SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

" Fadhi iima yaal....!!"

WQ/ Muxyaddiin Maxamed Kaalmoy
Email: kalmoi@hotmail.com

     Habeen habeennada ka mid ah, baannu casho u wada fadhinnay aniga iyo qaar caruurtayda ka mid ah, oo dugsiga sare dhammaynaya dhowaan.  Laanta Af-Soomaaliga ee Idaacadda British Broadcasting Corporation, oo aan dhegaha u raaricinayay, baa waxaa soo galay barnaamijka Fanka iyo Suugaanta Soomaaliyeed, kaas oo habeenkaas looga hadlayay ; "Maahmaahaha Soomaaliyeed".

     Markii uu barnaamijkii dhammaaday, baan caruurtaydii 20-jirrada ahaa ku iri;" Yaa ii sheegi kara maahmaah Soomaaliyeed..?.  Mid iyagii ka mid ah , baa su'aashaydii intuu weydiin kale ka hor-keenay igu yiri;" Waa maxay maahmaah ..?!!", isagoo Afka Carabiga igula hadlaya. Waxaan bilaabay inaan micnaha "maahmaah" ku sheego Afka Carabiga ah, tusaalooyinna ka bixiyo; Af-Soomaaligeennii ayaan meel iska dhignay oo iska- la baxnay. !!

     Madaxa ayay ruxruxeen caruurtii, oo aad bay ugu adkaatay in ay ii sheegaan "Maahmaah Soomaaliyeed", hase yeeshee, waxay ii sheegeen ; inay aad u yaqaannaan kuwa carbeed oo tira-badan, waana gartoodoo, iyagoo aad u da'-yar bay dhul-carbeed soo galeen, u soo qaxeen, deegaamaysteen, indhaha ku soo kala qaadeen, waxbarashadii dugsiyada ka bilaabeen, welina ku guda-jiraan.

     Waxay durbadiiba, si darandoorri ah iigu sheegeen; Maahmaaho, Hal-qabsiyo iyo Murti kaloo carbeed, iyagoo weliba ii sharraxaya; xaaladaha iyo munaasabadaha loo adeegsado. Waxay ii raaciyeen murtida qaarkeed; sida ay bilowgii horaba ku dhalatay.  Arrimahaas, dugsiyadaa loogu dhigay, qaarna deegaan-bulshadeedka carbeed ee ku xeeran bay ka kasbadeen.

     Murtida carbeed ee ay igu dul-aqriyeen caruurtu, qaarkeed, reer-Yaman bay u gaar tahay, iyadoo ay qaarna, kuba sii dhisnayd ; lahjadda loo yaqaan ;"Sancaani" ee u goonnida ah reer Sanca.  Magaalada Sanca, si gaar ah bay taariikh-yahannadu u tixgeliyaan, oo fiira gaar ah bay siiyaan culimada baarta raadadkii hore, maxaa yeelay -sidaan buugaagta taariikhda ku aragnay- waxaa  magaalada Sanca asaaskeedii hore lahaa; wiilkii Nebi-Nuux ee la dhihi jiray;" Saam binu-Nuux", magacyadii hore ee magaaladana waxaa ka mid ahaa ;"Aazaal iyo Saam". Micnaha waxaa mar Sanca loo yiqiin ;"Magaaladii Saam", oo loogu nisbaynayo "Saam binu-Nuux", waana magaaladii ugu horraysay ee aasaasanta ka-dib ;Duufaankii lagu halligay Qowmkii Nuux(Calayhi-salaam).

     Sidaas darteed, wixii Sanca loo nisbeeyo, waxaa loo tirinayaa "asalnimo iyo fac-weyne", waana sababta ay Dalxiisayaasha iyo Taariikh-yahannadu booqashooyinka joogtada ah ugu yimaadaan Sanca, una daawadaan oo wax uga qoraan "raadadka Sancadii hore".

     Markii uu yaabkii i hareeyay oo igu baahay, caruurtaydiina ii sheegi kari waayeen "Maahmaah Soomaaliyeed", kuwa carbeedna ay si xariifnimo ah, isaga daba-geeyeen, baan niyad-ahaan yaqiinasaday ; inuusan fadhi ii oollin, oo ay hawli i sugayso. Waxaana hoos isu-iri;" Fadhi iima yaal...!!", mar haddii ubadkaygii xaaladdooda afka iyo murtidii Soomaaliyeed sidan yahay, waana in aan taas wax ka qabtaa oo aanan  iska fadhiyin.

     "Fadhi iima yaal", inta badan haweenkaa laga maqlaa, oo marka ay arkaan;hawl badan oo u taalla, yiraahda ;" Fadhi iima yaal, Faaduma-rasuule..!!", marka ay maqlaan mid la furayna, waxay yiraahdaan;" Naag la furay fadhi uma yaal, kii furayna, falkiis ku-noqoy".

     Maanta, wuxuusan fadhi u oollin, Madaxweynaha, Barlamaanka iyo Xukuumadda Soomaaliyeed. Wuxuusan fadhi u oollin, Culamaa-u-diinka, Aqoon-yahanka, Soomaalida dibadaha qaxootiga ku ah, kuwa dalka gudihiis ku dac-darraysan iyo ruux kasta oo Soomaali ah oo wax-garanaya. Kulligeen fadhi nooma yaal, haddii la eego, la fiiriyo, la dhugto ama la deymoodo xaaladda guud ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed ee maanta, waxayna u muuqataa;" Cidna uma maqna, ceelna uma qodna".

     Waxaa i hor-yimid Ubadka Soomaaliyeed ee ku dhashay, ku ababay, ku barbaaray, waxna ku bartay dugsiyada dalalka shisheeyaha ee Yurub, Kanada, Maraykan, Afrika iyo meelo kaleba.  Waxaan is-weydiiyay;" Waa sidee xaaladdoodu kuwaasi ?!!. Afkii, Murtidii, Dhaqankii iyo Suugaantii Soomaaliyeedse, xaggee bay kala marayaan ?!!.

     Ma-xuma, balse, wey wanaagsan tahay ; in la barto luqadaha iyo murtida shisheeyaha, dhaqankoodana laga qaato inta wanaagsan, sida; Ingiriiska, faransiiska,Jarmalka, xataa Sawaaxiliga iyo Xabashiga.  Luqadda Carabiga, iyadu way ka sii mudan tahay kuwaasi, waayo ,waxaa nagu xiraya; diin, dhaqan iyo taariikh-islaami ah iyo weliba arrimo kale; Cibaadaysiga qaarkiis ayaa luqadda Carabiga ku dhisan, sida; Salaadda, Xajka, Quraanka..,iwm, hase yeeshee, dhammaan luqadaha kale, waxaa ka sii horreeya, oo loo baahan yahay inay ubadka Soomaaliyeed bartaan; Afkooda hooyo iyo murtidiisa, taariikhda iyo joqoraafika Somaaliyeed..iwm.waayo, waxay salka ku hayaan, dhalashadii,asalkii, deegaankii iyo dadkii Soomaaliyeed. Kalmadda ugu horraysa oo ay ilmuhu bartaanna; waa afkooda hooyo iyo ogaanshaha xigtadooda. Ruuxa Soomaaliga ahi, inuu dal shisheeye ku dhinto ma jecla, hadduu ku dhintana, wuxuu rabi lahaa; in maydkiisa la geeyo oo lagu duugo(aaso) "Soomaaliya".

     Haddaba, dadka Soomaaliyeed ee ay ubadku u joogaan dalalka qalaad, ha ogaadeen; inuusan fadhi u oollin. Intii aynu ku sii jeednay Arrimaha Siyaasadda, jahawareerka guud ee taagan iyo reer- hebel iska riixa, ayaa dhinacyo kale la innaga soo galay, mana fududa ka-gudubka cawaaqib-xumidoodu.  Waxaa dhici doonta; dad asal-ahaan ka soo jeeda Soomaaliya, laakin, kala wata; dhalashada, luqadaha iyo dhaqannada; Maraykan,Kanada, Ingiriis, Finland, Austaralia, Xabashi, Kenya, Carab iyo xataa dalal kaloo aan hadda xisaabta noogu jirin. kuwaaas ayaa maalin ay ahaataba, dalka isugu wada imaan doona.  Waxaa suurowda in loo baahdo turjumaan luqado badan wada yaqaanna, si uu isu af-garadsiiyo dadkaas Soomaaliyeed.  Kariwaanimada kala qaybsanaanta siyaasadeed iyo tan danaysi ee maanta taagan, ayaa la dhihi karaa; iyadaa umushay oo sababtay kala qaybsanaanta dambe ee Af, Murti iyo Dhaqan ee soo wajahan, waxaana loo baahan yahay ; in laga sii hor-tago inta ay wax-ka-qabasho leedahay.

     Haddaba, markaan arkay masiirka afka iSoomaaliyeed iyo murtidiisa, ayay ii caddaatay in uusan fadhi ii oollin, sida uusan fadhi ugu oollin,kuwa ila midka ah. Waxaan bilaabay ,taag iyo tabar meel ay i dhigaanba; in aan ubadkayga daba-qabto, oo waxbarashada dugsiyada ee ay ku jiraan, ugu lifaaqo barashada murtida iyo dhaqanka Soomaaliyeed.  Waxaan u bilaabay ururin maahmaaho iyo murti kale oo Soomaaliyeed, oo aan qormadan ku soo gabagabaynayo, tusaale yar oo ka mid ah;- (1) Baryo badan iyo Bugto badan waa laysku nacaa..(2) Bannaankiisa mare maradiisa geed ma qabsado..(3) Bakhayl xoolihiisa Beenlow baa iska leh..(4) Balaayo madax la qabto ayay leedahay, ee majo la qabto ma leh..(5) Balaayo inta ay gurigaaga ka maqan tahay, guriga walaalkaa bay ku maqan tahay.

    
WQ/ Muxyaddiin Maxamed Kaalmoy  

Email: kalmoi@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: April 1, 2007
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com