SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BAAQ

 
BAAQ CAMBAAREYN AH EE KA SOCDA WAXGARADKA IYO AQOONYAHANNADA ABGAAL, KANA JAWAABAYA DHACDOOYINKII HOTEEL LAFAWEYNE 

Waxaa wargaradka beesha Abgaal ee ku nool Europe iyo Waqooyiga America aad uga xunyihiin in uu duubka Hiraab Imaam Maxmud Imam Cumar googol la fariisto isla markaasna taageero siyaasadda shaqsiyaadkii bixiyay amarkii ciidamada Ethiopia ku xasuuqeen kuna barakiciyeen maatida iyo dadweynaha reer Muqdisho, taas oo loola jeeday in sumcaddiisa lagu dhaawaco, lagana saxiixdo in uu raalli ka ahaa dhibaatadii foosha xumayd ee ka dhacday Muqdisho, lana ogyahay in xasuuqaasi laga cambaareeyay dhammaan adduunweynaha, gaar ahaan Midowga Europe. 

Waxaan duubka Hiraab ugu baaqeynaa in uu raalli gelin ka bixiyo falalka cadawtinimo ee horseedayo colaad beel gaar ah loo qabo. Sidoo kale waxaan si gaar ah imaamka ugu soo jeedineynaa in uu googol raalli gelin u fidiyo walaalaha Habargidir iyo guud ahaan beelaha Hawiye si loo abuuro jawi wadahal oo kalsooni ku dhisan. 

Waxaan hubnaa in beesha Abgaal leedahay odayaasheedii sharafta lahaa ee weligoodba dhawri jiray midnimada iyo nabad kula noolaashaha walaalahooda kale oo ay wada degaan, ayagana waxaan si gaar ah ugu adkeyneynaa in ay hor istaagaan sharaf darrada ay kuwa iimaan laawayaasha ah beesha u horseedayaan. 

Waxaan halkaan ka cadeyneynaa in caadaqaatayaasha, daneystayaasha aaney matalin wakiilna ka ahayn kuna hadli karin magaca beesha Abgaal.  

Annaga oo ka xun waxaan raalli gelin ka bixineynaa erayadii colaadeed ee ka soo yeeray damiirlaawayaasha ku shiray Hotel Lafaweyne, waxaana halkan ka cadeyneynaa in hadalladaasi ahaayeen ra’yi shaqsi oo aan ka tarjumeynin fikirka beesha Abgaal.  

Waxaa is weydiin mudan sida ay suurtagal ku tahay in taageerayaasha dawladda Ethiopia ay marna beelaha Soomaaliyeed ugu baaqaan  shir dib u heshiineed marna ay ugu baaqaan colaad iyo in beel beelaha ummadda Soomaaliyeed ka mid ah la xasuuqo?

Waxaan soo jeedineynaa in dibuxureynta dalka ay tahay waajib muqaddas ah oo saaran qof kasta oo Soomaali ah, sidaa darted, waxaan guurtida Hawiye ugu baaqeynaa in ay ku soo dhoweeyaan halganka dib u xureynta cid kasta oo Somali ah, oo aan qadiyadda la marin habaabinin lagana dhigin dagaal beeleed sida ay ku haminayaan taageerayaasha Ethiopia. 

Waxaan si farxad leh u soo dhoweyneynaa una hambalyeyneynaa dhismaha Golaha Midnimada iyo Badbaadada Mudulood ee looga dhawaaqay magaalada Muqdisho, annaga oo u rajeyneyno in ay shacabkooda iyo guud ahaan shacabka soomaaliyeed dhibaatada ay badeen daneystayaasha xirfadda ka dhigtay kala qoqobka ummadda una diiday nabad iyo horuumar 16kii sano ee la soo dhaafay.  

Ugu dambeyntii waxaan TACSI  murugo leh  u direynaa dhammaan dadkii ku geeriyooday madaafiicdii ay soo tuureen ciidamada Ethiopia ee ku sugan mgaalada Muqdisho, waxaan Ilaah uga baryeynaa in uu naxariisti janno ka waraabiyo, sidoo kale waxaan Ilaah uga baryeynaa in uu caafimaad degdeg ah siiyo dadka ay dhaawacyadu ka soo gaareen xasuuqyada. 

Baaqan oo ay ku saxiixnaayeen 87 ka tirsan waxgaradka, waxaa lagala xiriiri karaa:

Dr Abdirahman Ahmed
somaleg@aol.com

Faafin: SomaliTalk.com | April 16, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com