahay?  Ma argagixiso nidaamsan ayaa Sheekha ugu gashay xabsiga Hargeysa, halkaasna cajalada kaga soo duubtay?  Ma waardiyaasha xabsiga ayaa duubay?

Ma aha markii ugu horeysay oo dhacdo la yaablihi ka dhacdo xabsiga Hargeysa.  Muddo imika laga joogo lix bilood wax ka yar ayay ahayd markii uu dhacay isku daygii baxsiga maxaabiista u xidhnaa falalka argagixiso kuwaas oo xabsiga Hargeysa gudahiisa loogu geeyey hubka ay u adeegsadeen baxsigaas. Wakhtigaas xukuumadda Md Rayale tallooyin badan ayaa loosoo jeediyey, kuwaas oo ay ka mid ahayd sidii looga gaashaman lahaa arrinkaas oo mar kale dhaca, in la saaro guddi baadha sidii falkasi ku dhacay.  Ma ay dhacin taasi, waanuu ka dhego xidhay. Waxana la odhan karaa layaab ma laha in maanta tani dhacday beritana laga fili karo inay dhacdo mid tan la mid ah ama ka daraniba kuwaas oo dhami foolxumooyin iyo ceeb ku ah Somaliland iyo garsoorka dalkaba. Badheedh iyo aqoon darro tay ka tahayba, dhacdooyinkan is daba joogga ah waxa loo maamulay si fool xun oo madmadow badani ku jiro. Waxa markasta lumayay kalsoonida mujtamacu ku qabay in dawladdu ka runsheegto wararka badiba suuqa yaalla ee xaqiiqadiisa la ogyahay. Haddii aanay taasi jirin may dhaceen mudaharaadyadii ka dhacay Hargeysa, Burco iyo Ceergaabo, iyo tirada badan oo kale oo aaminsan in Sheekha jidh dil loo gaystay.

Tallo Soo Jeedin

Waxa hadalhaynta shacbigu u badantahay inaan kalsooni badan lagu qabin maareynta dawladda, waxanay qabaan in Madaxweynuhu arrintan meel cad ka istaago.  Maadama wixii ugu horeeyay ee dawladdu samaysayna noqday dafiraad aan cilmi ku fadhiyin, ma haboona in dawladdu ku sii adkaysato mawqifkaas aan meelna gaadhsiisnayn. Madaxweynaha waxa la gudboon inuu oggolaado magacaabista guddi ka kooban culumaa’udiin, ururada rayidka ah, hayadaha xaququl insaanka iyo waxgaradka oo dhamaantood ka madaxbannaan dawladda kuwaas oo baadhitaan ku sameeya arrintan, dabeedna go’aanno iyo tallooyin shacabka iyo xukuumadaba usoo bandhigta.  Haddiise sidii caadadu u ahayd ay dawladdu ka dhaga adaygto, miyaa lala yaabi doonaa haddii bilaha iyo sannadaha soo socda ay dhacaan dhacdooyin argagax leh oo maamul xumo ku yimid oo intabana ay dawladu ku sheegto “wax cadow dibadda ahi ka dambeeyo”.

Tifatirka Shebekadda Somaliland.Org


GABAYO:

»Gabay: Guutada Hargeysiyo maxaa Gaalo Nabadeeyay | Xasan
»GABAY: Cajaladahan lasoo duubayee noo cuntami waayey | c/naasir
»GABAY::: HURGUMO: tiriyey Mursal Siciid Cali Waraabe

»GABAY:: Gumaad iyo Gedood | C/naasir
»GABAY::: Ceelkii Hargaysaad | Dhagaafe
»Gabay: Sheikh lagu silac-dilyeeynayo Xabsiga Hargeysa |Dailaaf
»
Gabayo ku socda Abshir Bacadle | C/raxman & Cabdalle
»Gabayga: Hungo | Waxaa tiriyey Xiirane
»GABAY uu soo tebiyey Axmed Cabdi Geele
Halkan ka dhegeyso Gabayga Bacadle ka tiriyey Jirdilka Xabsiga

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 14, 2006




Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD