SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii: Apr 21, 2007

  • Khasaare Ballaaran oo uu Geystey Dagaalka Maalintii Saddexaad ka socda Muqdisho......

Dagaalo kale iyo Duqeyn ka socota Magaalada Muqdisho .

Tirada guud ee ku nafweyday ayaa waxaa lagu sheegay in ay dhan tahay Ugu yaraan ilaa iyo 35 ruux halka dhaawacune uu intaa ka badan yahay duqeyn ka socota maalintii sadxaad magaalada Muqdisho (inkasta oo ay jiraan warbixino tirada dhimashada intaas ka badinaya), waxana ka soo gaaray dad badan oo rayid ah dhaawacyo kala gedisan duqeyn xoogan oo ay ciidamada Ethiopia ku hayaan qeybo ka mid ah xaafadaha magaalada Muqdisho.

Sida goobihii dagaalada ka socdeen maalmihii la soo dhaafay ee hotelka ramadaan, xaafada jamhuuriya, jungal iyo yaaqshiid wuxuuna ku sii fidayaa dagaalku goobo cusub oo ay ka mid yihiin kaluunka, garoonka ciyaaraha ee seeri, xaafada xamar bile, isbartiibo tarbuunka, isgoyska faloransa ,iyo xararyaale.

Goobaha sida aad ka ah loogu hoobtey ayaa waxaa ka mid ah jidka sodonka halkaa oo si toos ah loo raacinayey gantaalaha ka dhaca qoriga BM_ka iyo madaafiicda waaweyn ee ay isticmaalayeen ciidamada Ethiopia.

Waxaa kale oo ay mashaqo ka dhacday xaafadda carwo idko halkaa oo guri weyn oo shub ahaa dad badanine ay iskuugu soo xoomeen si ay gabaad uga dhigtaan ayaa waxaa ku habsaday madfac BM ah kaas oo geystey dhimasho iyo dhaawac farabadan ka dib markii uu shubkii celin wayey madfaca soo dhacay .

Dadka dhintey ayaa waxaa ka mid aheyd gabar halkaa shaah ku iibineysay oo iyadu in mudo ah taalay wadada dhexdeeda ka dib markii ay soo dhaceen madaafiic isdaba joog ah .

Xaafada mahadle oo iyadune yool aheyd ayaa madaafiic badan oo ku soo dhacday waxey galaafteen tiro dad ah oo gaaraya ilaa shan qof halka dhawacune intaa ka badan yahay waxaana yaraaday isticmaalka gaadiidka .

Xaafada al baraka iyo xaafada NBC ee degmda hodan ayaa madafiic habow ihi ku dishay ilaa sadax 3 ruux oo shacab ahaa sidoo kale masaajid ku yaalay xaafada ayaa dad ku jiray 6 ka mid ahaa ay waxyeelo ka soo gaartey .

Dhanka kale meel biibito ah oo dhalinyaro ay turub ku ciyarayeen ayaa madafic BM ah uu ku dhacay waxaana ku dhintey hal qof tiro intaa ka badane waa ku dhaawacmeen.

Ciidamada Ethiopia ee saldhigoodu ahaa xarumaha Villa Somalia, iyo Ex, xaruntii hore ee KM7 ee ciidanka asluubta iyo ciidamo ku sugan wasaaradii hore ee gaashaandhiga iyo meelo cusub oo kale ayaa duqeyn aan kala go'laheyn oo sida roobka oo kale ah u isticmaalaya ku riday xaafadaha fagax ,jamhuuriya, Towfiiq, agagaarka jidka warshadaha, qeybo kamid ah suuqa Baraakaraha, wadada warshadaha iyo qeybo kale oo Muqdisho ka tirsan, halkasoo ay ku dhaqan yihiin dad rayid ah oo wali ku harsan guryaha duqeyntu ku socoto ee magaalada Muqdisho.

Gantaaladan iyo taangiyada Ethiopia ee ku jiheysan magaalada oo dhan ayaa ah tii ugu ba'neyd ee ay ciidamada Ethiopia ku garaacaan xaafadaha ay ku nool yihiin dadka shacabka ah, waxaan ciidamadu ay ku garaacayaan madaafiicda B.M.-ka, altiilari iyo qoriga 85 mm ah iyo kuwa goobta, waxaana sidoo kale ay kooxaha ka soo horjeda ay iyaguna ku ridayaan maadaafiicda loo yaqaano mootarka ama hoobiyaha . taasoo iyana khasaare u geysaneysa xarumaha dowlada oo ay ku sugan yihiin hadda ciidamada Ethiopia ee gacanta siinayo kuwa dowlada FKMG.

Isticmaalka gantaalaha ayaa timid ka dib markii Mellas zenawi uu shaaca ka qaaday in uu dagaalka uu guulo ka gaaray siina wadayaan ciidamada Ethiopia ee Muqdisho ku sugan, wuxuuna sheegay in ay la dagaalamayaan "argagixiso" waxa uu uugu yeeray taasina waxey meesha ka saartay rajadii laga qabay in xabad joojin ay wada gaaraan dhinacyada isaga soo horjeeda gudaha magaalada Muqdisho, waxeyna u muuqataa in ay weli kala joogaan halkii uu dagaalku ka bilowday oo aan wax dhul ah lakala qabsan weli.

Qax ballaaran oo ka socda Muqdisho...

Dagaalka oo galay maalintii sadexaad ayaa waxaa sii kordhayo waxyeelada uu u geysanayo dadka rayidka ah.



Qax aad u badan ayaa ka socdo magaalada waxaana la baneeyey xafada badan guryo ku yiilay ka dib markii ay ku so da'een madafic BM ah sida roobka oo kale gudaha magaalada Muqdisho ayaa u muuqato mid la sii banaynayo dadkuna waxay ka baqanayaan in khasaaruhu intaa ka bato.



Muuse Maxamuud Jiisow
somali39@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
025215576666 / 002521653623

Faafin: SomaliTalk.com | April 21, 2007


Wararkii: Apr 20, 2007

  • Qarax lala beegsaday Xarun ay ku sugnaayeen Ciidamada Itoobiya
  • Dagaal Xooggan oo ka dhacay Muqdisho
  • Gaari Militari oo Laga Qarxiyey Ciidanka Itoobiya

Qarax lala beegsaday Xarun ay ku sugnaayeen Ciidamada Itoobiya

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in qarax gaari lala beegsaday xarun ay ku sugnaayeen ciidamo Itoobiyaan ah oo gaaraya boqolaal, xaruntaas oo ku taal cirirfka magaalada Muqdisho.

Axmed Maxamed Shardi, oo ah dareewal wadey gaari bas ah, waxa uu sheegay in uu arkay in gaari ka dambeeyey uu ku leexday meel xarun u ah ciidamada Itoobiya oo 30 mile Koonfur ka xigta Muqdisho, kaddibna uu gaarigii qarxay.

"Qiiq badan ayaa aagga qariyey," ayuu yiri Axmed Maxamed Shardi oo khadka telefoonka kula hadlay hay'adda wararka ee AP, waxana uu intaas ku daray "Aniga iyo dadkii rakaabka ahaa ee baska saaraa waa argagaxney. Ma garanayn meel aan aadno."

Wararku waxa ay sheegeen in halkaas oo xarun u ahaan jirtey ciidamadii Qalabka sidey ee Soomaaliya 16 sano ka hor, in hadda gudeheeda sida caadiga ah ay ku xereedaan toban gaari oo ah nooca pickup ah oo ay saaran yihiin qoryo culus, waxa kale oo xaruntaasi ay hadda ku qalabaysan tahay qoryaha uu ka dhaco hubka culusi, ayey tiri AP. [Waa xaruntii ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ee ku dhow Ex Control Afgooye.]

Salaad Cali Jeelle oo ah ku xigeenka wasiirka Difaaca DFKMG waxa uu qaraxa gaariga ku eedeeyey Al-Qaeda, waxana uu sheegay in dadka dhintay ay yihiin oo keliya kuwii gaariga saarnaa. Laakiin Aljazeera waxay sheegtay in dad goobta ka ag dhowaa ay arkayeen askar itoobiyaan ah oo dhaaca ah. Warka Aljzeera waxa uu intaas ku daray Boqolaal Itoobiyaan ah ayaa halkaasi xarun u tahay.

Dagaal Xooggan oo ka dhacay Muqdisho

Dhanka kale waxaa kale oo Khamiistii magaalada Muqdisho ka dhacay dagaal aad u culus oo aan si rasmi ah loo ogeyn inta dad ah ee ku dhintay.

Hay'adda AP waxay werisey in dagaalkii Khamiistii ee dhexmaray ciidamada Itoobiya iyo kooxaha Muqaawada in uguyaraan 12 qof ku dhinteen.

Axmed Warsame oo ah Ganacsade waxa uu sheegay in uu maqlayey madaafiic ku soo dhacaysey dhanka Koonfor-Galbeed ee Magaalada. Waxana uu intaas ku daray in uu arkay siddeed qof oo meyd ah oo dariiqa yaal.

C/laahi Xasan Cali oo ah arday dhuigta Jaamacadda waxa uu sheegay in madaafiic kusoo dhacayeen Guryaha dhanka Woqooyi-Bari ee magaalada Muqdisho. Waxana uu sheegay in uu afar meyd ah ku arkay hal guri.

Gaari Militari oo Laga Qarxiyey Ciidanka Itoobiya

Dhanka kale waxaa qarax lala beegsaday gaari militari oo ay leeyihiin ciidamada Itoobiya oo marayey cirifka magaalada Muqdisho.

Qof joogey aagga gaariga lagu qarxiyey waxa uu sheegay in uu maqlay gaari Itoobiyaan ah oo qarxay kaddib markii uu dhaafay meel farmashiye ah. Gaarigaasi waxa uu ka mid ah labo gaari oo sidey ciidamo Itoobiyaan ah oo kusii jeedey dhanka koonfureed ee Soomaaliya.

Yuusuf Cusmaan waxa uu sheegay in uu arkay gawaaridaas Itoobiya oo sii dhaqaaqaya, laakiin daqiiqadoo gudahood waxa ay maqleen qarax, waxayna arkeen hal gaari oo holcaya. Waxana uu sheegay in uu u malaynayo in dhammaan askartii gaarigaas saaraa ay dhinteen.

Cali Xuseen Maxamed, oo dariiqa wax ku gada, waxa uu AP u sheegay in uu arkay 10 askari oo Itoobiyaan ah oo dhaawac ah oo dariiqa yaal.

Yuusuf Osmaan waxa uu sheegay in markii qaraxu dhacay uu askartii saarnay gaariga labaad ee Itoobiyaan ahay rasaas ku fureen gaari bas ah oo meesha marayey waxana uu sheegay in uu arkayey laba qof oo dhaawacmay, laakiin ma sheegi karin dadkii baskaas saaraa in ay qaybi dhimatey iyo in kale.

Dhinaca kale ee magaalada qof hay'adda AFP waxay sheegtay in qof ka ag dhowaa uu sheegay in siddeed qof ay dhinteen kaddib markii madfac ku dhacay meel boosteejo ah oo basaska laga raaco oo ku taal koonfurka magaalada.

Dagaalkii Bishii Maarso ee sannadkan ee ka dhacay Muqdisho waxaa lagu qiyaasay in ay ku dhinteen 1,000 qof, sida ay sheegtay Aljazeera.

Hay'adda AP waxay sheegatay in ciidamada Itoobiya intii ay soo galeen Soomaaliya in ay dagaalada ku dhinteen boqolaal qof.

Hay'adda Qaramada Midoobey qaybta u qaabilsan qaxootigu waxay sheegtay in ilaa bishii Febraayo ee sannadkan in Muqdisho ay ka qaxeen dad lagu qiyaasay 200,000 oo qof.

Itoobiya oo Loo Sheegay in ay Soomaaliya ka baxdo, haddii kale waxay la kulmi doontaa Dagaal aan hore loo arag


Sheikh Shariif, Sharif Xasan, Xuseen Caydiid oo ka hadlayey shir saxaafadeed, Casmara, Eritrea, Apr 18, 2007

Itoobiya waa in ay ka baxdo dalka Soomaaliya si degdeg ah haddii kale waxay l akulmi doontaa "dagaal aan ciidan is hortaagi karin", waxaa digniintaas Arbacadii bixiyey saddex hoggaamiye Soomaaliyeed, sidaas waxaa warka ku bilowday hayadda AFP.

Saddexdaas hogaamiye  waa xubin sare oo ka mid ah Maxkamadaha Islaamiga Sheikh Shariif Sheikh Axmed, iyo Sharif Xasan Sh. Aaden guddomiyihii hore ee baarlamaanka DFKMG iyo Xuseen Caydiid oo jago ka haya Dawlada FKMG ee Soomaaliya, kuwaas oo kulan ku yeeshay caasimada Eritrea.

Xuseen Caydiid waxa uu sheegay in Soomaalidu u midoobi doonto ka soo horjeedsiga ciidamada Itoobitya ee ku jira Soomaaliya.

"Ilaa hadda waxaan isku deyeyney wadahadal in aan kaga saarno iyaga laakiin haddii ay wadashaqaynta diidaan... wax kasta dhinac ayaan dhigeynaa si aan Itoobiya annagu u saarno" ayuu yiri Xuseen Caydiid oo warfidiyeenada la hadlayey.

"Boqolkiiba 10% wax ka yar oo ciidamadaya ah ayaa hadda la dagaalamaya Itoobiyaanka. Waxaan idiin sheegayaa in wax ciidan ah oo is hortaagi karaa aysan jirin waxa soo socda," Ayuu yiri Xuseen Caydiid.

Xisbiga RPP ee Puntland oo Digniin u Diray Geeddi
Warsaxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka RPP ee midowga Yurub ayaa...
Akhri.... Apr 12

Beesha Tanade Daarood oo kalsoonidii kala laabatay DFKMG
Waxgaradka, culimadada iyo hogaamiye dhaqameedyada beesha Tanade Daarood oo baaq usoo jeediyay..
Akhri Apr 14

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com