SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KISMAAYO

  • Guddiga Soo celinta hantidii Qaranka oo Kismaayo ka howlgelaya...
  • Maxkamad Kismaayo oo Xukun Mag Bixin ah ku ridey nin lagu eedeeyey dilkii Taliyihii Hoe ee Sandhigga Booliska Kismaayo

Guddoomiyaha Guddiga Hantida Qaranka

Gudoomiyaha Maamulka gobolka Jubbada Hooose ilyaas Badal Gaboose waxaa uu magcaabay gudiyo loogu talagaylay in ay dib gacanta dowladda ugusoo celiyaan hantida qaranka ee dowladii hore ee Soomaaliya si dadka dagan loogu baneeyo oo dowladuna ay ugu shaqeeyso.

Maxamed Ibraahim Axmed oo ku magacdheer kismaayo oo gudigaani gudoomiye loogu dhigay ayaa waxaa uu sheegay in maalmahan soo socda ay howlahooda ka bilaabi doonaan kismaayo gudaheeda iyo nawaaxigeeda isagoo sheegay hadii dadku ka dhaga adeegaan baneenta goobihii hore ee dowliga ahaa ay talaabo ka qaadi doonaan ciimada xooga dalka ee kismaayo ku sugan waxaana lagu wadaa in maalinimada Axada ay gudigaani shaqo bilaabi doonaan.

Dhinaca kale maxkamda gobolka j/hoose ayaa Sabtidii xukun mag bixin ah ku riday eedeeysane lagu eedeeyay inuu ka danbeeyay dilkii allaha inaxariistee taliyihii hore ee saldhiga booliska kismaayo cabdi maxmed c/dille cabdigaab oo bishii March 18keedii muran soo kala dhexgalay isaga iyo qaarkamid ah ilaadaiisa taasoo keentay ilaa markii dambe oo arintu ay gaartay in ay rasaas is weedaarsadaan ilaalada iyadoo markii dambana rasaastu ay haleeshay xiligaasi taliyhii saldhiga boliska kismaayo oo goobtaasi ku nafbaxay.

Sabtidii markii maxkmada la horkeenay eedeeysnaaha oo layiraahdo kaahiye c/guure maxkamadu ay ku xukuntay diyo gaaraysa boqol halaad oo Geel ah waloow arinataas si ween ay oga biya deedeen wiilashii uu dhalay taliyaha oo dalbadayi in ninkaas la toogto.


Qoe: Aadan Maxamed Salaad
aadankismaayo@hotmail.com

 

Faafin: April 14, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com