SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Ma muuqataa Badbaado ?

Ax'ed Ciise Qulaan
ahmeding@hotmail.com

Haa iyo Maya, waxba Adiga oo aan la soo degdegin, ila ogow cida aan ka hadlayo, waxa aan jeclahay in aad ila sheegto rajada la qabi karo marka aad dib u fiiriso qowmiyad uu dumay qarankii ay harkiisa ku noolayd waxba yaysan shalay ku qanacsanaane.

Way dhacdaa in qaran uu burburo dagaal sokeeyana uu si sahal ah u dhaco, balse caalamka way ku cusub tahay hal qowmiyad oo aan la taraxin oo hal dhaal wada degan, oo muddo ku sii dhow labaatameeyo sano xal u la' diifta iyo darxumada ay ka dhaxleen dagaaladii burburka qaran ka dib u horseeday baaba'a naf iyo maalba leh, ee sii kala qoqobay meeshana ka saaray in dib waxa maqan loo wada raadiyo si maalin loo gaaro Badbaado.

Waxa lumay waa hal qaran,waxa baaba'ayna waa hal qoomiyad oo ka soo jeeda hal qoys, taas oo sida muuqata weli raali ka ah in ay qayb qayb u kala asteeyaan garwadeenadeeda ibtilada shaydaanku ku saladay ah.

Waxaan ka hadlayaa Beel isku mid ka ah Diinta, Dhaqanka, Afka iyo Muuqaalkaba oo dhexdeeda inteeda warmooga ah cadaawad ay isaga yeeleen gacan ku dhiiglayaal,mid walba miisaankiisa oo dambi ah ay noqonayaan galal dacwadeedyada u kaydsan ee ay ogaalka u yihiin haddii isbedel dhaco in ay horyaaliin.

Beeshan waxaa talada si xoog ah ugu haya kuwo baahi maalmeed aan dhaafsanayn, damiir wadaniyadeed ama mid ummadeedna uusan u noolayn,safka hogaamintana ku soo galay buntukh afkii, darajada ay xiran yihiin ee lagu maamuusayana ay tahay xinjirta ay shacabka tabaalaysan ka daadiyaan, kuwaas oo mawqifkooda siyaasiga ahna uu yahay in aan laga balo badnayn dhinac kasta xaga hooga iyo baabi'inta bulshada aan waxba galabsan.

Ma kula tahay in uu sii jiri karo qoys u nuglaaday dulin ku nagaaday oo aan wax u kordhayn, dhibka waayuhu bareena aan wax ku qaadanayn,oo aan waxna diidi Karin, ogaalna u ah in been lagu maaweeliyo , kooxina ay isaga dooran tahay, halbeegooda qanacana uu ku salaysan yahay haybta qabiil ee ah (yuu yahay ama waa reerkee), waxna aan loo qabanayn wax loogu maqan yahay oo aan waxyeelo ahayna ayan jirin.

Ka waran haddii Beeshu noqotay mid dheregta ka jecel gaajada,dheeftana ku badalanaysa dhibaatada,farxadana uga caroonaysa murugada,oo ay tahay mid cadaalada uga dacwoonaysa dulmiga,oo noqotay mid wax ku aragta mugdiga halka ay iftiinka ku lumayso.

Waa Beel nasiib u yeelatay in ay talada u qabteen billo dad mudan wada ah,oo ku badalatay dhagar qabayaal,waxay ahayd mid ka daba foorisay Shiikh Xasan,Shiikh Shariif,Shiikh Janaqow,Shiikh Muuday,Shiikh Roobow, iyo culumo intaa ka sii badan,waxayna u sacabo tuntay Zanaawi,Yeey,Geedi,Jeelle, iyo qabqablayashii qoriga iyo isbaarada ku caano maali jiray,waxay gacan badbaado ku badalatay mid gumaad,waxaana maanta iswaydiin leh suurtogal ma tahay in mar labaad ay ku waabariisato ehel ay maciinsato oo mar kale u fura iftiin nololeed.

Maanta arintu waxayba u eg tahay "maxay ku nuugtaa maxayse ka nuugtaa" mar haddii maraykan, tikree iyo arxan laawayaasha soo horkacay ee maqaarsaarka u ah ay si dhab ah ugu hawlgaleen xasuuqa Beesha.

Waxaase la iswaydiinayaa su'aasha ah siday wax u rabaan wax ma u dhacayaan,ogow in horay loo yiri "sir ma qabe saab baa biyo u celiya"tilaabadaan cadaawadeedna ha u qaadan in ay rajada mugdi ka dhigi karto.

Soomaalidu waxay tiraahdaa "Nin Alle lahoow ha quusan" waxaan qabaa Annigu in rajadu ay wanaagsan tahay, balse Beesheenu ay u baahan tahay bisayl ay gaarto, si ay u noqoto mid danteeda u istaagi karta,wax dooran karta oo runta ku noolaan karta,waana hubaa in maalintaas ay horteeda istaagi karaan oo keliya kuwa hogaankeeda gayaan u ah,waxaana oranayaa way muuqataa Badbaado,laakiin waxaa ka horaysa in maanta naf iyo maalba Beeshu ay u hurto isbadbaadinteeda,oo ay gacan adag ku soo cishato sharafkay taariikhda halganka beelaha caalamka ku lahayd.

Ax'ed Ciise Qulaan
ahmeding@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Apr 23, 2007

Shir11 Waftigii  Xoghayihii Arrimaha Dibedda ee Midowga Maxaakiimta Soomaaliyeed oo la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Switzerland

Waxaa Galabnimadii shalay ka dhacay Magaalada Zürich kulan aad u ballaaran oo ay isugu imaadeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkan Switzerland, axaana kulunka  marti ku ahaa Wafdigii uu hoggaaminayey Xoghayihii Arrimaha Dibedda ee Midowga Maxaakiimta Soomaaliyeed Mudane Prof.Ibrahim Xassan Caddow iyo Sheikh Cumar Idris oo habeenkii jimcaha ahayd booqasho marti qaad ah ku yimid dalka Switzerland... Akhri...

soomaaliBAYAAN KA SOO BAXAY JAALIYADDA DAAROOD EE LONDON, UK...

Waxayna ugu baaqeynaa ummadda Soomaliyeed in ay ka qayb galaan dagaalka looga xoreynaayo dalka gumeystaha Itoobiya iyo in...

Akhri...


mplsMinnesota, USA: Shir ay yeesheen Beesha Hawiye
Wax garadka, culumaaudiinka & mutacalimiinta beesha.... Akhri...
 

denmarkJaaliyadda Soomaalyeed ee Denmark oo shir ka yeelatay arrimaha Soomaaliya
Shirkaas oo ay ka soo qeyb galeen dhammaan qeybaha kala duwan ee jaaliyadda ayaa Akhri
 

bannaanbaxSoomaalidda  Minneapolis oo ka mudaaharaaday Xasuuqa Muqdisho
In badan oo ka tirsan jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minneapolis ayaa ka qayb qaatay banaanbax Akhri...

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com