SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Dadkii Dawlada noqon lahaa Dalkana yeelan lahaa meeye?

Shiikh Abdiraxmaan M. Jibriil 
Jibriil1950@yahoo.com

Dad qaangaaray oo u bislaaday inay gartaan dantooda iyo dan-daradooda ayaa hanta Dal iyo Dawlad. 

Xilka dal iyo dawladnimo waa mid aad u balaaran oo u baahan in loo diyaar garoobo. Caruurta yar-yar oo aan wali qaan gaarin mas’uul kama noqon karaan xoolohooda ee waxay u baahan yihiin cid kale oo qaraabo ama saaxiib ah oo u ilaalisa ama u maamusha. 

Runtii Soomaali uma bislaan mana u tababaran xilka iyo mas’uuliyada dawladnimo, taas oo keentay in dalkii iyo dadkiiba dayacmaan. 

U bislaanshaha iyo hanashada xilka dawladnimo waxay u baahantahay cilmi iyo khibrad. Cilmiga iyo khibradana waxaa lagu gaaraa awood garasho iyo dhaqaale. 

Haddii aysan Soomaalidu lahayn saaxiib gacan qabta oo tababara, qadartuna ka leexisay iyaga iyo kuwa dawladaha tababara oo lacagta siiya (waa gaalda e) sideebay dawlad kunoqon karaan. 

Arrinta aan kari karno haddana aan aadka ugu baahanahay waa inaan garano waxa aan u baahanahay. Waxaan u baahanahay inaan caruurtanada wax barno oo aan taliinta iyo cilmiga qiimayno. Mar haddii aan naqaano waxa aan u baahanahay rajo ayaa jirta inaan helno ama qayb kamid ah helno.

Dhibta wayn waxaa weeye inaanaan ogay ilaa iyo hadda waxa aan u baahanahay ee meesha itaal yaridanadu ka timid. Dhinaca nalooga yimid oo aan ka jabnay waa dhinaca aqaanta. Aqoon la’aan ayaa dalkanagii iyo dawladanadii ku dhuntay.

Cilladkale oo na dhextaala ma jirto. Nacayb, kala duwanaan, kala diin, kala dhaqan, kala luqo, kala qabiil midna ma jirto. Kaliya waxaa jira cadawganaga oo ka faa’iidaysatay aqoon xumadanada oo hadda sugaya inuu dhaxlo dalkanaga iyo khayraadkiisa.

Dawladihii wax gumaystay iyaga ayaa u tababarayay ama u ilaalinayay dawladnimada dad yawgii ay gumaysan jireen. Laakiin Soomaali waxay arkeen inaysan is keeni Karin xaga dhaqanka iyo Diinta, markaas ayay isaga tageen iyaga iyo dawladoodii. 

Hadda oo aan bixinay kharashkii jahliganaga oo aan waynay dal iyo dawlad, waxaa dhib wayn ah inaanaan fahmin meesha nalooga yimid ama waxa sababta u ah dhibaatada nagu dhacday.

Dadka ayaa hanta, maamula dawladooda isla markaasna garta dantooda. Haddii dadku aysan qaangaarin ama aysan u tababarnayn dawladnimada ma hanan karaan. Waa xaalad adag.

Khaladka kala hormarinta aan saxno. Waxaan ka dhignay marka hore Dawlad ka dibna dad ama raaxada dadku ka helaan dawlad nimada. Waan ku khasaarnay Dawlad + Dal + Dad.

Sida saxdaa waxaa weeye  Dad + Dal + Dawlad. Halka ceebtanadu ka muuqatay waa dadkanaga oo aan wax baran dawladnimadana u tababaran.

Dawlad nimadu waa xaalad lagaaro ama loo bislaado. (It is a state of Mind, understanding and maturity.)

Hadda aan u dhigno sidaan. Dad + Dal + Dawlad. Haddii dad tayo leh lawaayo dal lama lahaan karo. Haddii dad tayo leh lawaayo dawlad lama noqon karo. Marka hore waa in la helo ciddii wax mulkin lahayd oo garanaysa sida ay u maamulayso mulkigeeda.

Hadda iyo hor alla aan tacabno dad. Caruurta, wiilal iyo gabdho aan wax barno. Wax barashada iyo fikirka aan ku dadaalo. Laakiin su’aashu waxaa weeye sidee wax loo barikaraa dad aan dawlad lahayn. Dad aan dhaqaale haysan. Fursad iyo daganaan ay wax ku bartaan haysan sidee wax loo bari karaa?

Haddii aan fahamno halka aan ka liidano oo dhibtu nooga timid waxaa dhici karta inaan xooga saarno sidii aan u dabooli lahayn iintaas aan leenahay oo nagu taal. Taas oo keenaysa inaan cuntada iyo guriga ka hormarino tacliinta.

Dalku wuxuu u dayacmay dawladnimadiina u dhuntay dadka ayaan u bislaan inay gartaan waxa ay rabaan iyo waxa danta u ah. Dad aan garan Karin dhibtooda iyo dheeftooda jahli daraadi ayay noqdeen Soomaaliyi.

Soomaaliyey waxaa ku dilay jahli, waxaana ku noolayn kara cilmi iyo wax barasho. Soomaaliyay cadawgaaga iyo kan kula tartamaya kuuma sheegayaan cudurkaaga dhabta ah iyo daawadaada runta ah ee mar walba waxay isku daya yaan inay ku ambiyaan oo kuu diraan meel aan baadidaadu jirin.

Soomaaliyay isku tashada oo garta in cudurkiinu yahay Jahli daawadiinina cilmi iyo wax barasho. Dad, Dad, Dad kahor Dawladnimo iyo xil laqaado.

Shiikh Abdiraxmaan M. Jibriil 
Jibriil1950@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Ma Itoobiyaa maanta Loo kala Dheeraynayaa ?

Faafin: April 4, 2007
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com