SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BAAQ

Massachusetts Association of Somali Students 

BAAQ NABADEED

  • KU: Madaxweynaha DKFS Mudane Cabdulaahi Yusuf Axmed
  • KU: Madaxwynihii Hore Mudane Dr. Cabdiqaasim Salaad Xassan
  • KU: Madaxweynihii Hore Mudane Cali Mahdi Maxaned          
  • KU: Hogaanka Beelweynta Sharafta Leh ee Hawiye
  • KU: Hogaanka Beelweynta Sharafta Leh ee Daarood
  • KU: Culimaa'udiinka, Aqoonyahanadda, Siyaasiyiinta, Ururadda  Bulshadda, Ganacsatadda iyo Ururadda Islaamiyiinta. 

Waxaan marka hore idinku salaameynaa ASALAAMU CALEYKUM WALARAXMATULAAHI WABARAKAATU. 

  1. Madaxweynaha DKFS mudane Cabdulaahi Yusuf Axmed waxaan kuu soo jeedineynaa talooyinkan qiimaha leh, maadaaama aynu nahay ardeydda Soomaaliyeed ee degan gobolka Massachusetts ee dalka Mareykanka. Waxaana kaa rajeynaynaa in aad naga aqbashid Baaqan Nabadeed.
  • In diinta Islaamku ay noqoto halbeega ugu weyn ee lagu raadin karo xalka Shacabka Soomaaliyeed ee dhiban 16 kii sano, iyo in Diinta Islaamka aysan ka noqon DKFS agteeda DIIN ARGAGAXISO.
  • In aad u cadaalad samyesid dhamaan Shacabka Soomaaliyeed.
  • In aad inta badan ku xalisid wadahal dhexmara qabaa'iladda wax ka tabanayo DKFS.
  • In aad la kaashatid xalka dalka Soomaaliyeed Hogaan Dhaqameedyadda, Culimaa'udiinka, Aqoonyahanadda wadaniyiinta ah iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed meel walbo ay joogaan.
  • In aad shaki bixisid Umaadda Soomaaliyeed ee aan ku kalsooneyn Joogitaanka Ciidamadda Itoobiya xiliga ugu dhaqsaha badan ay baxayaan.
  1. Madaxweynihii Hore Mudane Dr. Cabdiqaasim Salaad Xassan iyo Madaxweynihii Hore Mudane Cali Mahdi Maxamed. Sidoo kale waxaan idiinka rajeyneynaa in aad naga aqbashaan talooyinka aan ku xusnay BAAQAN NABADEED.
  • In aad u horseedaan Umadda Soomaaliyeed siday u soo ceshan laheyd Nabadgalyadeedda, Qaranimadeedda, Midnimadeeda iyo Walaaltinimadeedii idinkoo la kaashanaya Madaxweynaha DKFS Cabdulaahi Yusuf Axmed.
  • In aad meel iska dhigtaan kala duwanaanshaha aragtiyadda aad ka qabtaan midkiin midka kale, una soo jeesataan in aad heshaan wax aad isku waafaqsan tihiin oo dan u ah Umadda Soomaaliyeed.
  • Idinkoo wadda jira in aad soo booqataan Madaxweynihii hore Mudane Aadan Cabdulle Cusmaan, Madaxweynahaas oo u ah astaan taariikheed oo aysan ilaawi karin Shacabka Soomaaliyeed iyo dhamaan Qaaradda Afrika.
  1. Hogaanka Beelweynta Sharafta Leh ee Hawiye iyo Hogaanka Beelweynta Sharafta leh ee Daarood. Idinkoo wada jira waxaan idiin soo jeedin laheyn talooyinkaan qiimaha badan, waxaana idiinka rajeyneynaa in aad naga aqbashaan haddii uu Alle Idmo.
  • In aad garataan marka hore in aad tihiin walaalo wadaaga Diin, Dhalasho, Luqad, Deegaan, Dhaqan, Midib iyo hal cadow taas oo u ah cadeyn ineydan kala maarmin marnaba.
  • In aad abuurtaan qorshe wanaagsan oo umadda Soomaaliyeed u noqda baal Dahab ah iyo taariikh aan la'ilaawi karin, qorshahaas oo xal u ah dhamaan dadka ku abtirisadda beelahaas, si loo abuuro isu soo dhawaansho, isjecel, iyo wax wadaag.
  • In midkiin midka kale uu martiqaado si sharf leh oo ay Umadda Soomaaliyeed ka dhigan karto tusaale lagu daydo.
  • In marxaladdan aad arin walbo aad ku dhameysaan Dulqaad, Isfahan, iyo wax walbo oo Umadda Soomaaliyeed u horseedayo Mustaqbal wanaagsan.
  1. Culimaa'udiinka, Aqoonyanadda, Siyaasiyiinta, Ururadda Bulshadda, Ururadda Islaamiyiinta, iyo Ganacsataadda Soomaaliyeed meel walbo ay joogaan. Waxaan idinkana idinka rajeyneynaa in aad naga aqbashaan Baaqeena Nabdeed, kaas oo xambaarsan talooyin wax ku oo ah, oo u baahan in la fuliyo.
  • In aad marka hore ogaataan in NABADDA ay tahay furaha horumarka Umadda Soomaaliyeed.
  • In aad kala saartaan Diinta iyo Qabyaaladda, Aqoonta iyo Qabyaaladda, Siyaasadda iyo Qabyaaladda, Ganacsiga iyo Qabyaaladda, iyo Dowladnimadda iyo Qabyaaladda.
  • In aad horseed u noqotaan in Nabad lagu soo dabaalo dalka Soomaaliya.
  • In wax walbo aad ka hormarisaan DANTA GUUD iyo in raadisaan Umad Soomaaliyeed oo uu Ilaahey raali ka yahay.

ALAAHU AKBAR WALILAAHIL XAMDU

    Baaqaan waxaa saxiixay,

    Madaxweynaha Ururka Ardeyda Soomaaliyeed ee Gobolka Massachusetts.

    Abdulkadir Mohamud Mohamed ( Abdulkadir Hindi )

Telephone# 617-445-1200 abdulkadirhindi@yahoo.

 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: April 1, 2007
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com