SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Tigreega Goormaan Walaalo iyo Saaxiib Noqonay.

Faarax-Deeq Siciid Maxamed (Abu-Muscab)
faaraxdeeq@hotmail.com

Xuseen Maxamed Ceydiid oo ah Wasiirka arimaha gudaha ee dowlada Fadhiidka ah ee Baydhabo ayaa maanta 29/11/06 mar uu kala hadlayey British Broadcasting Corporation waxa uu sheegay in Tigreega iyo Somalidu ay walaalo yihiin, Saaxiibana yihiin.

Su’aashu waxay tahay Xagee walaalo ku noqdeen Tigree iyo Soomaali?

Sidaan ognahay Tigreegu waa Qabiil degan Wadanka Itoobiya Xoogna ku haysta talada wadankaas, Gumaystana Shucuub badan oo degta wadanka Itoobiya, Shucuubtas waxaa ka mid ah in badan oo shacabka Somaliyeed ah. Tigreegu waa Qabiil gaalo ah welibana Asal-raac adag ku ah diintooda Baadilka ah, waxay aaminsan yihiin Diinta Islaamku in ay tahay cadowga kaliya ay leeyihiin,maadaama Somalidu ay tahay dad muslim ahna ay yihiin cadowgooda koowaad.

Xagee ku walaalownay Tigree

Allaah swt waxa uu inoo Sheegay Mu’miniintu in ay walaalo yihiin kaligood. Wax xiriir ah oo ka dhaxayn kara Gaal iyo Muslimna aysan jirin, xattaa haday wada dhasheen, Diinteenu miyeysan noo sheegin in Muslimka iyo gaalka wada dhashay aysan is dhaxli karin, Diinteenu miyeysan noo sheegin Gabadha Muslimada ahi in aysan Guursan Karin nin Gaal ah, Miyeysan Diinteenu diidin xattaa in aan is dhax galno gaalada oo hal meel kuwada noolaano marka laga reebo meel islaamku ka taliyo ma ahane, Waxaa Ka sugnaaday Rasuulkeena scw in uu yiri Muslimka iyo Gaalka dabkoodu yuusan isku muuqan ( yacnii hakala Fogaadaan)

hadaba Tigreegii miyuu soo muslimay ? Haday Jawaabtu maya tahay Waa been oo walalo ma nihin tigree. Miyaan Gaalownay anagu? Hada Jawaabtu maya tahay waa been oo walaalo ma nin Tigree.

Xagee ku saaxiibnay Tigree.

Allaah swt waxa uu Qur’aankiisa inoogu cadeeyey in yahuud iyo nasaaro midkoodna aysan Raali naga noqonayn illaa aan diintooda raacno (Suuratul Baqarah aayada 120)

waxa kale oo Allaah swt Noo sheegay Gaaladu in aysan ka suulayn in ay nala dagaalamayaan oo mar walbaa weerar nagu soo qaadayaan illaa ay diinta naga saaraan haday awoodaan (Suuratul Baqarah 217)

waxaa kale oo Allaah swt inoo sheegey in ay Gaaladu jecel yihiin in aan Gaalowno sida ay ayagu u gaaloobeen oo aan ayaga la mid noqono, Sidaas Daraadeed haka dhiganina Xigaal ayuu oranayaa Allaah swt ( Suuratu Nisaa 89)

Waxaa kale oo Allaah inoo sheegay in Gaaladu Siiba yahuud iyo nasaaro ay jecelyihiin in aan diinta Islaamka ka noqono oo aan Gaalo noqono xaasidnimo ay noo qabaan daraadeed (Suuratul Baqarah 109)

Hadaba miyaan Raacnay diintooda? Haday jawaabtu maya tahay waa been oo Saaxiibo ma ninihin.

Tigreego Sow ma ahan Cadowga wadankeena ku soo duulaya hadda, oo Ciidankiisa ku soo daabulaya wadankeena Somaliya?

Tigreegu sow majaraha uma hayo Wadanka Itoobiya oo aan waligeen Colka ahayn Dagaalo qaraarna ay na dhex mareen dhowr goor?

Tigreegu Sow ma ahan qawmiyadii diidanayd in Somaliya ay cagaheeda ku istaagto muddo 16 sano ah oo xabada iskugu kaaya dhiibi jirtay soona hubayn jirtay dagaal oogayaashii Somaaliya ilaa iyo hadda?

Hadaba Tigree Walaalana ma nihin oo Allaah nagama Dhigin, Saaxiibana manihin oo in ay na gumaysatay doonaysaa waxa naga Dhaxeeya waa BAARUUDA IYO QORIGA CAARADIISA hadaysan nabada qaadan.

Faarax-Deeq Siciid Maxamed (Abu-Muscab)
faaraxdeeq@hotmail.com

»Puntland iyo Burintii Ballanta | Abu-Muscab

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 30, 2006
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD