SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

LABA SALAAD MEELNA ISKAMA SHABAHAAN

Waxaan aqriyay maqaal uu qoray ninka lagu magacaabo Mohamed Xaaji (Ingiriis) oo cinwaankiisu ahaa “LABA SALAAD: Salaad Gabeyre iyo Salaad Cali Jeele xaggee iska shabahaan?. Markaan dhameeyay maqaalka waxaa iisoo baxday in Mohamed Xaaji Ingiriis aanu aqoon fiican u laheyn Salaad Gabeyre Kediye, Ayeeyadiisna (tixraac maqaalka Md.Xaji (Ingiriis) aysan sifiican uga sheekeyn taariikhda Salaad Gabeyre. 

Waxaa la yiri nin indhoolnimo ku dhashay ayaa ilaaheey hal mar aragiisii usoo celshay, markaasa wixii ugu horeeyay ee uu arkay wuxuu noqday DIIQ, isla markiibana indhoolnimadii ayuu ku soo noqday isagoo aan wax kale  oo nool arag, intaa ka dib waxaa la yiri ninkaa indhoolka ah markii maroodi laga sheekeeyo ama libaax laga sheekeeyo wuxuu lasoo boodi jiray DIIQ sidee ka yahay?. 

Marka qofka bini’aadamka ah la qiimeynayo dhinacyo badan ayaa laga eegaa, tusaale ahaan: dadnimadiisa, aqoontiisa, geesinmadiisa, deeqsinimadiisa iwm, sidaasi darteed waxaa arin laga xumaado ah in uu Mohamed Xaaji is barbar dhigo lama nin oo haba yaraatee aan laysku shabihi karin. 

Salaad Gabeyre taariikh nololeedkiisa oo qoran ma jirto, inta Mohamed Xaaji soo qaateyna wuxuu kasoo guuriyay buugaag qoristooda ninba dan gooni ah ka lahaa qaybtii kaga aadeyneyd afgembigii kacaan 1969kii, taas oo aan lagu qiimeyn karin shaqsi taariikh nololeedkiisa, laakiin intaas qoran laftirkeeda waxay muujineysaa geesinimadii Salaad Gabeyre.

Dahaba aan soo koobee maxay ku kala duwanaayeen labada salaad ee aan horay u xusay.

1-Dadnimada.

Salaad Gabeyre: wuxuu ahaa nin aan ka gabban waxa uu doonayo, wuxuuna aaminsanaa shaqsiyadiisa, waxaa la isku raacsan yahay in Salaad Gabeyre ahaa nin laga helo dhammaan tayooyinka kala ah, iga dhici, iga dhiib iyo iga dheh.

Salaad Cli Jeele: waa nin aan xishoon oo sida la ogyahay ku hadlo wax dhammaan dadka dowladda ku meelgaarka ah ka tirsan ay ka xishoodaan, dadka qaar waxay u arkaan in uu yahay sameecad ay dadka kale ka dhex hadlayaan.

2- Aqoonta

Salaad Gabeyre: wuxuu ahaa nin aqoon leh oo weliba ardaydii ay ruushka wax iskala soo barteen u qireen in uu ahaa nin aad uga dhexmuuqday raggii ay wax soo wada barteen, derejada uu ka gaaray ciidamada kuma helin nin jecleysi ee wuxuu ku helay aqoontiisa.

Salaad Cali Jeele: waa nin haba yaraatee aan aqoon laheyn noockasto oo ay noqotaba, wuxuu ahaa geeljire ina adeerkii tooreey kusoo dilay oo u baxsaday itoobiya xiligii USC du isku urursaneysay itoobiya.

3- Geesinimada:

Salaad Gabeyre: La iskuma heysto geesinimadii Salaad Gabeyre, Mohamed Xaji maqaalkiisa ayayba ku caddahay geesinimadii Salaad Gabeyre.

Salaad Cali Jeele: Waa fulay aan la isku heysan in uu  fulay yahay waxaana u daliil ah in uu magaalada muqdisho habeenkasto seexdo garaashyada magaalada muqdisho oo weliba dulseexdo gawaarida dagaalka.

Sidaasi darteed waxa kali ah ee ay iska shabahaan laba Salaad waxaan dhihi karaa waa magaca hore(Salaad), kaasna u maleyn maayo in uu isku jiidayo laba nin oo aan isku maqaam aheyn. 

Xalane | keyd1@walla.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: April 1, 2007
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com