SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

Qaarka mid ah gabdhaha ku nool east ham ama Bariga London oo deeq lacageed soo gaarsiiyay dhawacyada ku jira isbitaalda madiina iyo banadir

Maxamed Qaali Cali oo taleephonkiisa gacantu uu yahay 002521/5561742 iyo Fahmo Ibraahin Cabdi ayaa u qeybiyey isbitalka Madiina iyo isbital Banaadir bukaano ku sugan oo la il daran dhaawacyo ka soo gaaray dagaaladii dalka mudooyinkii ugu danbeeyey .

lacag gaareyso Konton Milyan oo shillin Somali ah oo u dhiganta ($3000 Dollar-ka) Mareykanka oo shirkada Qaran ay soo dhigeen gabdho muwaadiniin Soomaaliyeed ah diiday in magacooda la xuso sababo ay ku sheegeen in ay hor ilaahay ula baxeen.

kuwaasoo ku dhaqan Bariga magaalada London ee dalkaasi Ingiriiska, waxayna gabdhahan ku sadaqeysteen lacagtan, oo loogu tala galay in loogu deeqo dadka dhaawacyada qaba ee ku jira Isbitaalada Madiina iyo Banaadir. 34 milyan in ka badan ayaa loo qeybiyey dadka ku jira isbitaalka madiina halka banadirna la gaarsiiyey inta soo hartey oo ka badan 16 milyan oo shililin

Bukaanadan ayaa isugu jira kuwo aad u liita oo qaarkood ay koomo ku jireen iyo kuwo ka soo reynayo oo isugu jira Da’walbo iyo dabaqad kasta waxeyna ka koobnaayeen qeybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed iyada qofiiba la siiyey 300 kun shilin qarna la siiyey laba boqol kun shilin somali halka kuwa rona la siiyey 100 kun walow ayba sidaa u sii badneyn .

Intii aan ku guda jirney howsha qeybinta lacagtaan gaareyso Kontonka Milyan ayaan dadkii halkaa aan kula kulanay waxaa aad ka dareemeysay wajiyadooda sida ay ugu faraxsanyihiin deeqdaan lacageed ee walaalaooda gabdha reer East London ama Newham ay ugu tabaruceen.

Dhaawacyadaan ayaa waxay kala ahaayeen kuwo ka liita xaga dhaqaalaha oo aan iska bixin karin Raajada iyo Raashinka iyo waxyaabaha Daruuriga ah qaarkoodna aan cidi la joogin oo uu isbitalku xanaaneeyo raashinkana loo Qaaraamo.

Dhaawacyada liita waxaa ka mid ahaa wiil yar oo lagu magacaabo Barre Aadan kana mid ahaa dadkii uu dhaawacu ku soo gaaray xaafada Xararyaale kaas oo ka go’ay lugta bidix isla markaana dhaawac uu ka soo gaaray gacanta bidix iyo feeraha Barre Adan intaa waxaa u sii dheeraa nooca dhiigiisa oo laga waayey isbitalka dhaqaalena aan heysan ayaa nin aanan garaneyn ugu deeqay dhiig noociisa oo kale ah si mutadawacnimo ah wiilkani wax dhaqaale ah kuma heysto isbitalka wax ehel u ahna lama joogin.


Sidoo kale dadka xubnohoodii waayey wey badnaayeen waxaase ka darnaa Sheekh Mursal Macalin Yuusuf oo baraleys ah mudo 3 bilood ah ka dib markii ay dablay isbaaro u taalo degaanka Daynuunay oo Baydhabo u dhow ay Rasaas la beegsadeen gaari uu la socday taas oo sababatay in uu ka jabo labada Sinood iyo Bowdada lugta midig iyada oo xabadi kaga dhacday kaadi heysta ay wax yeelo u geysata kaadimareenka.

Dadkii aan halkaa ku soo aragnay lagama wada sheekeynkaro waxaanse ka xusi karnaa marka laga soo tago kuwa koomada ku jira Ciise Maxamed Adan oo ku dhaawacmay xaafada Shiirkole maalintii diyaarada lagu soo riday magaalada Muqdisho,

Ciise hada waxaa ku kacday Teetano ka dib mudo sadax cisho ah markii uu ku jiray isbitalka isagoon miyir laheyn ma kala ogo waxaana la geeyey qol mugdi ah xubnihiisiina waxay ahaayeen kuwo aan isku laabneyn oo qalalay.

Dadka dhaawacyada qaba ayaa dhamaantood waxey ahaayeen kuwo u baahnaa deeqdaan lacageed hal qof mooyee oo isagu diiday in uu qaato balse loogu kordhiyey qof kale oo dhinaciisa jiifay oo u baahnaa gargar noocaan oo kale .

MUUSE MAXAMUUD JISOW
somali39@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | April 12, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com