SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - QAAHIRA

Jaaliyadda somaliyed Digil iyo Mirifle oo ku dhaqan magalada Qahira ee Dalka masar kana kooban siyaasiyiin, aqoonyahanno iyo wax garad oo War Murtiyeed so Saray.Xalada uu Dalka kusugan yahay

UJEEDO: War murtiyeed iyo baaqyo ku wajahan dowladda KMG iyo qaybaha kala duwan ee bulshada soomaaliyeed. maanta oo taariikhdu tahay 1/04/2007; shir ay isugu yimaadeen jaaliyadda Digil iyo Mirifle oo ku dhaqan dalka masar kana kooban siyaasiyiin, aqoonyahanno iyo wax garad isugu jira Rag iyo Dumarba.

waxaa si qoto dheer loogu falanqeeyey xaaladaha kajira dalka hooyo oo 17 sano ku dhowaad kusugnaa ammaan darro baahdey iyo kala danbeyn la'aan sababtay bur-bur iyo bara kac uu shacbigu ill iyo maantaba la il daran yahay.

1 ) waxaa sigaar ah loogu soo qaaday waajibaadka dowladdafederaalka KMG ah iyo doorka ay ka qaadatay mas'uuliyaddeeda ku aadan dib u heshiisiinta dalka oo ay dagaallo ka soo cusboonaadeen gaar ahaan caasimadda Muqdisho.

2 ) guud ahaan cadaaladda ijtimaaciga ah oo lagu dhaqay qeybaha bulshada soomaaliyeed,tan iyo intii lagu soo dhisay Dalka Keenya ( Mpegathi) sanadkii 2004;.

3)shirka oo lagusoobandhigay tallaabooyinka ay qaaday Dowladda federaalka ah oo ku saabsan Maamul u samaynta Deegaanada dalka qaarkood oo khilaafsan Axdigii KMG ah (Dastuurka federaalka) oo lagusoo heshiiyey awood qeybsiga qaranka Soomaaliyeed,taasoo ah 4.5

waxaa horraantii sanadkan la maga caabay ;

a) Degmooyin cusub oo lagu kordhiyay Deegaannada Dalka qaarkood oo ay kamid yihiin ;

Aato iyo Degmadii RABDHUURE oo loo waree jiyey YEET , labadaba ay katir san yihiin gobolka BOKOOL Balse waxay ku yaalaan Xadka ay jamhuuriyaddu la leedahay Itoobiya ,taasi oo loogu daneynaayo Beel gaar ah oo degan cirifka shishe ee xadka . Iyadoo ay jiraan Deeganno kaga haboon

Bukshal ahaan , baaxad dhuleed iyo dhaqaalaba.

b) waxaa gudoomiyaal loo magacaabay Gobollada Gedo,J/hoose iyo sh/hoose, oo badankood loo magacaabay shaqsiyaad aan shacbiyad ku lahayn deegaanadaas taasoo haba yaraatee aan la tixgelinin aqlabiyadda dadka Digil iyo Mirifle oo ku nool Degmooyinkaas, iyadoo u jeedadu tahay in deegaanada Digil iyo Mirifle ay iska leeyihiin lagu koobo laba gobol oo keli ah (BAAY IYO BOKOOL)

Taasi oo muujineysa in la inkiray cududda beel weyntu ku leedahay Gobolladaasi aan soo sheegnay.

c) waxaa Dowlada KMG ah magacaawday Taliyeyaasha C.Q.S.sida X.D.S,C.booliiska,C.Asluubta iyo C.nabad sugidda,oo haba yaraatee Digil iyo mirifle aan laga siinin wax saami ah.

D) waxaa kaloo dowladu maga caawday ilaa 6 Safiir oo kala ah safiirka maraykanka ,safiirka itoobiya Keenya , jabuuti, Yemen iyo cumaan,Taasoo sidoo kale aan wax saami ah laga siinin Digil iyo Mirifle, waxaa intaa sii dheer jagooyin maamul oo kala gedisan.

waxaa shirka lagu xusay kaalintii bul shadaasi ay ka qaadatay Dhismaha iyo dejinta Dowladda Federaalka kuna soo dhoweysay Magaalo Madaxda Gobolka Baay { Baydhabo},oo ilaa maantaba ay degen tahay; weliba joogitaan keeda dhibaato badan kasoo gaartay Bulshada, gaar ahaan dadkeeda wax ku oolka ah. Hadaba wuxuu shirku u arkay inay nasiib daro tahay halkii lagu tixgelin lahaa dadaaladaas , lagarab mariyey xuquuqdeeda dastuuriga ah;.

Gebo-Gebo : waxaan Ugu baaqeynaa:

A-1) Dowladda Federaalka iney dhowrto Axdigii lagu soo heshiiyey oo ku cad awood qeybsiga

qaranka tixgelisana Xuquuqda dastuuriga ah ee ay Dalka ku leeyihiin Bulshada Digil iyo Mirifle Dibna loo saxo wixii Maamul ah ilaa hadda lagu dhawaaqay.

2- inay dar dar geliso geedi socodka nabada iyo dib u heshiisiinta, maadaama Dowladu dhisan tahay dib u heshiisiin loona maro habka ugu haboon oo ay bul shada soomaaliyeed raali ka tahay ayadoo utureysa Dad weynaha Rayidka ah oo aan waxba alabsan dagaaladuna ay kasoo gaaarayaan dhibaatooyin isugu jira : Dhimash,dhaawac iyo barakac aan xad laheyn.

B-1) waxaan ugu baaqeynaa kooxaha kacdoonka kawada Muqdisho, iney joojiyaan dagaallada oo inta badan wax yeelada ba 'an kasoo gaareyso dadka rayidka ah oo aan waxba galabsan.

2) iney uturaan dad weynaha

3) iney kaqeyb qaataan wada hadallada dib u heshiisiinta, wixii khilaaf ah oo kala dhexeeya Dowlada ay ku dhameystaan wada hadal iyadoo saldhi looga dhigaayo murtida dheheysa:

DOWLAD XUN WAXAY DHAANTAA DOWLAD LA'AAN

C-1) Waxaan qeybaha Bulshada Soomaaliyeed ugu baaqeynaa sida siyaasiyiinta,hogaamiye Dhaqameedyada Beelaha,Aqoon yahannada Ganacsatada, Haweenka iyo Dhamaan wax

- garadka; inay u istaagaan joojinta dagaalada ka aloosan dalka gaar ahaan caasimadda Muqdisho una howl galaan sidii loosoo afjari lahaa colaadaha dabadheeraaday iyagoo ka amba qaadaya nuxurka saldhiga u ah khilaafaadka lana raaco Axdiga kumeel gaarah

D) waxaan ugu baaqeynaa xubnaha labada gole ee Dowladda KMG ka ugujira Beel weynta Digil iyo

Mirifle;

1- iney dib uxasuustaan dhibaatadii bulshadooda soo martay iyo inay yihiin kuwa dhibka ugu badan ee soomaaliya soogaaray ay yihiin Dad weynaha Digil iyo Mirifle 16 kii sano ee lasoo Dhaafay, Dhibaatadaas dhibaatadaas oo ay gaarsiiyeen Beelaha Hawiye iyo Daarood qaarkood sidoo kale dhibaato ayaga gudahood isu geysteenba taasoo sanadadii sagaashameeyadii Bul shadaasi ku dhacday Musiibo bani aadinimo ilaa heer uu caalamku u bixiyey Baydhabo Magaaladii geerida.

2- Hadaba waa inay qaataan mas'uuliyadooda iyo xilka ka saaran ilaalinta xuquuqda Dastuuriga ah oo ay Qaranka ku leeyihiin shacabka ay matalaan, kana dhiidhiyaan wixii xadgudub ku ah guud ahaanba, si looga gaashaanto dhibaato danbe.

3- iney u guntadaan sidii ay u midoobi lahaayeen Bulshada,xuquuqdoodana u ilaashan lahaayeen

Ugu danbeyntii waxaan canbaareyneynaa dagaalada kasoconaya dalka gaar ahaan caasimadda.

War murtiyeed ku saxiixan dadkan

Maxamed Nuur maxamed (Jiley ) Wasirki Hore Dowladaha hose dowladi TNG-da

Shariif Cabdulahi Nurow

Mr yusuf abikar maxamed

CabdirisaqSheekh sidow (Sheeq Macalin qulqul)

Cabdulahi sheekh Shuceeb

Suldan Maxamed Cali Xasan (Dabarow )

Cabdisaq Banbelmo

Xasan Ibrhim adan Xasan (nuunow)

Nuur Maxamed Xusen

Nuur edeen umrow

Maryan maxamed sheekh cabdla

Sacida nuur maxamed

Farxiyo cabdulahi macalin

Mahad Carabow Cali Cairo EGYPT
mahad554@yahoo.co.uk

Ama: alustaad@hotmail.com
 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: April 1, 2007
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com