SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

maxamed mustaf x.xasan
suudan khartuum
malikmaxamed@yahoo.com

maqaalkan waxan bilaabay qoristiisa markiin dalka ay soo galeen ciidamada itoobiya oo ay soo hor kacday dowlada federalka somaliya.
maqaalkaana waxan oogu magac daray:

Dadkii waabad layseen ma duul kalaad sugaysaan

waxay ahayd maalin mugdi ah taariikh mugdi ah oo somaliya dadkeeda iyo dalkeedaba soo martay markii ay ciidamada itoobiya yimaaden dalka somaliya taariikhduna waxay ahayd 28/12/2006.

waxay soo galeen caasimada dalka ayadoo ay soo hor kacayaan rag lagu sheegay in ay wasiiro iyo madax yihiin laakin run ahaanti ka ma ahan dalka somaliya madax umana ahan dadka somaliyeed ee waxay uyihiin dadka iyo dalka itoobiya.

yuusuf cumar azhari oo ah la,taliyaha madaxweynaha dhinac siyaasada mar la,waraystay isaga oo jooga magalada boosaaso lagana waraystay dagalkii maxkamadaha iyo isbahaysiga la dagaalanka argagixisada iyo soo cilinta nabada la,magac baxay ku dhex maray magaalada muqdishu waxa uu ku jawaabay "aduunka dad waliba way la,dagaalaan argigixisada laakiin umad shacabkeeda laysaahi ma,jirto" ayuu yiri.dib ma,isugu laabtay maantana waxa uu warbaahinada aduunka iyo kan maxaligaba ka leeyahay maka war hayaa.

prof,maxed cumar dalxa "dowladu waxay la,dagaalamaysaa kooxo yar oo aminga magaalada ka soo horjeeda isla markaana aan la,garanayn sababta iyo hadafka ay u dagaalamayaan"sow hadafka ay udagaalamayaan maahan dagaalka dibada ooga yimid waliba dad aan hadafka ay dal kale u imaadeen aan la,garanayn in ay iska dhiciyaan waxna tusaan dad madax isku sheegaya aanna garanayn cida ay madaxda uyihiin.
waxan si hufan oogu sheegayaa nimanka malaynaya in itoobiya ay dan uhaysa somaliya in itobiya aysan dan uhayn somaliya maxaa yeelay hadday dan uhayso somaliya maysan sameyn laheen waxyaabahan oo dhan:

1.waxay somaliya soo weerartay markay xurnimada qaadatay kadib in ka badan seddex jeer markay soo weeraraysay ma dan ayay usoo waday.

2.waxay mar waliba isku diraysay dadka somaliyeed iyadoo marki ugu dambeeysay ee aan xasuusan karno isku dirtay c/hi yuusuf iyo gen.ceydiid oo markaa is fahmi rabay c/hina ku qancisay in uu sameesto maamul goboleed caydiidna isku dayday in ay usameeso cayayaan farabadan waa kuwan tookadan dambe la magac baxay isbahaysiga la,dagaalanka argigixisada.

3.itoobiya sow tii c/hi yuusuf mashruuc ooga dhigtay 1999 inuu xir xiro dhalinta konfurta somaliya ka imaanaysa ayagoo tahriib ah isla markana xabsi uu dhigo madaxana ka xiiro argagixisana ku tilmaamo kana dhigtay mashruuc uu reerkiisa ku biisha.

4.sow ninkii aqoonyahanada somaliyeed shirkii nairobi yiri waa argagixiso illaa ay ka kala cararaan.

5.c/lahi yuusuf sow ninkii baydhabo markuu qaraxa ka dhacay oo uu isagan ka badbaaday hala xira yiri dhalinta koofurta somaliya udhalatay laguna xir xiray puntlan ugu yaraan boqolaal.oo ruux boqol kalena la,dhaawacay kuwa intaa kabadanna la,bara kiciyay markaa sow madaxweyne maahayn

6.sow ninkii isagoo madaxweyne somaliyeed ah intuu baydhabo yimid arkayna iskulada ay hay ada hilal axmar ka dhistay magalada baydhabo maqlaynay kuwa muqdishu deetana ku dacweeyay xarunta dhexe ee dubai dadow bal ila fiiriya muxuu yiri"hay,adani waxay ka howl gashaa uun oo kaliya koofurta somaliya mana ka shaqayso maamul gobaleedka buntland deetana madaxa xafiiska somaliya loo yeeray ayna halkaa ku wada kulmen nasiib wanag uu ilah garta siiyay madaxa hay adaas "dadyow warkaa ma,war madaxweynaa ila eegaba.

7.sow ninkii yiri dadka koofurta somaliya waanu dilaynaa illaa dowladnimada ay ka ogolaadaan.

ma,rabo in aan madaxweynaha somaliyeed ku dheeraado ceebtiisa ee waxan rabaa in aan runta ka sheegno wax uu yahay waxan isaga waxba dhaamin ninkii uu ra'isul wasaare ka dhigtay ma waxay usocdan in ay dad iyo dal bad baadiyan sow nimankii codsaday in la siiyo 20.000 oo askari ah oo ay koofurta somaliya ku galaan dadyow waxan idiin sheegayaa maahan dowladan mid nairobi lagu dhisay ee waa mid marka la,magacaa wayay ka hor la,dhisay laguna dhisay adis ababa wasiirka arimaha dibada itobiya maxaa xeebta muqidishu seexiyay xebaha caalamkana ka mamnuucay .

dadow dadkan horay loo laayay haddana la,laaynayo ma,idin la,tahay in waqooyi xitaa berigii sideetameeyadii sidan loo laayay maya maya..
dadkan la,laaynayo dalkan la,bur burinayo maan lays waydiin doonin c/hi iyo cali ma waxay ka wadan dalkan annaga ma dhisan e dad ayaa dhistay waxa ku noolna wax naga magalin oo bariga somaliya iyo bad la,aanta itoobiya ayaan ku raxaysanaa miyaa???
wallee wallee waxad ogaataan in taariikhda ay daabici doonto

dadki waabad layseen ma,duul kalaad sugaysaan dalki wad bur buriseen ma cir kaad dagaysaan dowladyahay dowladyahay
dambigaad galaysaan taariikhdaaba daabici la,idiin madaayo dacarteena waad helaysaan

maxamed mustaf x.xasan
suudan khartuum
malikmaxamed@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: April 1, 2007
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com