SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KISMAAYO

               
Col Cabdi Cigaal
Col. Cabdi Cigaal

SomaliTalk.com oo Kismaayo Waraysi kula Yeelatay Col. Cabdi Cigaal Jaamac

Waxaa waraysiga Qaaday:
cabdi khadar Nuur | cabdiqadar84@hotmail.com
SomaliTalk.com | Kismaayo | Soomaaliya


Waxaa u suuro gashay shabkada warbaahinta ee SomaliTalk in ay waraysi dhinacyo badan taabanya  ay la yelato  Col. Cabdi Cigaal oo ah sarkaal ka tirsanaa  maamulka isbahaysiga dooxada jubba haatana ka soo horjestay howlaha maamulka uu ka wado magaalada kismayo haday ahaan lahayd shirkii la sheegay in labada gole ee dowlada loogu qabanayo magaalada kismayo iyo haday ahaan lahayd hub aruuritna ay ciidanka isbahaysiga ay ka wadaan magaalada kismayo waraysigaas oo u dhacay sidan.

 SomaliTalk: Marka hore mudane ku soo dhowoow shabakada warbaahinta ee  SomaliTalk. 

Cabdi cigaal : adeer waan dhawahay waadna mahadsantahay. 

 SomaliTalk: Col. Cabdi Cigaal Jaamac bal marka hore waxad inooga war bixisaa waxaa uu ka dhashay khilaafka muuqda ee haatan idiin dhaxeeya adiga iyo xildhibaan Barre Hiraale oo aad ka wada tirsaneydeen maamulka isbahaysiga waliba xubnaha ugu sareeya maamulka ? 

Cabdi cigaal: bismilaah adeer waxaa uu ka bilowday khilaafka inoo dhaxeeya aniga iyo barre hiraale ama uu ka dhashay arimo ku saabsan xaga ra'yiga, arimahaasina waxaa ka mid ahaa in aanu isku afgaran weyno qaabka shirka dib u heshiisiinta ee dowladda loo qabanayo arihaas iyo arimo kale oo yar yar ah markaan isku qabanayna waxaa dhacday in aniga oo gurigeyga jooga uu bixiyay Barre Hiiraal amar ah in la isoo dilo arintaasi ilahay mahadi haka gaadhee aniga waxba la ima gaarisiin, ciidan baana gurigayga igu soo wareeraray aniga iyo caruurteydii iyo xaasaskeygii iyo waliba dariskeygii kadibna arintaasi kor ayay u si kacday ilaa iyo hadana waanu ku kala taaganahay intii ay arintaan socotayna dad badan baa galay oo isku dayay in ay ina dhex dhexaadiyaan, waa ayna suuroobi weyday balse haatan waxaa ku jira aritnaan taliyaha cidanka isbahaysiga Goobaale waanu balansanhay wixii ka soo baxana waanu u joogaa anigana waad maqli doontaa. 

 SomaliTalk: Gartay, hadaba gogosha wada hadal ee la idinka dhex wado adiga iyo Bare Hiraale haatan waxay u muuqataa mid sii baa ba' aysa taasna waxa u sabab ah beesha aad adiga ka soo jeedo markii ay keeneen sharuudo fara badan oo aan meesha oolin haatan maxaa adiga kuu qorsheysan dhanka wada hadalka iyo dib u heshiisiinta adiga iyo barre hiraale? 

Cabdi cigaal: adeer aniga horta ma ahi kaabe qabiil ee waxaan ahay nin corneyl ah aritna aad sheegeyso hada ee aad leedahay adoyaasha beesha aad ka soo jeedo ayaa sharuudo la yimidna hadee hadii wada hadal yimaado waa in la isku sheegaa wixii la isu qabay marka taasi waa midaa, mida kale aniga mar walba goob walba waxaan diyaar u ahay in aan nabada qaato waa haddi la ila qaadanayo inta haatan nuux nuuxsanaysana aniga ayaa rajo galiyay oo wax ay arkeen sida aan nabada ugu bislahay marka adeer qorshahaygu waa in dadku ay helaan cadaalada iyo sinaan iyo waliba maamul wanaagsan. 

 SomaliTalk:sida ay qabaan dad badan oo caalamka ku sugan waxaa ay aaminsanyahiin in khilaafka haatan idiin dhexeeya adiga iyo barre hiraale uu bilowday kadib markii maleeshiyo ka so jeeda beesha aad ka dhalatay ay afduub u geyesten maraakiib sadex ah oo ku  suganaa xeebaha gobolka jubbada hoose ilaa iyo hadana lama siideyn maraakiibtaas oo wali waa la hayestaa, maxay tahay sababta ilaa iyo iminka ay maleeshiyadaas u haystaan maraakiibtaas maadama aad adiga tahay masuul sare oo ka soo jeeda beesha afduubka u hesata maraakibtaas  lagana heybeysan karo go'aamada ay qaataan beeshaas? 

Col Abdi Igal
Col. Cabdi Cigaal

Cabdi cigaal: adeer horta raga aad sheegeyso ee maraakibta heysta waa mooryaan kuwa maraakibta watana waa mooryaan kale waana kuwa badaheena ku soo shuba wasakhda markii ay maleeshiyadan ay afduubanyeen maraakiibtan barre hirale magaalada ma uusan joogin ee waxa uu ku maqanaa gobolka Gedo gaar ahaan magaalada ceelwaaq waxaa uuna amar ku soo baxshay in maleeshiyadaas afduubtay maraakiibta la laayo marka dadkii gobolka ayaa ka soo horjeestay amarkaas oo ku yiri xaal mastuul wax halagu dhameeyo, anigana waxaan ku jiray dadkii aritan xal masduur halagu dhameeyo taageersanaa marka khilaafkenu halkaa kama uusna bilaaban . 

 SomaliTalk :  waxaa haatan magaalada laga daremayaa ama lagu dhex arkayaa in maleeshiyooyin hubaysan oo qoryo ku dhex wata gudaha magaalada awalna ma aysan jirin in qori lagu dhex wato magaalada waxaadna ka mid ahayd dadkii u ololeynayay in aan wax qori ah lagu dhex wadan magaalada haatan oo aad adiga istaafkaagu ay magaalada la dhex yaacayaan qoryaha, sideed u aragtaa arinkaas yaase isleedahay wuu ka masuul yahay arinkan? 

Cabdi cigaal: arinkaas oo dhan waxaa ka masuul  ah maamulka sababtoo ah ayaga ayaanan isku xilqaamin in bulshada ay wax ugu qabtaan si isku mid ah doonayana in ay wax kala faquuqaan . 

 SomaliTalk :Waxaa jritay oo aad warbaahinta ka sii deysay  in magaalada kismayo aan lagu qaban Karin wax shir ah oo lagu dhex dhexaadinayo labada garab ee dowlada ee iskhilaafsan, bal ka waran hadii hadalkaagaas aan dhag jalaq loo siin ayna kismayo yimaadaan xubnaha dowlada ee gogosha loogu qabanayo? 

Cabdi cigaal: hadii ay taasi dhacdo dee wixii halkaas ka yimaadaa waxaa ka masuul ah Barre Hiraale  sababtoo ah magaalada Barre kaligiis majoogo hadii aysan wax heshiis ah dhicin Barrana uu arintaas ku dhaqaaqo wixii dhaca asaga ayaa ka masuul ah . 

 SomaliTalk: Marka aad leedahay wixii dhacaa isaga ayaa ka masuul ah maxaad  uga jeedaa, ma waxaad ka wadaa ficil baan suubinayaa oo dadbaan weerarayaa? 

Cabdi cigaal : aniga kuma aan oran waxbaan weerarayaa lakiin aniga ayay ii taalaa waxaan sameyn lahaa. 

 SomaliTalk : ugu danbeyntii  maxaa haatan iska badalay fikirkaagii ahaa in aan magaalada kismayo wax shir ah oo lagu dhex dhexadinayo dowlada aan lagu qaban Karin? 

Cabdi cigaal: adeer horta shirkaasi hal qof iyo labo qof kaliya go'aan kama ay gaari karaan, anigana waxan ahay muwaadin soomaaliyeed, danta shacabka iyo in la heshiyo waan rabaa lakiin waa in la isla ogaadaa, la iskuna waafaqsanyahay gogosha kismayo lagu qabnayo lakiin hadii nin kaligiis gooni ula baxo waxan u malaynayaa in aysan waxba ka qabsoomi doonin. 

 SomaliTalk: aad iyo aad ayaad u  mahadsantahay gaashaanle sare cabdi cigaal. 

Cabdi cigaal: adinka ayaa mudan.

Waxaa waraysiga Qaaday:
cabdi khadar Nuur | cabdiqadar84@hotmail.com
SomaliTalk.com | Kismaayo | Soomaaliya

Faafin:  SomaliTalk.com | Jan 3, 2006


Ciidamada Itoobiya oo Magaalada Adis-Ababa ku xir xirey dad soomaali ah..
»Isbaaradii Isgoyska Bakaaraha oo dib loo soo celiyey..
»Max’ed Dheere oo Jowhar ku martigelinaya kulan....
iyo Warar GooGoos ah ka akhri halkan.... Guji... Jan 2, 2006

Kumanaan Soomaali ah oo Bannaanbax ku Dhigay Columbus, Ohio.
USA: Bannaanbaxa oo Soomaalidu ku muujinayeen sida ay uga xun yihiin dilkii marxuum Naasir Cabdi oo...
Guji Dec 31
 


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com


Dr Galaydh"Arrintan argagixisada ee markale la wadwado (la hadal hayo), Soomaaliya kama jiraan kooxo argagixiso ah, arrintan waa mid la dhoodhoobeen kuwa u malaynaya in ay isku maldahaya 'la dagaalanka argagxisada,' si loo maqlo oo loo taageero. Soomaalidu waa dad Muslim ah, Waxaana ku faraxsanahay in aan nahay dad Muslim ah. Haddii ay jiraan Argagixso, Ciidamada Maraykanka ee jooga Jabuuti, Nairobi iyo Muqdisho qudheeda ayaa heli lahaa. Sidaas daraadeed waxaa haboon in inta la hawl galo, la isku dayo in dadka la hawlgeliyo oo xaqiiqo ahaa la keeno wax ka bedelan xaalada hadda jirta ee laga yaabo in ay dad ka fa'iidaysanayaan." Sidaas waxaa yiri Cali Khaliif Galayr | Dhegeyso:  Dec 8, 05 Dr Elmi Duale"Waxa uu sheegay (Galaydh) in aan argagixiso jirin (Soomaaliya), laakiin waa jiraan. Waa la xaqiijiyey, waa ladaabacay. Koox qaramada Midoobey aha ayaa soo saartay warbixin - waxaa jir warbixin qaramada midoobey oo shegeysa in ay argagxiso ka jirto (Soomaaliya). Taas waxaa ka horeysey Markii la qarxiyey safaaradaha Maraykanka ee Kenya iyo Tansaaniya iyo markii la qarxiyey Hotelkii Mombasa, waxaa la muujiyey in qaar kamid ah kuwii ka dambeeyey falalkaas in ay soo mareen Soomaaliya ama waxay ku carareen Soomaaliya. Sidaas daraadeed waxaa jira cadaymo ku filan." Sidaas waxaa yiri Wakiilka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobey Ambassador Dr. Elmi Ahmed Duale | Dhegeyso:: Dec 8, 05 "Wadanka (Soomaaliya) waa ubucda ay ku kobcaan argagixisada caalamiga ah" sidaas waxaa yiri Cabdullahi Sheekh Ismaaciil oo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dawlada Federaalka KumeelGaarka ah ee Soomaaliya, isagoo sida warku u dhigay, Soomaaliya ku eedeeyey in ay Xarun u Tahay Ururada Argagaxisada, sida ay qortay AFP, oo intaas ku dartay in wasiirka Arimaha dibada ee Soomaaliya uusan faahfaahin magaca, tirada iyo nooca xarunta argagxisada ee ka jirta dalkiisa, waa sida warku u dhigaye. Soomaaliya oo ah dal ku yaal bariga afrika oo 14-kii sano ee ugu dambeysey aan lahayn dawlad si rasmi ah u shaqaysa, ayey tiri AFP AKhri Halkan:::: Aug 26,05 menkhaus.jpg (26533 bytes)"Waa in aynaan kuxiraan in aan akhbaarta keliya ka qaadano Itoobiya kuwaas oo inkasta oo ay saaxiibadeen yihiin haddana waxay wataan qorshe iyaga u gaara oo aan caddayn, waxayna kabadbadiyaan khatarta." sidaas waxa yiri Ken Menkhaus, oo professor sare ka ah Davidson College, USA, kaas oo ku takhasusay Soomaaliya iyo dhaqdhaqaaq yadeeda Islaamiga ah, islamarkaana  lataliye xagga siyaasadda uga ahaa hawlgalkii Qaramada midoobey ee Soomaaliya, marka uu hadalkaas yiri waxay ahayd talaado November 27, 2001 asagoo ka hadlayey kulanka Carnegie Endowment for International Peace symposium (Washington, D.C.). GUJI...
 
Kalluumaysatadii Soomaaliyeed wax lug ah kuma  kulahayn Qaraxii Mombasa
Booliska Kenya waxa ay markey taariikhdu ahayd 13/12/2002 caddeeyeen in sagaalkii kalluumaysatada ahaa ee isugu jirey Soomaalida iyo Pakistan ee loo xirxiray qaraxii Mombsasa aysan wax lug ah ku lahayn qaraxaas, isla markaana la siideynayo, loona dhoofinayo dalalkoodii
AKhri Halkan....

Xaggee ku dambaysay eedeyntii ahayd in Shimbiraale ay deggan yihiin urur argagixiso?




HTML CD