SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii: April 25, 2007

  • Muqdisho: Beesha Dhulbahante oo ku baaqday In Ciidamada Itoobiya ay dalka si shuruud la’aan ah uga baxan.
  • Afgooye: Qarax Xooggan Oo Lala Beegsaday Fariisin Ciidamada Ethiopia
  • Gari laga soo buuxiyey walxo qarxa oo lala beegsaday hotelka ambasadoor

Baaq Ku Wajahan Dagaalada Iyo Xasuuqa Ka Socda Magaalada Muqdisho Oo Ay Soo Saareen Waxgaradka Beesha Dhulbahante .

 Kulan ballaaran oo ay isugu yimaadeen waxgaradka,  aqoonyahannada, Ganacsatada, Culimaa’udiinka iyo dhalinyarad beesha Dhulbahante ee ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa manta ka dhacay magalada Muqdisho. 

Kulankaas oo lagu lafa guray xaladda dalka Soomaliya, gaar ahaan xiisadda coladeed ee ka aloosan magaalada Muqdisho ayaa dood dheer iyo falanqeyn kadib  waxay xubnaha shirkasi yeeshay ay kulankooda ka soo saareen baaq ay kaga hadlayaan daagaallada iyo barakaca ka soconaya magaalada Muqdisho. 

Kulankaa ayaa waxay beeshu ku sheegtay ugu horreyn inay aad uga xun tahay xasuuqa  iyo barakaca loo geysanayo dadka  Muqdisho, waxayna tacsi u direen dhammaan ehelada dadkii ku geeriyooday xasuuqa iyo dagaallada Muqdisho, waxayna Ilaah uga baryeen kuwa dhaawaca ah in Alle uu bogsiiyo. 

Kulankan ayaa waxaa ka hadlay Xuseen Axmed Xuseen (Fanax) oo ka mid ah odayaasha beesha Dhulbahante ee shirkaas ka qeyb gashay wuxuuna sheegay in ay beeshu weligeedba masiirkeeda ummadeed iyo siyaasadeedba  ay halgamo dhaadheer u soo martay xoriyadda ummadda Soomaliyeed isagoo tusaale ahaan u soo qaatay halgankii Daraawiishta ee 21-ka sano socday. 

Sidoo kale Xuseen Fanax ayaa xusay in halganka Daraawiisheed ee beesha Dhulbahante ay  ahayd mid tariikhiyan oo lama iloobaan ah, isla markaana carabka ku dhuftay in magaaladii ugu horreysay ee Afrika oo diyaarad lagu duqeeyo ay ahayd magaalada qadiimka ah ee Taleex. 

Waxa kale oo odayaashii kulankaa ka hadlay ka mid ah Axmed Naasir Bidde oo isna sheegay in beeshu ka xun tahay xasuuqa ka soconaya magaalada Muqdisho ee ay geysanayaan Ciidamada Itoobiya, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in ciidamadaasi shuruud la’aan dalka Soomaaliya isaga baxaan, isagoo xusay in loo madax banneeyo ummadda Soomaaliyeed inay aayahooda iyaga ka tashadan. 

Dood dheer iyo falanqeyn kadib waxay odayashaasi kulankooda ka soo saareen bayaankan:- 

1.        In xabbada si degdeg ah loo joojiyo.

2.        In Ciidamada Itoobiya dalka si shuruud la’aan ah uga baxan.

3.        In ummadda Soomaaliyeed arrimaheeda loo madax banneeyo, lagana daayo faragelinta, si ay masiirkooda siyaasadeed uga tashadaan.

4.        In gargaar degdeg ah lala soo gaaro dadkii ka barakacay Muqdisho, waxayna si gaar ah ugu baaqeen hay’adaha samafalka, ganacsatada, jaaliyadaha dibadda iyo dadka kale ee waxtari kara dadkaas barakacay inay gargaar dhinacyo kala duwan leh la soo gaaraan. 

Bayaankan waxaa ku  saxiixnaa xubnaha kala ah:- 

  • 1.        Xuseen Axmed Xuseen (Fanax)
  • 2.        Axmed-naasir Bidde
  • 3.        Yuusuf Cumar Geelle
  • 4.        Jaamac Maxamuud Maxamed
  • 5.        Cali Xasan C/lle (Boobe)
  • 6.        Jaamac Suudi Farax
  • Iyo xubno kale oo fara badan.

Waxaa soo tebiyey:
Yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com 

Qarax Xooggan Oo Lala Beegsaday Fariisin Ciidamada Ethiopia Ku Leeyihiin Degmada Afgooye 

Qarax gilgilay nawaaxiga xerada ciidamada Ethiopia ay ka degan yihiin degmada Afgooye ayaa maanta  loo geystay ciidamada Itoobiya ee aaggaas degan.

Sawaxanka qaraxan oo khal-khal weyn geliyey xaafadaha degmada Afgooye ee u dhow xerada ay degan yihiin ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin beerta C/raxmaan Jaamac Barre.

Lama oga cidda qaraxaasi geystay iyo in qaraxu yahay is miidaamin ama Bam lagu tuuray xerada, sidoo kale lama oga khasaaraha uu geystay qaraxaan oo ahaa mid xooggan.

Ciidamada Itoobiya ee ku sugan xeradaas ayaa intii ka badbaaday qaraxaas la sheegay in cabsi weyn ay soo wajahday, isla markaana ay xireen waddooyinka soo gala xeradaas.

Si kastaba ha ahaatee maaha markii ugu horaysay ee qarax noocan oo kale loo gaysto ciidamada xukuumada Ethiopia eek u sugan dalka soomaaliya todobaadkii nasoo dhaafay ayay ahayd markii qarax xoogan uu ka dhacay xeradii taliskii hore ee ciidanka asluubta .

Warbixin dheeraad ah hoos ka akhri..

Yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com


 Qarax xoogan oo loo adeegsaday gaari xaajiyo qamsiin ah oo laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ayaa lagu qarxiyey beer ku taalo degmada afgooye oo ay ka buuxeen ciidamada Ethiopia .

Wararka naga soo gaaraya degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaa hoose ayaa sheegaya in qarax xoogan oo laga maqlay dhamaan daafaha ay ka kooban tahay degmada Afgooye uu ka dhacay beerta Cabdiraxmaan Jaamac Barre, halkaasoo ay fariisin u tahay ciidamada Ethiopia ee degmadaasi ku sugan. Qaraxaas oo dhacay Talaadadii.

Lama qayaano qaraasaha dhabta ah ee ka dhashay qaraxaasi maanta lala beegsaday fariisinka ay ciidamada dowlada Ethiopia ku leeyihiin beerta Cabdiraxmaan Jaamac Barre ee degmada Afgooye.

Sida ay xaqiijinayaan dadka deegaanka waxaa qaraxaasi uu ka dambeeyay markii uu qof naftiis hure ah uu ismiidaamiyay, kaasoo ku geeriyooday falkaasi qaraxaasi ee uu geystay, iyadoo uu ruuxa qaraxa geystay uu watay gaari Hilux oo laga soo buuxshay waxyaabaha qarxa.

Waa qaraxii 3aad ee isla todobaadkaan gudahiisa loo geysto ciidamada Ethiopia ee dagaalada Muqdisho ka socda ku lugta leh, iyadoo gaari Uraal ah miino loo dhigay ay ku naf waayeen tiro fara badan oo ka mid ah askarta Ethiopian ah oo marayay agagaarka Lafoole ee isla deegaanka Afgooye, waxaana sidoo kale qruux naftiis hure ah uu isku miidaamiyay xarunta asluubta, halkaasoo fariisin u ah ciidamo Ethiopian ah.

Qaraxyadaan lala beegsanayo ciidamada Ethiopia ayaa ku soo beegmaya xili ay dagaalo qaraar wali ka soconayaan gudaha magaalada Muqdisho, halkaasoo ay isaga soo horjeedaan ciidamada Ethiopia iyo kooxo diidan joogitaanka ciidamada Ethiopia ee gudaha dalka Somalia.

Gari laga soo buuxiyey walxo qarxa oo lala beegsaday hotelka ambasadoor oo dhaliyey qasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh

Ilaa ku dhawaad tobaneeyo qof oo u badan dad rayid ah ayaa ku nafweyday qarax ka dhashey gaari markII ah oo sida la sheegay laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa oo la soo dhigay dhabarka danbe ee hotel ambasadoor ee magaalada muqdisho ugu yaraan 4 saacadood ka hor saacado inta uuna qarxin sida ay dad goobjoogayaal ah sheegayuaan waxaa sidoo kale dhawac uu ka soo gaaray tiro intaa ka badan

Sida ay sheegayaan dad goobjoogayaal ah dadka dhintey intisa badan ayaa waxaa ay ahaayeen dad rayid ah waxaana laga maqlayey qaraxaan meelo badan oo magaalda ka mid ah isla markaana waxaa nalalakii ka daateen dhimayaasha ka agdhawaa kuwaa soo uu gilgilay qaraxu ,

Dadka dhintey meydadkooda ayaa laka la garan waayey kuwaas oo noqday cad cad hilib ah oo kale waxeyna firir ahaan u tageen meelo ka fog fog halka uu qaraxu ka dhacay .cid shaagaytey qaraxaas in ay iyadu ka danbeysay ma jirto sidoo kale waxaan la garaneynin cidii ka danbeysay dhacdadaan naxdinta leh.

Muuse Maxamuud Jiisow
somali39@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
025215576666
002521653623

Apr 25, 2007

mplsQabsashada Sharcidarada ah ee Itoobiya iyo Xasuuqa ummadda...
Shir weyne lagu qabtay magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka ayaa looga hadlay xaalada Soomaaliya..
Akhri...


 

soomaaliBAYAAN KA SOO BAXAY JAALIYADDA DAAROOD EE LONDON, UK...

Waxayna ugu baaqeynaa ummadda Soomaliyeed in ay ka qayb galaan dagaalka looga xoreynaayo dalka gumeystaha Itoobiya iyo in...

Akhri...


mplsMinnesota, USA: Shir ay yeesheen Beesha Hawiye
Wax garadka, culumaaudiinka & mutacalimiinta beesha.... Akhri...
 

denmarkJaaliyadda Soomaalyeed ee Denmark oo shir ka yeelatay arrimaha Soomaaliya
Shirkaas oo ay ka soo qeyb galeen dhammaan qeybaha kala duwan ee jaaliyadda ayaa Akhri
 

bannaanbaxSoomaalidda  Minneapolis oo ka mudaaharaaday Xasuuqa Muqdisho
In badan oo ka tirsan jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minneapolis ayaa ka qayb qaatay banaanbax Akhri...

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com