SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

GABAY HAGAR ISLAAM

mubashir506@hotmail.com
Mubashir Sheekh C/laahi

Ujeedada gabaygani waa Sida ay Muslimiintu isu hagradeen iyo sida gaalo aysanba u ahayn kuwo xishooda, oo taasi waxaa ku tusaysa dowlada Mareykanka oo sheegata awood badan inay layso dad masaakiin ah oo xoolo dhaqato ah ay misana xasuuqdo ayaga iyo maalkoodaba. Waa yaabe talow ma waxaa lagu heystaa maxaad wadankiina ujoogtaan ? waxaad moodaa in dadka Soomaaliyeed meesha lagu dhibsaday joogitaanka ay joogaan sidaa darteedna dagaal badheedh ah looga tirtirayo dhulkoodii hooyo si loo dhaxlo mustaqbalka dhow.

Meel kastoo aad ka fiiriso waa unsidaa taariikhdu ilaa iyo bariga dhexe ilaa iyo halkan geeska africa ah Muslim unbaa isku hagraday oo iska hiiliyay ee waxani gaalo kuma aysan sameyn karteen umadaha Islaamka ah. Hadii soomaaliya loosoo noqdana dee cid walbaa maanta markhaati ka ah in Soomaali ayada iska hiilisay oo cadow iyo caade qaate isugu yeedhatay.

Gabaygu waa mid wax ka xusaya taariikhda colaadeed ee udhexeeya qowmiyadaha Soomaalida iyo Ethiopia iyo waliba meelo kamid ah oo uu dib ugu laabanayo taariikhdii madowga iyo cadaanka ama Africa iyo gumeystihii reer Yurub. asagoo beydada dhowr ah ka maqanyihiin sababa jira awgood ayay tixdii gaabneyd ee Hagar Islaam tidhi sidan: 

  1. Mirta dirir majiiraha dagaal maagis iyo duulis
  2. Maryo iyo midiyo dhiigleh iyo meyd laguriwaayo
  3. Military hubweynliyo jabhado cadowga meeteeya
  4. Madaafiicda darandoorigiyo mootarro is-heysta
  5. Miinada wax riiqdiyo gantaal miiga lagu tuuro
  6. Maxas iyo masaakiin qaxdiyo maati kala guurto
  7. Maroor iyo lugooyiyo dhibiyo maaro kalawaayis.
  8.  
  9. Maantiyo halkii iyo Gurey baaqyadii Maxamed           ( Imaam Gurey & Sayid Maxamed )
  10. Mudaniyo marwiyo wiilyar iyo duqay maqaawiir ah
  11. Inta magaca soomaaliyeed meel isugu keeno
  12. Iyo Minilik gaaskuu watiyo reer Maryama xeyle
  13. Mudo aanyareyn baa ogow muran dhextaagnaaye
  14. Oo mooska lay sugu jiriyo mool ciriiriyahe
  15. Malkadana rag wada daadsanaa labada meeloode.
  16.  
  17. Markaan Herer mulkinay iyo dalkii la'isku maansheeyey
  18. Kuwii midigta laadlaadiyee muuqday dhabarkoodu
  19. Muqdishiyo kismaayiyo haday maagi baladweyne
  20. Marko iyo haday Jowhar iyo baydhaboba meeri
  21. Mudug iyo hadaad Gaalkacyaba maabka qabadsiisan
  22. Ooy muhatay laabtoodu way malo qasaareene.
  23.  
  24. Malezow nin malagii galoo mootan baadtahay dheh
  25. waxaad naga macaashataana waa mooyi seynoqone.
  26.  
  27. Taariikh maguuraan ah iyo meertadiyo jiilka
  28. Madow iyo cadaan xaajadii laysku mari waayay
  29. Hadii la is maquuniyay kuwii muruqa loosheegtay
  30. Kolkii lays marsaday xeerkanaan moogan soconeynin
  31. Marta inaanan qaayibin xaqaa noo marqaatiyahe.
  32.  
  33. Soomaaliya waxay madi utahay murug aduunyaade
  34. Wax Mareykan nala doonayaa mashaqo weeyaane
  35. Ethiopia waxay magansantaa kay maciin bidaye
  36. Muslim bays hagraday gaalna waa midaan xishooneyne
 
mubashir506@hotmail.com
Mubashir Sheekh C/laahi

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: April 9, 2007

ARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com