SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Oktoobareey Xasuuq ayaan kugu Xasuustaa !!

Abdi M.saleiman (mingiste)
Abdi_saleiman@hotmail.com


(cid kasta oo aad Oktoobar doorataan waa idin xasuuqaysaa ee ogaada!!)

                                                                                      03.04.07

Sanadkastaa wuxuu ka kooban yahay 12 bilood oo mid waliba leedahay magac iyo maalmo u gaar ah.Ummadkasta oo dunida ku noolina waxay ku xasuusataa bilahaas siyaabo ka la duwan,qaar ayaa lagu xasuustaa dagaalo,dhibaato badan iyo murugo,qaarna dabaal deg iyo farxad. 
Haddaba ummadda Soomaaliyeed bilaha ay si fiican u xasuusato waxaa ka mid ah Juun iyo July oo ay ku xasuustaan xoriyadii iyo midowgii Somaliland iyo Somaliya ee 1960 .

Bisha Oktoobar ayaa dad badan oo Soomaaliyeed waxay ku saxuustaan,kuna xasuusan doonaan bishii qaxa,dilka,barakaca iyo dowlad cumada.Bishan Okoobar waxay ka dhalatay dalka Soomaliya laba jeer oo kala ah:-

Markii ugu horeysay ayey dhalatay 21 Oktoobar 1969,waxaana loogu wanqalay magaca “kacaankii 21 Oktoobar “ oo malaha dad badani ku xasuustaan Kacaankii habaarka qabay,aniguse aan ku xasuusto burburkii, dhimashadii, dhaawacii, qaxii,, xadhigii, dilkii iyo dhamaan dhibaatooyinkii ummada Somaliland iyo Somaliya u bilowday maalintaas ilaa maanta haysta.

Ka dib xunuun dheer iyo dhaawacyo culus oo Somaliland ka soo gaadhay, ayaa Jan 1991 Oktoobar ku geeriyootay magaalada Muqdisho, waxaana iyadoo cid waliba karahday lagu aasay magaalada Muqdisho,waa la  xusay,waxaana loogu duceeyey in ay sidaa inagu deyso.

Markale ayaa ayey dhalatay dhibaatadii Oktoobar, 10. Oktoobar 2004 kuna dhalatay kuna barbaartay  magaalo madaxda dalka Kenya ee Nairobi.waxaana loogu wan qalay magaca “Dowlada Faderaalka Ku meelgaadhka Soomalya”,mashxarad iyo heesna waxaa ku soo dhoweeyeen ,kuwii awelba ku soo dhoweyn jiray.

Haddana waxaa markale bilowday daadinta dhiiga shacabka Somaliyeed ee aan waxba galabsan,waxaa Muqdisho iyo meelo kale ka bilowda dilkii, dhaawacii, dhicii duqayntii,burburintii iyo qaxii. Dhamaan dhibaatooyinkaasi waa kuwii lagu yaqaanay bisha Oktoobar.

Waxaa xaqiiqo ah in markan Oktoobar ay ka dhibaato badan doonto tii hore ee aynu naqaanay,sababtoo ah,markan oktoobar waxay yeelatay saaxiibo waaweyn oo naf iyo maalba la garab taagan,waana kuwa maanta Muqdisho cir iyo dhulba ka duqeynaya. 

Hadal iyo dhamaan waxaa aaminsanahay waxa xilligan ka socda Muqdisho waa “XASUUQ” loo geysanayo dad Somaliyeed oo aan waxba galabsan,mana jirto cid wax qiil ah u haysaa.

Akhristoow waxaa aad iyo aad u adag in laga hadlo amase faaloodo,waxa Muqdisho ka socda,laakiin waxaan hadalka ku soo xidhayaa erayadii Abwaanka /Qoraaga Ibraahim Yuusuf Axmed (Hawd)

dadka dhiigga laga qubay 
dambar iyo ma dhay baa? 
dulligiyo dhibaatadu 
ma dal horumarkiisaa? 
boqol dhaylo-dubato ah 
ninba kuu ka daran yahay 
maxaa loogu diimaa?

Ummadnimo waxaa dilay 
qof leh dookha bahalaha 
iyo diirka aadmiga 
shalay maatadoox dhigay 
maantana dardaro qaba 
daandaansi badanaa! 
kama daalo godobaha! 

Aan dardaaran kale faro: 
nabarkaad u dagan tahay 
eegmo kuma dawooboo 
boog hadal ma deeqee 
ha ka daato mililkuye 
ka dillaaci qoloftoo 
kula daal wixii dana 

Abdi M.Saleiman(Mingiste)
abdi_saleiman@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Ma Itoobiyaa maanta Loo kala Dheeraynayaa ?

Faafin: April 4, 2007
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com