SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Cidna uma Maqna Ceelna uma Qodna PUNTLAND

  • Saalax Siciid
    Gudoomiyaha ururka Puntland Aid Service PAS (Denmark)
    Email: abdi65@hotmail.com
    0045 26 56 72 64 


Waxaan salaamayaa dhamaan ummada Soomaaliyeed ee nabad iyo hormarka jecel, si gaar ah REER Puntland oo xaqiiqatan ah dad usoo halgamay dadkooda iyo dalkooda BAARINA u ah.

Qoraalkaan dad soomaaliyeed iyo beel Soomaaliyeed in wax loogu dhimo ama lagu jaa’ifeeyo ma aha ujeedadu. Waxaa wax la layaabo ah in Puntland iyo dadkeeda oo lagu yaqaanay ineey soomaalida u horseedaan nabad, ilbaxnimada iyo hormarka eey aad ugu hungoobeen wax loogu yeero maamul ku sheega uu hogaamiyo ninka magac ahaan Puntland madaxweynaha u ah. Ma jecli inaan cidna wax u dhimo, ama hadal qadaf ah iraahdo. Qoraal waxaan ugu dan leeyahay waa dhaliil wax lagu saxayo. Eeba kitaabkiisa wuxuu ku yiri (FADAKIR FA INA DIKRAA TANFACU MU’MUNIIN) nabi aloow umada cabsida eebe xasuusi waa intaasoo ee ku waano qaataanee.

Waxaa wax lala yaabo ah ayadoo laga joogo curashadii DGPL muddo 9 sanadood ah in ilaa hada wax adeeg ah oo la xasuusan karo in bulshada reer Puntland eeysan ka fa’ iidin haba yaraatee. Maamulka Puntland xataa cariish uu ummadda u dhisay ma sheegi karaan, iska daaro iyo mashruuca waa weyn sida riyada Batroolka!!!!.

Miisaaniyada Puntland waxaa qiyaastii lagu sheega ilaa 32 milyan oo USD, lacagtaa badankeeda waxeey kasoo xarootaa dakada, airpoorada, baraha kontoroolada, iyo tan ganacsatadu bixiso hase ahaatee waxaa nasiib daro ah in xoolahaas laga soo aruuriyay xalaal miiratada iyo xoogsatada, hooyooyinka caanaha suuqyada ku gado, laguna xukmay canshuurtii dulsaar badan daalin xeradii aan habayaratee cidna wax loogu qaban.

Waxa Puntland ka dhaco ee boob xoolaha dalka waa wax lagu qoslo, hase ahaatee murtidu waa ka weyntahay in la qoslo. Waxaa kula talinayaa maamulka fadhiidh ah in eey u hogaansamaan rabitaanka shacabka, hadii xaaladuna sidaa kusocoto ee dhici doonto in reer Puntland ee sameeyaan kacdoon xuquuq raadis ah. Waxaa haboon in maamul ku sheegu uu si wacan u dhageysto guuxa dad weynaha REER Puntland, gaar ahaan danyarta xalaal miiratada ah.

Maamulka Puntland ka taliyo wuxuu dadweynaha ku maaweeliyaa dalka waxaan ka hirgalineynaa Mashaariic hormarineed iyo shidaal qodid!!! xaqiiqatan waa wax lagu maadeysto. Ninbaa yiri ma anaa waalan mise cadanbaa laga heesi, qof walboo caqli u saaxiib ah wuxuu ogsoon yahay in maamul ku fashilmay inuu xataa iskuulo dhiso, ama howlihii yaryaraa ee dowlada hoose uu hirgaliyo, dal aan xataa amnigiisa la sugin, waxbarasho iyo caafimaad wax ku ool ah la heyn, qorshe magaalo, iyo mashaariicada ilaha dhaqaalaha warkood daa. See ku dhici kartaa in dad shisheeye u maal gashto.

Dadka waxaa kaloo lagu maaweeliyaa in wufuud dalal kale ka yimaadaan si Puntland u maal gashtaan runta naxdinta leh waxaa weeye in ragaa wufuud lagu sheegayo eey yihiin rag dano gaar ahaaneed qolyaha maamulka majara u hayo ka leh. Waxaan intaan sheekooyin mashaariicada Puntland la soconay baranay rag badan oo kala magacyo iyo mudabo duwan sida MUDANE dulaal TERRY, maantana waxaa la hadal hayaa AL-JAABIR. Arintuba waxeey kusoo koob meeysaa qowda ma qashii waxna ha u qaban.

Maamulku intuu jiray waxaa uu dadka u balan qaaday doorashana ku galay inuu dalka hormarin doono 2-3 sano ee ugu danbeysay magaalooyinka waa weyn ee PUNTLAND waxaaa la hadal hayay mashaariicda hoos ku qoran oo runtii hadii la fuli lahaa wax ku ool ahaan lahaa dadweyne badan shaqooyin iyo dhaqaale ka heli lahaa: 

  • Mashruuc dhisme garoon caalami ah magaalada Garoowe (Ma hayo mana sugaayo)
  • Mashruuc dhisme gagida dayuuradaha Boosaaso (Ma hayo waxaa aan hal daar ahey, inta kale ha sugin)
  • Mashruuca dhismaha wadada Laascanood-Buuhoodle (Mahayo mana sugaayo)
  • Mashruuca hormarinta caasumada
  • Mashruuc wadada lafo-goranyo ee isku xirta magaalooyin badan oo gobolka bari ah (Ma hayo mana sugaayo)
  • Mashruuc wadada wadaagsiin iskuna xirto galkacyo-garacad (Ma hayo, mana sugaayo)
  • Mashruuca wadada Eyl-Garoowe (Ma hayo mana sugaayo)
  • Mashruuc dib u habeynta wadooyin isku xira Galkacyo-Bosaso iyo garowe-Laascanood (mahayo mana sugaayo
  • Mashruuca dajinta qorshaha magaalooyinka (Ma hay mana sugaayo) 

Akhristaha sharafta leh waxaan u sheegayaa intaa tahay tiro aad u yar marka loo eego mashaariicda maamulka dad u balan qaaday amaba looga fadhiyo inuu fuliyo. Intaa waxaa dheer in musuqmaasuq aad ugu baahay Puntland gaar ahaan maamulka ciidanka, iyo waaxyaha kale duwan ee heyada dowlada magac u yaalka ah. Waxaa haba yaratee jirin wax dowlad lagu sheegi karo, wax mushaar ah askartu ma qaadato, wax adeegyo ah oo dadweynaha loo qabtaa haba yaratee ma jiraan.

Mudanayaasha wasiiradaha waxeey kulmaan oo wada qaxweeyaan maalinka khamiista shirka golaha wasiirada is bariidin, dhaleeceen, iyo in munaasabado lagu balamo ma dhaafsiisno. Waxaa shaki ku jirin u maamulka Puntland u bilad sharaf ku muteystay soo dhaweynta DULAALIINTA iyo xodxodashada heyadaha caalamiga ah, iyo sidoo kale ka hadlida munaasabada iyo jeedinta qudbooyinka. Waxaase wax laga naxo ah in agaasimka madaxtooyada PUNTLAND eey ilaaween dib u habeyn iyo asleynta hoyga madaxweynaha iyo wasaarada ileen waa ishii dalkee, iyo goobihii DULAALIINTA lagusoo dhaweynayee.

Gabagabadii waxaan cid walbo oo Soomaaliya xasuusinayaa inaan ahay nin Soomaali dhalad ah, una dhashay deegaanka Puntland cidnana ugu tuhmi karin nin naceyb qabiil u qaba maamulak Puntland, isla markaana aheyn nin is qarinayo ama cid ka baqayo. Waxaan lee yahay shacabka BAARIGA ah ee reer Puntland CIDI UMA MAQNA CEELNA UMA QODNA ee ka tashada AAYIHIINA 

Waxaa diyaariyay

Saalax Siciid
Gudoomiyaha ururka Puntland Aid Service PAS (Denmark)
Email: abdi65@hotmail.com
0045 26 56 72 64 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | April 12, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com