SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii: Apr 20, 2007

  • Qarax lala beegsaday Xarun ay ku sugnaayeen Ciidamada Itoobiya
  • Dagaal Xooggan oo ka dhacay Muqdisho
  • Gaari Militari oo Laga Qarxiyey Ciidanka Itoobiya
  • Dil Loo Gaystay Mid Kamida Darawaliinta Gaadiidka Dadweynaha Ee Basaska Isaga Kala Goosha Wadajir Ilaa No-4 .
  • Issimada gobolada Nugaal , Sool iyo Cayn oo kulan ay ku nabadaynayaan beelaha ku dagaalamaya Cagaare uga furmay hoolka Shirarka PDRC ee Magaalada garoowe .

Qarax lala beegsaday Xarun ay ku sugnaayeen Ciidamada Itoobiya

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in qarax gaari lala beegsaday xarun ay ku sugnaayeen ciidamo Itoobiyaan ah oo gaaraya boqolaal, xaruntaas oo ku taal cirirfka magaalada Muqdisho.

Axmed Maxamed Shardi, oo ah dareewal wadey gaari bas ah, waxa uu sheegay in uu arkay in gaari ka dambeeyey uu ku leexday meel xarun u ah ciidamada Itoobiya oo 30 mile Koonfur ka xigta Muqdisho, kaddibna uu gaarigii qarxay.

"Qiiq badan ayaa aagga qariyey," ayuu yiri Axmed Maxamed Shardi oo khadka telefoonka kula hadlay hay'adda wararka ee AP, waxana uu intaas ku daray "Aniga iyo dadkii rakaabka ahaa ee baska saaraa waa argagaxney. Ma garanayn meel aan aadno."

Wararku waxa ay sheegeen in halkaas oo xarun u ahaan jirtey ciidamadii Qalabka sidey ee Soomaaliya 16 sano ka hor, in hadda gudeheeda sida caadiga ah ay ku xereedaan toban gaari oo ah nooca pickup ah oo ay saaran yihiin qoryo culus, waxa kale oo xaruntaasi ay hadda ku qalabaysan tahay qoryaha uu ka dhaco hubka culusi, ayey tiri AP. [Waa xaruntii ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ee ku dhow Ex Control Afgooye.]

Salaad Cali Jeelle oo ah ku xigeenka wasiirka Difaaca DFKMG waxa uu qaraxa gaariga ku eedeeyey Al-Qaeda, waxana uu sheegay in dadka dhintay ay yihiin oo keliya kuwii gaariga saarnaa. Laakiin Aljazeera waxay sheegtay in dad goobta ka ag dhowaa ay arkayeen askar itoobiyaan ah oo dhaaca ah. Warka Aljzeera waxa uu intaas ku daray Boqolaal Itoobiyaan ah ayaa halkaasi xarun u tahay.

Dagaal Xooggan oo ka dhacay Muqdisho

Dhanka kale waxaa kale oo Khamiistii magaalada Muqdisho ka dhacay dagaal aad u culus oo aan si rasmi ah loo ogeyn inta dad ah ee ku dhintay.

Hay'adda AP waxay werisey in dagaalkii Khamiistii ee dhexmaray ciidamada Itoobiya iyo kooxaha Muqaawada in uguyaraan 12 qof ku dhinteen.

Axmed Warsame oo ah Ganacsade waxa uu sheegay in uu maqlayey madaafiic ku soo dhacaysey dhanka Koonfor-Galbeed ee Magaalada. Waxana uu intaas ku daray in uu arkay siddeed qof oo meyd ah oo dariiqa yaal.

C/laahi Xasan Cali oo ah arday dhuigta Jaamacadda waxa uu sheegay in madaafiic kusoo dhacayeen Guryaha dhanka Woqooyi-Bari ee magaalada Muqdisho. Waxana uu sheegay in uu afar meyd ah ku arkay hal guri.

Gaari Militari oo Laga Qarxiyey Ciidanka Itoobiya

Dhanka kale waxaa qarax lala beegsaday gaari militari oo ay leeyihiin ciidamada Itoobiya oo marayey cirifka magaalada Muqdisho.

Qof joogey aagga gaariga lagu qarxiyey waxa uu sheegay in uu maqlay gaari Itoobiyaan ah oo qarxay kaddib markii uu dhaafay meel farmashiye ah. Gaarigaasi waxa uu ka mid ah labo gaari oo sidey ciidamo Itoobiyaan ah oo kusii jeedey dhanka koonfureed ee Soomaaliya.

Yuusuf Cusmaan waxa uu sheegay in uu arkay gawaaridaas Itoobiya oo sii dhaqaaqaya, laakiin daqiiqadoo gudahood waxa ay maqleen qarax, waxayna arkeen hal gaari oo holcaya. Waxana uu sheegay in uu u malaynayo in dhammaan askartii gaarigaas saaraa ay dhinteen.

Cali Xuseen Maxamed, oo dariiqa wax ku gada, waxa uu AP u sheegay in uu arkay 10 askari oo Itoobiyaan ah oo dhaawac ah oo dariiqa yaal.

Yuusuf Osmaan waxa uu sheegay in markii qaraxu dhacay uu askartii saarnay gaariga labaad ee Itoobiyaan ahay rasaas ku fureen gaari bas ah oo meesha marayey waxana uu sheegay in uu arkayey laba qof oo dhaawacmay, laakiin ma sheegi karin dadkii baskaas saaraa in ay qaybi dhimatey iyo in kale.

Dhinaca kale ee magaalada qof hay'adda AFP waxay sheegtay in qof ka ag dhowaa uu sheegay in siddeed qof ay dhinteen kaddib markii madfac ku dhacay meel boosteejo ah oo basaska laga raaco oo ku taal koonfurka magaalada.

Dagaalkii Bishii Maarso ee sannadkan ee ka dhacay Muqdisho waxaa lagu qiyaasay in ay ku dhinteen 1,000 qof, sida ay sheegtay Aljazeera.

Hay'adda AP waxay sheegatay in ciidamada Itoobiya intii ay soo galeen Soomaaliya in ay dagaalada ku dhinteen boqolaal qof.

Hay'adda Qaramada Midoobey qaybta u qaabilsan qaxootigu waxay sheegtay in ilaa bishii Febraayo ee sannadkan in Muqdisho ay ka qaxeen dad lagu qiyaasay 200,000 oo qof.

Itoobiya oo Loo Sheegay in ay Soomaaliya ka baxdo, haddii kale waxay la kulmi doontaa Dagaal aan hore loo arag


Sheikh Shariif, Sharif Xasan, Xuseen Caydiid oo ka hadlayey shir saxaafadeed, Casmara, Eritrea, Apr 18, 2007

Itoobiya waa in ay ka baxdo dalka Soomaaliya si degdeg ah haddii kale waxay l akulmi doontaa "dagaal aan ciidan is hortaagi karin", waxaa digniintaas Arbacadii bixiyey saddex hoggaamiye Soomaaliyeed, sidaas waxaa warka ku bilowday hayadda AFP.

Saddexdaas hogaamiye  waa xubin sare oo ka mid ah Maxkamadaha Islaamiga Sheikh Shariif Sheikh Axmed, iyo Sharif Xasan Sh. Aaden guddomiyihii hore ee baarlamaanka DFKMG iyo Xuseen Caydiid oo jago ka haya Dawlada FKMG ee Soomaaliya, kuwaas oo kulan ku yeeshay caasimada Eritrea.

Xuseen Caydiid waxa uu sheegay in Soomaalidu u midoobi doonto ka soo horjeedsiga ciidamada Itoobitya ee ku jira Soomaaliya.

"Ilaa hadda waxaan isku deyeyney wadahadal in aan kaga saarno iyaga laakiin haddii ay wadashaqaynta diidaan... wax kasta dhinac ayaan dhigeynaa si aan Itoobiya annagu u saarno" ayuu yiri Xuseen Caydiid oo warfidiyeenada la hadlayey.

"Boqolkiiba 10% wax ka yar oo ciidamadaya ah ayaa hadda la dagaalamaya Itoobiyaanka. Waxaan idiin sheegayaa in wax ciidan ah oo is hortaagi karaa aysan jirin waxa soo socda," Ayuu yiri Xuseen Caydiid.

Dil Loo Gaystay Mid Kamida Darawaliinta Gaadiidka Dadweynaha Ee Basaska Isaga Kala Goosha Wadajir Ilaa No-4 .

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com

Mid kamida darwaliinta wada baaburta mini buska ee gaadiidka dadweynaha ayaa maanta ciidamada dowlada kmg ah ee ka howl gala KM-4 ay ku dileen deegaankaas .

Dilkan ayaa sida la sheegay waxaa uu dhacay wadada isku xirta xaafada buulo xuubey oo ka tirsan degmada wadajir iyo inta u dhaxaysa km-4 oo dhowaanahanba ay xiisado colaaded ka taagnaayeen oo u dhexeeya xoogaga muqaawinada iyo ciidamada huwanta ee dowlada kmg ah iyo kuwa Ethiopia .

Sidoo kale wadada isku xirta degmada wadajir ilaa KM-4 ayaa ka go,an agagaarka hotel saxafi ,waxana gooyey kadib markii dhowaan ciidamada dowlada kmg ah ee ka howl gala halkaasi lagaga diley labo kamida askarta dowlada oo la shegay inuu ku jiray sarkaal , islamrkaana ay ka howl galeen cidamada dowladu isla goobahaas kuna baabiyeen boqolaal meheradood oo kasamaysnaa jiingado iyo al-waaxyo.

dilkan ayaa sida ay xaqiijinayaan goob joogayaal ku sugnaa goobta dilku ka dhacay ay sheegeen in baaburkaas ay istaajiyeen ciidankaasi islamrkaana mid kamida ciidanka dowladu uu darawalkii soo dejiyey halkaasna ku toogtey .

Ma jiraan warara kale oo dheeraad ah oo kasoo baxaya ninka darawalka ah ee lagu diley isla goobtaasi ,balse waxay la xaqijinaya inay toogteen ciidamada dowlada kmg ahi.

Xaalada colaadeed ee ka aloosan magaalada muqdisho ee u dhaxaysa xoogaga muqaawinada iyo ciidamada huwanta ah ee dowlada kmg ah iyo Ethiopia ayaa marba marka kasii dambaysa sii kululaanaysa iyadoo ay ku dhex baaba,yaan dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.

Mid Kamida Gawaarida Ciidamada Ethiopia Oo Lagu Gubay Wadada Isku Xirta Afgooye Iyo Muqdisho.

Qarax xoogan oo uu ku shuf beelay gaari Uraal ah oo ay saarnaayeen ciidamo Ethiopian ah oo mararayay agagaarka jaamacadda Lafoole ee degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose oo gaystay dhimasho dhaawacyo daran ayaa ka dhacay deegaanka jamacdii hore ee lafoole oo ku taala wadada isku xirta afgooye iyo muqdisho .

Qaraxaan ayaa waxaa la sheegay inuu ahaa mid aad u xoogan islamrkaana uu ku baaba,bay gaarigaas oo ahaa nooca Uralka ee qaada ciidamada xukumada Ethiopia ,inkastoo si rasmi ah aan loo ogeyn dhimashada iyo dhaawaca gaaray ciidamada Ethiopia ,balse dad goob joogayaal ahi ay sheegen inaysan waxba ka baxsan qaraxan oo ahaa mid xoogan .

Qarxaaan ayaa markii uu dhacay ka dib ciidamada Ethiopia waxa ay rasaas ku fureen gaari caasi ah oo wadada marayey islamrkaana ay saarnaayeen dad rayid ah, iyadoo rasaastaasi ay dhaawac u geysatay dad rayida islamrkaana lagu sheegay inay dhaawacyo kasoo gaareen 4- ruux oo ay kamid ahayd gabar yar oo da,deeda lagu qiyaasay 2-sano .

Dhinaca kale deegaanka u dhexeeya afgooye iyo muqdisho ayaa waxaa daadsan dadka rayidka ah ee ka barakacay dagaalada magaalada muqdisho kuwaasoo qaarkood aysan haysan wax hooy ah oo ay ka galaan roobabka gu,ga oo bilowday xiligan islamrkaana ay saamayn kale ku yeelan karto hadii dagaalo kale ka dhacaan deegaanada loo barakacay ee wadada isku xirta afgooye iyo muqdisho .

Baabuur Nooca Ciidamada Ee Qorayaha Xambaara Oo Ka Baxsaday Dowlada KMG Oo U Galay Dhinaca Xoogaga Kacdoonka Wada .

maalinki shalay ahayd ayaa waxaa ciidamada dowlada kmg ah si lama filaana uga baxsaday gaadhi nooca ciidanka ee qoryaha xambaara oo u saaran yahay qoriga zu-ga islamrkaana ay saarnaayeen ciidan lagu qiyaasay ilaa 50-askari .

baaburkan oo sida wararku sheegayaan ahaa nooca loo yaqaano TM-ka ayaa ka baxsaday ciidamada dowlada kadib markii dagaal xoogan oo socday mudo kooban oo saacad ka yar uu ka dhacay agagaarka degmada wardhiigley ilaa , shibis ilaa garoonka studyow muqdisho oo ahaa goobihii ay habeen hore la isku fara saaray.

Sidoo kale ilaa 3- hoobiye ayaa kusoo dhacay xalay maqribnimadi suuqa Bakaaraha, oo laga cabsi qabo inuu hadii u dagalku sii socdo inuu suuqa weyn ee bakaaraha inuu saamayn ku yeesho .

Gaarigaan uu saaran yahay qoriga Zuu-ga ah ayaa si wayn u soo dhaweeyeen kooxaha la baxay xoogaga wax iska caabinta wuxuuna ka soo degtay taalada Sayidka oo fariisin u ahayd ciidamo kas tirsan dowlada kmg islamrkana uu si xoog ah kusoo maray , waxaana dhoola-tus ahaan loosoo marsiiyay qaar ka tirsan wadooyinka waaweyn sida wadada Wadnaha, 30ka iyo Warshadaha.

Goosashada gaarigaan qorigu saaran yahay iyo ciidanka wata ayaa si weyn looga dareemay magaalada muqdisho ,iyadoo aysan jirin wax masul ah oo ka tirsan dowlada kmg ah oo ka hadlay arintan lama filaanka ah

Si kastaba ha ahatee xaalada coladeed ee u dhaxaysa kooxaha la baxay xoogaga kacdoonka wax iska caabinta iyo ciidamada xukumada ethiopia ayaa cirka isku sii shareeraysa marba marka kasii dambaysa taasoo laga cabsi qabo inay dhacaan dagaalo kale oo lagu hoobto .

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com


Issimada gobolada Nugaal , Sool iyo Cayn oo kulan ay ku nabadaynayaan beelaha ku dagaalamaya Cagaare uga furmay hoolka Shirarka PDRC ee Magaalada garoowe .

19,April 2007-Garoowe

Xarunta Cilmi Baarista Puntland ee PDRC ayaa maanta waxaa ka furmay shir ay iskugu yimaadeen Issimada gobolada Nugaal , Sool iyo Cayn shirkaasoo ay Issimadu ay ku doonayaan in ay ku heshiisiiyaan beelaha dhawaan ku dagaalamay deegaanka Cagaare.

C/laahi Ciise Aw-axmed Guddoomiyaha gobolka Nugaal , ahna Af-hayeenka Kulankaan Nabadeynta Beelahaan ayaa saxaafada u sheegay sida uu ahmiyada u leeyahay kulankan , wuxuunta tilmaamay in ay iyagu leeyihiin farsamada balse ay hawsha ay hormuud ka yihiin Issimada gobolku.

Hawshan qabanqaabadeeda ayaa waxaa wada 17 Xubnood oo ay ka mid yihiin Wasiirada Waxbarshada iyo Qorshaynta Axmed Siciid Aw-nuur iyo Cabdi Salaad , Maamulka gobolka ,Aqoonyahan iyo Odayaasha deegaanka.

Kulan horudhac ah oo xalay lagu qabtay PDRC ayaa Issimada ka yimid Sool iyo Cayn si wayn loo soo dhaweeyay , Islaan Ciise Islaan Maxamed iyo Suldaan Siciid Maxamed Garaase ayaa labaduba sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin imaanshaha Issimadan waliba ajiibida ay ajiibeen codsigooda nabadeed.

Waxayna Ilaahay ka baryeen in ku guuleeye heshiiskan ay doonayaan in walaalahooda ay ku dhexdhexaadiyaan.

Deegaanka Cagaare , ayaa beryahaan waxaa ka taagnayd colaad u dhaxaysa laba beelood oo ood-wadaaga , kadib markii dhexmaray muran salka ku haya lahaansho deegaan , waxaana dagaalo goos-goos ah oo dhexmaray beelahan ku geeriyooday ilaa 10 qof tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen.

horay ayaa waxaa loogu guul daraystay heshiisyo laga dhexwaday waday beelahan , hase ahaatee iminka ayaa waxaa muuqata rajo wanaagsan oo lagu heshiisiin-karo beelahan , maadaama labada beeloodba laga hayo balan qaad buuxa oo ay ku aqbalayaan go'aamada ka soo baxa kulankan.

Dhanka kale Culuma-udiinka Puntland ayaa si wadajir ah baaq ay u soo wada saareen ugu baqay maamulada P/land iyo Somaliland sidii ay u dejin lahaayeen xiisada colaadeed ee ka oogan Gobolka, iyagoo culumadu- ugu baaqay gaar ahaan shacabka labada maamul in ay arrintaan ay meel uga soo wada-jeensadaan uguna cadaadiyaan labada maamul sidii looga hor tagi lahaa dagaalka lagu hoobto.
qofkii afkiisa iyo adinkiisa dadka islaamka ah ka nabad-galaan ayaa Muslim ah, sidaa waxaa yiri culamada, sida lawada ogyahayna shacabka Reer Puntland waa kuwo ayidsan , kalsooni buuxdana ku qaba culamdooda, iyadoo kuwa Somaliland-na laga filaayo sidoo kale sidaa waxaa yiri midka mid ah culumada ku saxiixan baaqaan nabadeed,

Maxamuud Cumar Bulle,
Garoowe.
mcbille@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | April 20, 2007

Soomaalida dalka Belgium oo dhigay bannaanbax lagu dalbanayo in Ethiopia ay ka baxdo Soomaaliya

Mudaaharaad looga soo horjeedo xasuuqii Xamar &
joogitaanka Ciidamada Ethiopia oo ka dhacay Washingto, DC.

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com