SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Miless Zanawi: Ilinta Iska Tir

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Muqdisho, Soomaaliya


Ra’isl Wasaaraha Wadanka Itoobiya ayaa Qasrigiisa waxaa suran Baasaboorka Soomaaliya, waxaa la sheegay in marka uu soo galo Qasriga in uu aad u xasuusto, waxa uuna Baasaboorkaasi uu qaatay xiligii uu Qaxootiga ku ahaa Soomaaliya, waxaana si weyn u soo dhaweeyay Dowladda Max’ed Siyaad Barre oo siisay waxbarasho iyo deegaan.

Baasaboorkaas ayaa la sheegay inuu watay saddexdii sano ee ugu horey ee uu xukunka kadibna Taariikh ahaan ayuu u dhigtay Qasrigiisa, marka uu la kulmo Dadka Soomaaliyeed, waxa uu soo bixiyaa Baasaboorka, waxa uuna yiraahdaa abaalkiina, ma iloobayo, madaxtinimada aan maanta haystana waxaa sababteeda lahaa dadka Soomaaliyeed oo si weyn ii soo dhaweeyay.

Miles Zanawi markii uu xukunku gacantiisa ku sii xoogeystay, waxa uu bilaabay dibindaabyada shacabka Soomaaliyeed, xitaa Dowladdii uu wax ka soo dhisay ee Imbagati waxa uu ku hayay Lugooyo oo masiin taageeradii laga rabay, labadii sano ee ay heehaabeysay oo ay weysaneyd goob ay degto. Miles Zanawi, waxa uu bilaabay markii laga adkaaday qabqablayaashii dagaalka, in  uu yiraadho “Waxaan si aad ah uga welwelsan nahay Xaaladda Soomaaliyeed, Miless intuu jiray markii 16 sano ummaddaan la gumaadayay la baabi’inayay oo sida xun loola dhaqmayay, Su’aashaasi cidna daah kama saarna, oo waxaa la xasuustaa hadalkii Madaxweynihii hore ee wadanka Kenya  oo yiri “Dowladaha Kenya iyo Itoobiya ma rabaan in Soomaaliya ay Dowlad noqoto oo ay cagaheeda isku taagto, waxayna Soomaalidu tiraahdaa “wixii Uurka kaaga jira ayaa afku kaa xada”.

Miles Zanwi waxa uu geed dheer iyo geed gabaanba u fuulay sidii Soomaaliya looga qaadi lahaa cunaqabateynta hubka, mar uu ka qaybgalay Shirkii Gaambiya ee Midowga Afrika khudbad uu jeediyay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ayaa waxa uu sheegay in Qaramada Midoobeysa ay si aad ah uga soo horjeedo in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka, isagoo sheegay in cunaqabateyntaasi ay saameyn ku yeelan karto wadamada Geeska Afrika, waxaana hadlkaasi si weyn uga naxay Miles Zanawi. Ilmana ka soo daadatey.

Guusha Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah ayaa waxay uur ku taalo ku noqotay Miles Zanawi iyo raacsanayaashiisa, oo ay ku jiraan Soomaali dariimku si ka yahay, oo aqoon dheer u leh xabashi iyo abaalkeeda, balse aan ka galayn abaal ee ay ka tahay Soomaalia lugooya.

Jaraa’id ka soo baxa wadanka Itoobiya ayaa waxaan ka akhriyay, Soomaaliya waxay lahayd 60 Janaraal, maanta waxaa ka nool waxaan dhameyn 10 Janaraal, hadalkaas oo uu qoray Wargeyskaasi si weyn ayaan ula yaabay, waxaana ii soo baxday in xitaa ay Itoobiya tirsaneyso ama ay ku farxeyso dhimashada Janaraalada Soomaaliyeed, waayo raggaasi waxay ahaayeen kuwii jabiyay qabweynidii Itoobiya sanadkii 1977-dii .

Caddowtooda dheer ee u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa dadka qaarkood waxay sheegaan in ayaandaro ay tahay in Soomaalidu aysan weli garan Xabashi iyo waxa naga dhexeeya.

Muuse Suudi ayaa hadda ka hor wax laga weydiiyay Xabashi waxay Soomaaliya u qabatay, waxa uuna ku jawaabay isagoo markaasi ka soo horjeeday Dowladda Yemen “Dowladda Yemen waxa ay noo sameysay xero Qaxooti oo ay ugu magacdartay Jaxiima, Itoobiyana waxay noo sameysay Xero qaxooti oo ay ugu magacdartay Al-Raxma, isagoo ula jeedaY in Itoobiya ay qaxootiga Soomaaliyeed u naxariisatay ayna soo dhaweysay”.

Miles Zanawi waxa uu la dagaalanka Argagixisada ee Soomaaliya Dowladda Mareykanka uga qaataa lacag gaareysa 17-Milyan oo Doolar, lacagtaasi Dowladda Mareykanku waxay ka goysay saddex sano ka hor, kadib markii ay isku dhaceen Miles Zanawi iyo Dowladda Mareykanka, lacagtaas ayaa waxaa dib loogu soo celiyay markii la aasaasay Isbahaysiga la dagaalanka Argagixisada.

Si kasta ha ahaatee Miles Zanawi ayaa haatan u muuqda mid aad uga xun halka uu ku dambeeyay dadaalkiisii ku wajahnaa in Soomaaliya la farageliyo, si uu danihiisa ugu fushado, Waxayna Su’aasha isweydiinta mudani tahay C/llaahi Yuusuf ma qaadan doonaa amarka Dable Itoobiyaan ah, ileen dan kale Itoobiya ma lahane  waa haddi ay soo galaan soomaaliya.    

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro

E-mail: amiinkhasaaro@hotmial.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | July 5, 2006

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD