SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

MALES RAAC AMA MADFAC

Sharif Yusuf
Sharifsom@gmail.com

Aadamiga  aduunka ku nool   waa isku muuqaal dhinacyo badan ,, balse waa kala nooc dhinaca maskaxda iyo caqliga ,, ragbaa dayaxa  dhul ka iibsanaya si ay  ugga dhoofaan  dhulkan ciriiriga iyo diiqowga badan yeshay ,,, qaarbaa dadkoodii  u soo kireystey  cid u sanduleysa oo u qasabta si ay u xukumaan ,,, argagixasada  la sheegaa ma in la ashahataa ,, oo muslim wanaagsan la noqdo mise waa in  dadkaaga aad u dhamayso  aan idin  xukumo. !!!

Shaqaale gumeysi waa isku sumad

BAQDAAD!!! Waxaa  gacan galiyey  wiilal reer ciraaqa oo aaminsanaa in ay iyagu  noqon doonaan kuwa xukumi doona ,, hadii sadam la eryo ,, xagey manta joogtan ,, maxay se taariikhda uga tageen ,, in ay iyagu  qoomameeyan “ axmed jalabi”  aawey , sharifkii boqortoyada ka soo jeeday xagee  galey ,,  kuwii xukunka kala guurka  xilalaka qabtey  xagaa u damabsyay “ sidan hadaan u maleynayo  ma aanan noqdeen qofka ciraaq eedo ,, waayo dad kala dan ah  ayaa  ciraaq qabsadey”,,,, jalabi ayaa taas ku calaacaley  wareysi uu siiyey al calamiya Tv iran .

“Meel la aadi karo ama nolal ka jirto mahan ,, ciraq ,, xalkuna waxa uu  gacmahooda ku jiraa reer ciraaq ,,” Ibrahim jacfari  ayaa uggu calaaley wriye ka tirsan the timeska London ka soo baxa ,, isku soo duub  ciraaq ragii xukunka qabsadey sadam kadib ,, ayaa manta jeclaan lahaa in ay aduunka meel kale ka tagan si ay u nabad helan. Waayo runtii ayaa la soo tabtey ,, waxayna siyaasiyinta reer ciraaq ku qanceen in mareykan uusan ciraaq nabad kana rabbin kana dhigi doonin  waligeed.Ciraaq waxay mareykanka u tahey meel ugga dhaarto wadamada gacanka ,, kuna handadi karo ,, iiran ,, kana ilaalin karo weliba iran . 

Xamar muxuu haleeyey !!!

Xamar wuxuu ahaa nabad !!! ( u laabo MMI waxay ka tageen taariih !) in badan oo aan nasiib u yeelan in ay arkaan iyadoo nabad ah  ayay u ahayd hami iyo  yididilo fiican oo ay nolashooda ku dabo qabtaan ,, qof kastana waxa uu bilaabey halgan oo ku raadinayo in uu nolashiisa la soo baxo.

Dulaankii huwanta ayaa nabadii u badaley  holac iyo wel wle cusub, waxaase wax caqliga iyo maskaxda  aadanaha ka baxsan ah ,, in manta  taangi itoobiyan xamar garacayo ,,, iyadoo naloo shegayo in uu nabad ka sameynayo,, waa wax somalida sugayey  reer muqdishana nasiib u helan ayan daradan ,, Diyarad muqdisho ka kacday oo isla ayadii gubaysa ,, ma nabad baa lagu sameyn ,,, mise waa lagu bur burin.

Taangiga waxaa leh amxaar waxaase  wata rag foorara oo hamigoodu yahey  kursi iyo boob hantida kuwa ay la dhacayan madfaca, Rag hamigoodu yahey  in ay magac uun watan balse taariikh madow ugga tagey ummada, rabbana in ummadda loo sanduleeyo oo xoogna loogu jujuubo.

mid ka mid ah shaqaalaha subcontract ( main contract waa dolwda itoobiya ,, shaqadana waxaa loo hayaa sheydanka weyn bush ) ka haysta males ayaa sidan u Hadley “Dowladdu waxay  la dagaalamsyaa koox yar oo dowlad diidda oo diidan in magalaadu nabad ahaato”  waan ka rumeysan lahayn  hadii aanan aqoonin taariikhdiisa hore iyo meesha caruurtisi joogan ,, ama aanan maqli laheyn hadalka  wasiirka koowaad “ itoobiya cidii caddow u aragta soomaali wax danteeda ah ma waddo” ,, nasiib daro kalaa dhacdey oo madaxweynihii ayaaba  sidan leh “ waa la laynayaa cidii na diida ,, ama wax naga soo horjeeda la timaadda ”,, xanuun badanaa ,, oo murugo iyo fajac weynaa ummad ayaankeedii  sidan noqdey   sadexdan isma dhaame.

Dowlad kasta oo aduunta tagan waxay wax ku tahey dadkeeda, balse dowlad askar itoobiyan ah in ay wax ku noqoto rabta, waa  ayan daro ,, hadaan soomali nahey  aan nasiib u helnay. waxa qaxaya ama dhimanaya waa Soomali ,, waa ehelkood ,,  waa kuwii ay rabben in ay xukuman oo hantidooda booban ,, oo ay ku masruufaan caruurta yurub iyo w/America daadsan. 

Hal ku kacsi dhamaa !!!!

11 sept 2001 ka dib waxaa aduunka yaalla maschruuc cid kasta oo ummadeeda rabta in u bur buriso ay ka faa’idaysan karto ,, balse masiibadda  haysta ,, mashruuc bixiyaha waxay tahey in lagu fahmey in waxani aysan shaqeyneyn ,, waxaase murugo leh ,, kuwa iyagu ka soo qatey gumeysiga madow ee doonaya in ay walaalahood, iyo wiilashooda ku kursi doontaan ,,,, from shimbiraale to mogdisho  stadium, ayey sheeko ku dhamaatey. Ruuxii dan leh waxa uu sheego ma waayo ,, balse waxaa caaqilku ka fekeraa in dantiisa iyo tan kuwa aadanaha kale la isku ekaysiiyo ,,wadankii waad gacan galiseen waxna  laga xukumaa addis, adinka iyo kuwaad xasuuqeysan Males manta waad u siman tihiin, marka la fiiriyo sidda uu u hadli (malses isagaa la shiri qabiilii uu rabo, cidii uu u arko awood Somalia ka jirta, seyu masfin in xafiiskisa addis balamihihiisa laga qaato  say biyaano isaga sheegay). 

Dowladii kacanka markii ay dhacaysey  oo magaladdii madfac iyo qax ka bilowdey  ayuu madaxweynihii  magacabay gudi soomaalidu u taqaan SULUX IYO MAANA FAYSTO,,Gudigaas oo dhib badan iyo awood dari qabey waxa laga xasuusto taariikhdooda waxaa ka mid ah in nin ka mid ah uu madaxweynihii  oo la duqeynayo  isna wax duqeyna uu ku yiri “ soomaali manta waxaa kala bad baadin kara hadal afkaaga ka  soo baxa  kaas oo ah in aad kursiga ka degdo ,, aadna wadanka ka dhoofto” ninkaas lama dilin ,, loomana caga juqleyn,, arga gixisaad tahey lama dhihin,   raadiyo moqdisho ayey qudbadaas toos uga baxdey ,,, iyadoo video tape ahna waa jirtaa. 

Reer itoobiya (Embagati) waxay manta soomaali ku bad baadin karaan ,, in ay saaxiibadood celiyaan (itoobiya oo dhulka laga saaro) oo ay soomalibaa dhulka iska lehe ee ay soomaali doonan, ogalaaadana runta,ogaadana in taagi korkiis dal laga maamuli Karin

Weli lama arag ,, wadan nabad loo soo dhoofiyey taarikhda aduunka ,, waase la hayaa wadan rabshad loo dhooyey, oo isaga oo nabad ah ciidamo kale galeen ,, nabadiina kala daadshey.

Hogaamiyaha caagilka ah xitaa ha xumaado oo hamigiisu kursi ha ahaadee waa midka shacbkiisa  u naxa, ilaaliyana dhiigooda, balse kii  rabba in ummadda dhan isaga ka hor marto ,,, waxa la weydiin cidda uu xukumi haduu ummaddii xaaqey !!!

Meesha la duqeynayo waa muraayadii  magaca aad watadan ,, dowlad dadkeedii laynasaya , gurihii goobihii wax barashada, isbitaladii madfac u qeybin tolow taas magaceed !!     

Bini aadamka xubnihiisa waxaa uggu wanaagsan uguna sharaf  badan ,, “Qalbiga” haduu isagu wanaag sanaado inta kale waa hareer socon ,, balse haduu isagu  xumaado waa  loo yabaa qofkaa ,, marka reer Emgati qalbiginaa fooraree bal hareerihiina eegga!!!   

Ilahoyow ilaah kale ma jiro adiga mooyeene,, itaal li’dda aadanaha iyo kala awood roonaanta ,, ee ummadaadu I hiili ,,,, aamin  

Sharif Yusuf
Sharifsom@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: April 1, 2007
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com