SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - ZURIKH

Waftigii  Xoghayihii Arrimaha Dibedda ee Midowga Maxaakiimta Soomaaliyeed oo la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Switzerland

Zürich Axad (SomaliSwiss) 22.04.2007

Sawirada Hoos Kadaawo

Waxaa Galabnimadii shalay ka dhacay Magaalada Zürich kulan aad u ballaaran oo ay isugu imaadeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkan Switzerland, axaana kulunka  marti ku ahaa Wafdigii uu hoggaaminayey Xoghayihii Arrimaha Dibedda ee Midowga Maxaakiimta Soomaaliyeed Mudane Prof.Ibrahim Xassan Caddow iyo Sheikh Cumar Idris oo habeenkii jimcaha ahayd booqasho marti qaad ah ku yimid dalka Switzerland.

Kulankan ayaa waxaa loogu hadlayey Xaaladda Murugsan ee shacabka Soomaaliyeed uu maanta ku sugan yahay,waxaana kulankaas  Warbixinno iyo Muxaadarro guubaaba qiiro leh ka soo jeediyey Prof.Ibraahim Xassan Caddow iyo Sheikh Cumar Idris.

” Cilmiga waa Nuur, Cilmi la’aantuna waa Mugdi”badi ahaan dadka bani’aadanka waxay wax ogaadaan markii ay musiibo ama dhibaato ku imaato,sida Jirrada,Dhulgeriirka, Daadadka roobabka Dhimashada iyo Xurriyada la’aanta IWM.Sidaas waxaa yiri Prof.Ibraahi X.Caddow.

Wuxuu intaa ku daray in qof kasta uu socdo Qabriga,hase ahaatee waan in laga faa’idaystaa inta aad nooshashay ku dhaqanka Diintaada,loona jiheystaa wadada suuban,laguna dhaqmaa Kitaabka Alle iyo Sunnada Nabigeena (Naxariis iyo Nabad korkiisa ha ahaatee).

Intaas ka dib Prof. Ibraahim wuxuu   sheegay in Cudarka ugu weyn ee Soomaalidu ay qabto uu yahay Qabiil la siyaasadeeyey,sidaas awgeed quluubta Soomaalida waxaa halleeyey waa qabiilka,waxaan idinka waaninayaa inaad iska daysaan waxyaaba keenaya kala tagga,maanta waxaa loo baahan yahay midnimo waayo waxaan dagaala kula jirnaa Cadowga Itoobiyaanka ah ee dalkeenna ku soo duulay.

Mar wax laga weydiyey Siyaasadda Midawga Maxaakiimta ayuu sheegay in Maxaakiimtu ay leedahay Hal madax waana Amiiru-Mu’miniinta Soomaaliyeed oo ah Sheikh Shariif Sheikh Axmed asagaana ah Afhayeenka Midowga Maxaakiimta,waxa asaga ogeyn waa wax shakhsi ah ayuu yiri Profesor-ka.

Wuxuu kaloo ka hadlay wax qabadkii Maxaakiimta Muddadii 6da bil ahayd ee ay gacanta ku hayeen Min Gaalkacayo ilaa Raas kiyambooni,waa wax markhati ma doonto ah,taasi waxay guul u ahayd Shacabka Soomaaliyeed,hadii ay iyagu raalli ka hayn Midowga Maxaakiimta waxba uma qabsoomi lahayn.

Lama soo koobi karo hadalladii macaanaa ee uu Prof. Ibraahim ku guubaabiyey dadkii kulankaas joogina aad uga qanceen,tashwiishkii iyo wararkii xumaa ee la is dhex marayey kaga bugsadeen.

Ka dib  waxaa la weydiiyey Wafgiga su’aalo aad u fara badan oo dhinac walba taabanayso oo si ka fool ka fool oo saraaxa ku jirtu looga jawaabay dadkii kulankaas joogay.

Waxaa kaloo halkaa ka hadlay Sheikh Cumar Idris (Cumar dheere) wuxuu si gooni ugu warramay xaaladda dagaalka lagila jiro Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku soo duulay Geyiga Soomaaliyeed,wuxuu caddeeyey ciidamada Kacdoonka ay ku gacan sarreeyaan waxaana hubaal in ay guusha raaci doonta kuwa Jihaadka Xaqa ah ku jira,hase ahaatee guul iskama imaan karto,haddii aan la muujin midnimo.

Wafdigu waxay Jaaliyadda Swiss-ka u sheegeen in loo baahan yahay in qof kasta uu ka qayb qaato dagaalka lagu xuraynayo Qaranka Soomaaliyeed,loona huro maal,Duco niyad ah iyo mi Fikradeedba.

Sidoo kale waxaa hadal guubaaba iyo kincin isugu jirta ka soo jeediyey Mudane Cabdulqaadir Maxamed Cabdi (Cabdulqaadir Madaxay) oo asaga iyo Wafdi 3 qof ka kooban oo uu hoggaamiyaha ee ka yimid Dalka Jarmalka Magaalada Bon ,wuxuuna aad ugu booriyey Jaaliyadda Swiss-ka inay gacanta is-qabsadaan oo hal meel kaga soo jeestaan sidii loogu hortagi lahaa Xasuuqa ka socda Magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid Gobollada dalka Soomaaliya.

“Xil weyn ayaa idin saaran” ayuu yiri Mudane Cabduqaadir Madaxay,waayo waxaad ku nooshihiin Xarunta Labaad ee Qaramada Midoobay ee ku taalla Magaalada Genevè ee dalakan Sitzerland,sidaas darteed waxaa la idinkaga baahan yahay inaad u qortaan Warqado Ashkato ama Dacwo ah Hay’adaha Qaramada Midoobay, Wakiilada Midowga Yurub,Jaamacadda Carabta.Ururka Islaamka,Ururka Wadamada dhexdhexaadkah iyo Safaaradahaba. 

Waxaa Gabagabadii ka hadlay Xiritaanka kulanka shirka Guddoomiyaha  Jaaliyadda Kanton Zürich Mudane Sheikh Xassan Naaji,wuxuuna mahad gaar ah u soo jeediyey Wafdiga Midawga Maxaakiimta oo ka oggolaaday codsigii Marti-qaadka ahaa ee ay ku yimaadeen dalka Switzerland.

 Kulankan ayaa waxaa ka soo qayb galeen Wakiillada Jaaliyadaha Gobollada Berna Biel, Frieburg, Lousanne, Luzern, Aarow, Basel, St. Gallen iyo Genevè.  

Waxaa Sidoo kale muxaadarada markey dhamaatay Su´aalo gaaban wax kaweydiiyay Prof. Axmed cadow wariye kamid ah Wariyayaasha SomaliSwiss Radio & Website Wariye Yusuf Garabey isagoo Su´aalihiisa kubilaabay sida tan.

(?) Maadaama leydinkula dagaalamay Mabdi´ii diineed Aduunka inaad Usharaxdaan oo aad Siyaasadiina kadhaadhicisaan ma isku daydeen,ayaa wuxuu kujawaabay Sheekha,

(Jaw) Prof. Haa taasi waa mid aan marwalbo dadaalkeeda kujirno oo aan wadno mana aha mid shaqsi kaliya laga dhaadhicinayo ee waa mid Aduunka oo idil kulamo badan kadibna xiriir nala soo sameeyay oo xaqiiqsaday Siyaasadeena in ay tahay mida kaliya ee Shacabka kudagi karo wadankuna nabadii dib ugu soo celin kara.

(?) Shirka Dib uheshiisiinta qaran hadii leydinka yeero maka qey galeysaan.

(Jaw) Prof.  Shir dib uheshiisiineen oo aan aqoonsannahay majiro wakhtigan.

(?) Diyaar ma u tihiin inaad awood qeybsi Siyaasadeen lasameysaan Dowlada KMG.

(Jaw) Prof.  Wadan Gumeysi heysto Dowlad kama jiri karto.

(?) Maadaama Ciidamada Ethiopia Wadanki qabsadeen oo wakhtigan lajoogana Xasuuq ba´an ay kawadaan wadanka Aduunkuna uu ka aamusay  Xittaa Saxaafadii Madaafiic lagu aamusiyay Maxaad kaban kartaan amaba usheegeysaan shacabka dhibaateysan.

(Jaw) Prof. Taasi waxaan Leennahay Shacabku Hada ayey Fursad heystaan hadey iska daayaan hada Gumeysiga beri ayaa kasii daran ee ha iska xureeyeen.

(?) Maadaama Su´aashan aydan idin quseyn maxaad kufasiri laheydeen Nin walboo katirsan Dowladda KMG ah markey Siyaasada kusoo xumaato intuu dibada uyimaado uyiraahdaa Ethiopia wadanka hanooga baxdo Xitaa waxaa laga yaabaa in ay kamid ahaayeen kuwa horay u ansixiyay amaba u ololeeyay imaatinka Ciidamada Eth.

(jaw) Prof. Horta marka hore waxaan leennahay Dambi dhaafka Illaah ayaa iska leh waxaanse si khaas ah ula talin lahaa madaxda Dowladda KMG ah, Koley Dontan wey dagi rabtaa ee inteysan kula dagin isaga soo bax anaga mid walboo katoobad keena waan jecel nahay.

(?) Malaga yaabaa Umadda Soomaaliyeed ee wada Muslimiinta ah in ay helaan Dowlad Islaami ah dhibaatadana kasaarta sidii 6 dii bilood ee Maxkamadaha oo kale, sideysa kuheli karaan Shacabka Soomaaliyeed Dowlad Islaami ah Maxaadse kula talin laheydeen in ay sameeyaan si ay u helaan Xukun Islaami ah.

(Jaw) Prof. Illaahey aktiisa waa wax iska fudud waxaan dhihi lahaa Umadda ayaa u istaagi karta marki ay rabaan Xukunka Islaamka wax walbana gacantooda ayeey kujirtaa waxaana ugu horeeyay in ay Gumeysiga iska xoreeyaan.

Ugu dambeytiina Prof. ka wuxuu Umada kula taliyay oo uu kusoo cel celiyay in laga wada sinnaayo iska Xoreynta Gumeystaha Tigreega Umadda Soomaaliyeedna waa mid ha iska daayaan tafaraaruqa inshaa allaah.

Shir Shir5 Shir1 Shir2 Shir3 Shir4 Shir6 Shir7 Shir8Shir9 Shir10 Shir11 Shir12 Shir13 Shir14 Shir15

SomaliSwiss Xafiiska Zürich

Waxaa Warka diyaariyey Ax. Dhicisow

Sawir qaade Yuusuf Garabay

Somaliswiss@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Apr 22, 2007


mplsMinnesota, USA: Shir ay yeesheen Beesha Hawiye
Wax garadka, culumaaudiinka & mutacalimiinta beesha.... Akhri...
 

denmarkJaaliyadda Soomaalyeed ee Denmark oo shir ka yeelatay arrimaha Soomaaliya
Shirkaas oo ay ka soo qeyb galeen dhammaan qeybaha kala duwan ee jaaliyadda ayaa Akhri
 

bannaanbaxSoomaalidda  Minneapolis oo ka mudaaharaaday Xasuuqa Muqdisho
In badan oo ka tirsan jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minneapolis ayaa ka qayb qaatay banaanbax Akhri...

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com