SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BAAQ

BAAQ KU AADAN NABADDA IYO DIB U HESHIINTA SOOMAALIYA  

Kadib wadatashiyo muddo socdey oo ay wada yeesheen Xarumaha Nabadda ee kala ah Center for Peace and Democracy (CPD) & Center for Peace and Co-existence (XORIYO), kana kala dhacay dalka gudihiisa iyo dibeddiisaba, loogana hadlayey xaaladda Soomaaliya meesha ay maanta mareyso, gaar ahaan dhinacyada Nabadda, Dib u heshiisiinta iyo sida wax looga qaban karo,sarana loogu qaadi karo wacyiga ku aaddan arrimahaas iyo weliba kaalinta ay ku yeelan karaan Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed; ayaa waxey labada Xarumood si wada jir ah u soo saareen baaq Nabadeedkan:

  1. Waxaan FURSAD WEYN U ARAGNAA shirweynaha Qaran oo dib u heshiisiinta Soomaaliya  ee la qorshaynayo in  lagu qabto gudaha dalka Somalia, iyadoo ay ka qeyb qaadanayaan, Dowladda Kumeel Gaarka ah, Bulshada Rayidka iyo dhamaan dhinacyada ka biyo diidsan hanaanka Siyaasadeed ee ka jira dalka. Waxaan u aragnaa in ay tani noqon karto fursad lagu soo afjari karo xaaladda  colaadeed ee dalka ka jirta isla mar ahaantaana albaabada u furi karta xasilooni, nabad waarta iyo soo celinta sharciga iyo kala dambeynta.
  1. Si loogu KALSOONAADO, eyna miro dhal u noqdaan howlaha Dib-uheshiisiinta waxaa muhiim ah in Dawladda ku-meelgaarka ah dhowrto, si weyna ugu dhaqanto nuxurka Axdi Qaraameedka ku meelgaarka ah, iyadoo Axdi-Qarameedku uu ahmiyad gaar ah siinayo dib u heshiisiinta.
  1. Waxaan ku BAAQEYNAA in xaaladda deg deg ah ee Dowladda Ku-Meel Gaarka ah ku soo rogtey dalka aan loo adeegsan ku tumashada xuquuqda iyo xoriyadaha asaasiga ah ee Muwaadinka Soomaaliyeed.
  1. Waxaan ku BAAQAYNAA in ciidamada Ethiopia si deg deg ah u dhameystiraan ka bixitaankooda Dalka Soomaaliya, taasoo qeyb weyn ka qaadan doonta dib u heshisiinta, is-aaminaadda iyo Nabad kuwada- nolaashaha Dawladaha iyo Bulshooyinka deriska ah.
  1. Waxaan SOO JEEDINAYNAA in Ciidamada Nabad Ilaalinta ee ka socda Midowga Afrika (AU) loo arko kuwo taageeraya kana qeyb qaadanaya soo celinta nabadda iyo kala dambeynta, isla markaana ku howlgelaya hanaan waafaqsan shuruucda iyo qawaaniinta caalamiga ah.
  1. Waxaan ku BAAQEYNAA in dhinacyada isku haya Siyaasadda Soomaaliya ay u DHEGO-NUGLAADAAN baaqyada Nabadeed ee ka soo yeeraya gudaha iyo dibeddaba, si loo joojiyo dhiiga qubanaya isla mar ahaantaana ay miro dhal u noqdaan dadaalada Dib u heshiisiinta iyo Nabad soo celinta.
  1. Waxaan DHIIRIGELINEYNAA in Bulshada Rayidka u guntato sidii ay kaalin mug leh uga qaadan lahaayeen hanaanka dib u heshisiinta isla mar ahaantaa ay la xisaabtamaan cid kasta oo ku howlan Nabadda, Dib u Heshiisiinta iyo Horumarinta dalka.
  1. Waxaan DHALEECAYN culus usoo jeedinaynaa dilalka iyo fal-dambiyeedyada lagula kaco dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan, kuwa u ololeeya Nabadda iyo Xuquuqul Insaanka. Waxaan cambaaraynaynaa, si wayna uga so horjeednaa in qof loo dilo  ama loo dhibaateeyo Haybta uu yahay, Fikirka uu aaminsanyahay iyo Shaqada ama Hawsha uu bulshada u hayo, waxaan si gaar ah u cambaareyneynaa dilkii naxariis darada ahaa ee loo geystey marxuum Esse Abdi Esse - oo kaalin weyn kaga jirey Bulshada Rayidka Soomaaliyeed.
  1. Waxaana beesha caalamka ka CODSANAYNAA in ay Bulshada Rayadka Soomaaliyeed ku taageeraan gudashada waajibaadkooda ku aadan Dhowrista Xuquuqda Aadana, Dhisidda iyo soo celinta Nabadda, Dib u Heshiisiinta iyo Dib u dhiska dalka, maadaama ay ka madax banaan yihiin garabyada isku haya Siyaasadda Soomaaliya isla markaana ay u taagan yihiin sare u qaadida wacyiga bulshada ee ku aadan Nabadda, Maamul wanaaga, Wadatashiga, Dhowrista Xuquuqda iyo Xoriyadaha Asaasiga ah ee qofka.
  1. Waxaan Bulshada Caalamka ugu BAAQAYNAA in ay kaalmo deg deg ah la soo gaaraan dadka ku tabaalaysan gudaha dalka gaar ahaan kuwa ku barakacay dagaalada iyo colaadaha sokeeye ee ka jira Soomaaliya.
  1. Waxaan ugu HAMBALYAYNAYNAA Maamulka Soomaliland guulaha uu ka soo  hooyay dhinaca Nabadda iyo Xasiloonida,  anagoo  ku dhiiri-gelinayna Dowladda Ku-meel Gaarka ah in ay la furto wadahadal Nabadeed oo ku dhisan is-faham iyo wada-xaajood.

Nabadbaa Naruuro Iyo Horumar Leh 
 

Bukhaari Maxamad Axmed
Xoghayaha Guud ee Xarunta Xoriyo
dheeg2002@hotmail.com

Faafin: April 1, 2007
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com