SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii: Apr 21, 2007

  • Deegaanka Tortooroow Ee Gobolka Sh/hoose Oo Uu K a Dillaacey Cudurka Shuban Biyoodku.
  • Wadada Isku Xirta Af-gooye Iyo Muqdisho Oo Ay Ciidamada Xukuumada Ethiopia Xireen, xilli dambena dib u fureen

Deegaanka Tortooroow Ee Gobolka Sh/hoose Oo Uu K a Dillaacey Cudurka Shuban Biyoodku.

Deegaanka Toortooroow oo ka tirsan Degmada Awdheeglle ayaa waxaa ka dilaacey shuban Biyood aad u daran, sida uu sheegey mid ka mid ah dadka degan tuulada Caligublle oo ka tirsan degaanka Toortooroow, Xasan Macallin Gaaboow oo nala soo xiriirey ayaa sheegey in asbuucan Gudihiisa ay dhinteen dad Gaaraya 20 qof oo iskugu jira dad waaweyn iyo Caruur.

Sidoo kale Xasan ayaa sheegey shuban biyoodku uu isku si ugu dhacey dadka Tuulooyinka degan ee Beeraleyda iyo dadka Xoolo dhaqatada ah,waxaa hadda cudurkaas la il daran dad gaaraya 40 qofood oo aan haysanin wax daawo ah oo lagu dabiibo, waxayna daadsan yihiin tuulooyinka deg sisin, Mooyinoow, dhaqane buulo jeeb iyo kuwo oo u dhow tuulada Caligublle.

Ninkan oo khadka talefoonka nagaala soo xiriirey ayaa dadka Soomaaliyeed iyo hay’adaha samafalka ka codsadey in lala soo gaaro kaalmo Daawo ah oo degdeg ah, wuxuuna ku calaacaley inay dhamaadeen milankii fuuqbaxa celinaayey ee ay ka gadanaayeen farmishiyeyaasha yaryar ee ku yaalla Tuulooyinkooda.

Sidoo kale Xiriir aan la sammeeyney Toortooroow ayaa sidan oo kale waxay ka cabanayaan shubanka badan ee dadka ku laaynaya miyi iyo magaalo si isku mid ah,waxayna Hay’adaha gargaarka ka codsadeen in lala soo gaaro kaalmo Bani’aadanimo oo degdeg ah.

Sidoo kale waxaa shuban Biyoodkani saameyey tuulooyin badan oo hoos taga Degmada Qoryooleey oo u dhow deegaannada Hoose taga Toortooroow; horey ayaa shuban biyood aad u darani wuxuu fara ba’an ku hayey dadka ku nool deegaannada Afgooye iyo dhammaan Gobolka Shabeellada Hoose oo dhan,iyadoo wax ka qabashada hay’adaha gargaarku ay yihiin kuwa aad gaabis u ah.

Wadada Isku Xirta Af-gooye Iyo Muqdisho Oo Ay Ciidamada Xukuumada Ethiopia Xireen, xilli dambena dib u fureen .

Wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ayaa gabi ahaanba la xiray subaxnimadii Jimcada, iyadoo aan loo ogolayn dhaq- dhaqaaqa gawaarida isaga kala gooshi jirtay muqdisho iyo gobolada ku xeeran ee isticmaali jiray wadadan iyo weliba baabuurta gaarka loo leeyehayba

Arintan ayaa ka dhalatay ka dib markii maalinkii shalay gelinkii dambe ay xeradii hore ee taliska ciidanka asluubta soomaaliyeed uu ka dhacay qarax aad u xoogan islamrkaana holaca iyo uuro qiiq ka samaysantay ay ka go,day halkaas oo ay degan yihiin ciidamada ugu badan ee xukumada ethiopia iyo weliba wadada isku xirta afgooye iyo muqdisho oo gaari Ural ah oo ay lee yihiin ciidamada xukumada Ethiopia uu isna ku qarxay.

Sidoo kale waxaa guud ahaanba istaagay Gaadiidka ka howl-gala wadadaas isku xirta muqdisho iyo afgooye iyadoo wadadaas lagu arkayo ciidamada xukumada ethiopia oo ku hubaysan taangiyada dagaalka iyo hubka cul-culus.

Waxaa wararku tibaxeen in dib loo furan mar dambe dib loo furay wadada isku xirta Afgooye iyo Muqdisho.

Khamiistii galab gaabkeedii ayay ahayd markii qaraxan oo aan ilaa iyo hada la ogayn waxa uu ka kacay ka dhacay xarunta ugu weyn ee taliskii hore ee ciidanka aslubta soomaaliyeed oo ay degan yihiin ciidamada ugu badan ee xukumada Ethiopia islamrkaana uu qaraxani dhacay iyada oo ay xeradaasi gelayeen xiligaas kolonyo baaburta ciidamada Ethiopia oo uu qaraxaasi ka dhex kacay .

Lama oga Khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay halkaas waloow ay dad ka ag dhowaa halkaasi oo ay saxaafadu la xiriirtay ay sheegeen in qaraxani uu ahaa mid weyn oo aan hore uga dhicin caasimada muqdisho iyo agagaarkeeda islamrkaana loo malaynayo inuu gaystay Khasaaro baaxad weyn taasoo xalay ilaa shalay gaabkii qaraxa kadib ay baaburta wadadan isticmaalayey ay ku xayirnaayeen halka qaarkoodna ay qarda jeexeen wadooyin ka samaysmay gaadiidka loo isticmaalo baadiyaha sida gaari dameerada iyo weliba raadka xoolaha islamrkaana ay halkaas kaga talaabeen halka dadka qaarkiisna ay lugtooda maaleen waloow ay dhibaatooyin badani kasoo gaareen .

Dadka badaanaba gawaarida saaran ayaa badankoodu u badnaa haweenka caruurtoodii kaga soo tegey deegaanada loo qaxay ee ceeasha biyaha ,lafoole ,carbiska ,siinka dheer ,baar xaraf iyo weliba meelo kale oo ay magaalada muqdisho usoo adeeg doonteen islamrkaana ay xayiraada kala kulmeen tacadi xoog badan oo ay qaarkood ahaayeen umulo caruurtoodu ay naaska nugayaan.

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | April 21, 2007


Wararkii: Apr 20, 2007

  • Qarax lala beegsaday Xarun ay ku sugnaayeen Ciidamada Itoobiya
  • Dagaal Xooggan oo ka dhacay Muqdisho
  • Gaari Militari oo Laga Qarxiyey Ciidanka Itoobiya

Qarax lala beegsaday Xarun ay ku sugnaayeen Ciidamada Itoobiya

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in qarax gaari lala beegsaday xarun ay ku sugnaayeen ciidamo Itoobiyaan ah oo gaaraya boqolaal, xaruntaas oo ku taal cirirfka magaalada Muqdisho.

Axmed Maxamed Shardi, oo ah dareewal wadey gaari bas ah, waxa uu sheegay in uu arkay in gaari ka dambeeyey uu ku leexday meel xarun u ah ciidamada Itoobiya oo 30 mile Koonfur ka xigta Muqdisho, kaddibna uu gaarigii qarxay.

"Qiiq badan ayaa aagga qariyey," ayuu yiri Axmed Maxamed Shardi oo khadka telefoonka kula hadlay hay'adda wararka ee AP, waxana uu intaas ku daray "Aniga iyo dadkii rakaabka ahaa ee baska saaraa waa argagaxney. Ma garanayn meel aan aadno."

Wararku waxa ay sheegeen in halkaas oo xarun u ahaan jirtey ciidamadii Qalabka sidey ee Soomaaliya 16 sano ka hor, in hadda gudeheeda sida caadiga ah ay ku xereedaan toban gaari oo ah nooca pickup ah oo ay saaran yihiin qoryo culus, waxa kale oo xaruntaasi ay hadda ku qalabaysan tahay qoryaha uu ka dhaco hubka culusi, ayey tiri AP. [Waa xaruntii ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ee ku dhow Ex Control Afgooye.]

Salaad Cali Jeelle oo ah ku xigeenka wasiirka Difaaca DFKMG waxa uu qaraxa gaariga ku eedeeyey Al-Qaeda, waxana uu sheegay in dadka dhintay ay yihiin oo keliya kuwii gaariga saarnaa. Laakiin Aljazeera waxay sheegtay in dad goobta ka ag dhowaa ay arkayeen askar itoobiyaan ah oo dhaaca ah. Warka Aljzeera waxa uu intaas ku daray Boqolaal Itoobiyaan ah ayaa halkaasi xarun u tahay.

Dagaal Xooggan oo ka dhacay Muqdisho

Dhanka kale waxaa kale oo Khamiistii magaalada Muqdisho ka dhacay dagaal aad u culus oo aan si rasmi ah loo ogeyn inta dad ah ee ku dhintay.

Hay'adda AP waxay werisey in dagaalkii Khamiistii ee dhexmaray ciidamada Itoobiya iyo kooxaha Muqaawada in uguyaraan 12 qof ku dhinteen.

Axmed Warsame oo ah Ganacsade waxa uu sheegay in uu maqlayey madaafiic ku soo dhacaysey dhanka Koonfor-Galbeed ee Magaalada. Waxana uu intaas ku daray in uu arkay siddeed qof oo meyd ah oo dariiqa yaal.

C/laahi Xasan Cali oo ah arday dhuigta Jaamacadda waxa uu sheegay in madaafiic kusoo dhacayeen Guryaha dhanka Woqooyi-Bari ee magaalada Muqdisho. Waxana uu sheegay in uu afar meyd ah ku arkay hal guri.

Gaari Militari oo Laga Qarxiyey Ciidanka Itoobiya

Dhanka kale waxaa qarax lala beegsaday gaari militari oo ay leeyihiin ciidamada Itoobiya oo marayey cirifka magaalada Muqdisho.

Qof joogey aagga gaariga lagu qarxiyey waxa uu sheegay in uu maqlay gaari Itoobiyaan ah oo qarxay kaddib markii uu dhaafay meel farmashiye ah. Gaarigaasi waxa uu ka mid ah labo gaari oo sidey ciidamo Itoobiyaan ah oo kusii jeedey dhanka koonfureed ee Soomaaliya.

Yuusuf Cusmaan waxa uu sheegay in uu arkay gawaaridaas Itoobiya oo sii dhaqaaqaya, laakiin daqiiqadoo gudahood waxa ay maqleen qarax, waxayna arkeen hal gaari oo holcaya. Waxana uu sheegay in uu u malaynayo in dhammaan askartii gaarigaas saaraa ay dhinteen.

Cali Xuseen Maxamed, oo dariiqa wax ku gada, waxa uu AP u sheegay in uu arkay 10 askari oo Itoobiyaan ah oo dhaawac ah oo dariiqa yaal.

Yuusuf Osmaan waxa uu sheegay in markii qaraxu dhacay uu askartii saarnay gaariga labaad ee Itoobiyaan ahay rasaas ku fureen gaari bas ah oo meesha marayey waxana uu sheegay in uu arkayey laba qof oo dhaawacmay, laakiin ma sheegi karin dadkii baskaas saaraa in ay qaybi dhimatey iyo in kale.

Dhinaca kale ee magaalada qof hay'adda AFP waxay sheegtay in qof ka ag dhowaa uu sheegay in siddeed qof ay dhinteen kaddib markii madfac ku dhacay meel boosteejo ah oo basaska laga raaco oo ku taal koonfurka magaalada.

Dagaalkii Bishii Maarso ee sannadkan ee ka dhacay Muqdisho waxaa lagu qiyaasay in ay ku dhinteen 1,000 qof, sida ay sheegtay Aljazeera.

Hay'adda AP waxay sheegatay in ciidamada Itoobiya intii ay soo galeen Soomaaliya in ay dagaalada ku dhinteen boqolaal qof.

Hay'adda Qaramada Midoobey qaybta u qaabilsan qaxootigu waxay sheegtay in ilaa bishii Febraayo ee sannadkan in Muqdisho ay ka qaxeen dad lagu qiyaasay 200,000 oo qof.

Itoobiya oo Loo Sheegay in ay Soomaaliya ka baxdo, haddii kale waxay la kulmi doontaa Dagaal aan hore loo arag


Sheikh Shariif, Sharif Xasan, Xuseen Caydiid oo ka hadlayey shir saxaafadeed, Casmara, Eritrea, Apr 18, 2007

Itoobiya waa in ay ka baxdo dalka Soomaaliya si degdeg ah haddii kale waxay l akulmi doontaa "dagaal aan ciidan is hortaagi karin", waxaa digniintaas Arbacadii bixiyey saddex hoggaamiye Soomaaliyeed, sidaas waxaa warka ku bilowday hayadda AFP.

Saddexdaas hogaamiye  waa xubin sare oo ka mid ah Maxkamadaha Islaamiga Sheikh Shariif Sheikh Axmed, iyo Sharif Xasan Sh. Aaden guddomiyihii hore ee baarlamaanka DFKMG iyo Xuseen Caydiid oo jago ka haya Dawlada FKMG ee Soomaaliya, kuwaas oo kulan ku yeeshay caasimada Eritrea.

Xuseen Caydiid waxa uu sheegay in Soomaalidu u midoobi doonto ka soo horjeedsiga ciidamada Itoobitya ee ku jira Soomaaliya.

"Ilaa hadda waxaan isku deyeyney wadahadal in aan kaga saarno iyaga laakiin haddii ay wadashaqaynta diidaan... wax kasta dhinac ayaan dhigeynaa si aan Itoobiya annagu u saarno" ayuu yiri Xuseen Caydiid oo warfidiyeenada la hadlayey.

"Boqolkiiba 10% wax ka yar oo ciidamadaya ah ayaa hadda la dagaalamaya Itoobiyaanka. Waxaan idiin sheegayaa in wax ciidan ah oo is hortaagi karaa aysan jirin waxa soo socda," Ayuu yiri Xuseen Caydiid.

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com