SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Masaxbaa in dhulka Soomaalida Ogaadeenya ee ay Itoobiya gumaysato loogu yeedho (Ismaamulka Soomaalida Itoobiya?)

Mukhtar Gundid
gundid@gmail.com

Dadka soomaaliyeed waa dad uusan xataa wakhtigu wax barin,kuma fogaadaan qiimaynta dhacdooyinka iman kara mustaqbalka iyo raadreebka kuwii tagay.

Soomaalidu halgankeedu wuu midaysnaa kahor xoriyaddii labadii qaybood ee Soomaaliya 1960kii,markii labadaas gobol ay xoroobeen ayaa waxay iska iloobeen walaalohoodii ku hadhay gumaysiga.

Shakhsiga Soomaaliga ah ee kunool Muqdisho,Boosaaso,Hargaysa iyo meelo kale oo badan marka uu warbaahinta ka maqlo dhibaatooyinka uu cadawgu ku hayo dadka Ogaadeenya ama falal ay fuliyeen xoogagga Wadaniga xoraynta Ogaadeenya ayaa waxay ula mid tahay sidii iyadoo laga hadlayo Afganstan ama meelo kale oo Aasiya ah.

Ma odhan karnaa markaas dadka Soomaaliyeed ee ku nool Jamhuuriyaddii xorta ahayd kama damqanayaan gumaadka joogtada ah ee lagu hayo Soomaalida Ogaadeenya?

Bal kawaran akhristoow sidii maalin maalmaha kamid ah Ogaadeenya loo qabsaday ayaa maantaba Gaalkacyo,Hargaysa,muqdisho iyo Kismaanyaba loo qabsadaye hadaan dhulkaas ugu Yeedho (Jawhar oo katirsan kililka lixaad ee ismaamulka soomaalida itoobiya!?) waxaa xaqiiqo ah in maanta ayna jirin wax ay ku kala duwan yihiin soomaaliya iyo Ogaadeenya, bal e Ogaadeenya ayuuba udhaqdhaqaaqayaa urur 23 jirsaday oo cagta saaray wadadii toobiyaha ahayd.

Qoraalkan waxaa iga keenay waxaan akhriyay qoraal uu kusoo baxay Internetka Ayaa waxa uu qormadiisa cinwaan uga dhigay (In ku Dhow 70 Askari Oo Ethiopian ah oo Ku Nafwaayey Weerar Ka Dhacey Deegaano ka tirsan Ismaamulka Somalida ee Ethiopia) saw markaas uma muuqato in dhadhanka qormadani ay Itoobiya u xalaalaynayso dhulkaas? eraygan uu webku sida ka fiirsasho la'aanta ah uu qoray:-

  • Ayaa waxaa unaf wayday Boqolaalan kun oo N/hure oo geeri ka doortay haysashada itoobiya ee dhulka Ogaadeenya.
  • Waxaa unaafoowday boqolaalan kun oo ruux oo aan marna ku qacni Karin in itoobiya ay dhulkoodii ku naalooto.
  • Waxaa ubarakacay boqolaalan kun oo ruux oo guuraa madage wadanka dhexdiisa hadba dhinac uhayaama.
  • Waxaa uqaxootiyay boqolaalan kun oo ku kala silicsan dabalada aduunka.

Shakhsiga Itoobiyaanka ahi marka uu ka hadlayo ama uu tilmaamayo dhulkaas waxa uu adeegsadaa (OGADEN ama GOBOLKA SOOMAALIDA ama ).

Hadaba ninkii Itoobiyaanka ahaa ee cadawga u ahaa umadda soomaaliyeed iyo muwaadhinkii Soomaaliyeed ee odhaahdaas qoray keebaa sax ah?waxaan jawaabteeda u daayay muwaadhinka xalaasha ah ee Soomaaliyeed.

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa Maroodigu wuxuu afkiisa ka cuno dabadiisa ayay ka jeeban tahay xaqiridda iyo dhabarjabinta walaalkaa waxay keentaa in dhibkii isaga haystay oo kale uu mar uun adigana ku qabsado,sida maanta taagan ee Itoobiyaankii aad nagu dayriseen ee aad waliba noo dhabar jabiseen uu ku amar-kutaaglaynayo ciiddii soomaaliyeed.

Mukhtar Gundid
gundid@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Apr 26, 2007

Wafdi ka socda Dowladda Federaalka oo Liibiya ku sugan

ShiineDhagaxbuur: 74 Qof oo Ku Dhintay Weerar lagu qaaday Xarun ay Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen..
9 qof oo shaqaale Shiine ah ayaa ka mid ah dadka ku dhintay weerarkaas oo ay sheegatay jabhadda...
Akhri...
 

mplsQabsashada Sharcidarada ah ee Itoobiya iyo Xasuuqa ummadda...
Shir weyne lagu qabtay magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka ayaa looga hadlay xaalada Soomaaliya..
Akhri...


 

soomaaliBAYAAN KA SOO BAXAY JAALIYADDA DAAROOD EE LONDON, UK...

Waxayna ugu baaqeynaa ummadda Soomaliyeed in ay ka qayb galaan dagaalka looga xoreynaayo dalka gumeystaha Itoobiya iyo in...

Akhri...

mplsMinnesota, USA: Shir ay yeesheen Beesha Hawiye
Wax garadka, culumaaudiinka & mutacalimiinta beesha.... Akhri...
 

denmarkJaaliyadda Soomaalyeed ee Denmark oo shir ka yeelatay arrimaha Soomaaliya
Shirkaas oo ay ka soo qeyb galeen dhammaan qeybaha kala duwan ee jaaliyadda ayaa Akhri
 

bannaanbaxSoomaalidda  Minneapolis oo ka mudaaharaaday Xasuuqa Muqdisho
In badan oo ka tirsan jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minneapolis ayaa ka qayb qaatay banaanbax Akhri...


 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com