SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Soomaaliya maxaa la isku hayaa?yaase isku haya?maxaase xal ah?

mahad herse
htrmah@aol.com

Marka laga hadlay mushkiladda soomaaliyeed,ayaa waxay dood iyo muran balaarani ka taagan tahay oo aan wali jawaab sugan loo hayn suaasha ah:maxaa la isku hayaa soomaaliya?yaase isku haya soomaaliya oo ku diriraya?. Waxay suaashaas jawaabteedu ay asaas iyo fure u tahay xalka iyo dawada loo heli karo mushkiladda soomaaliya oo ay meelo badan iyo marar badan oo la isku dayay in dhibaatadaas soomaaliya xal loo helo lagu guulaysan waayay oo lagu hungoobay. Haddaba waxay jawaabta su’aashaasi muhiim ugu tahay xalka mushkiladda soomaaliyeed ayaa ah, iyadoo haddii aan marka hore la ogaan jirrada iyo xanuunka qofka haya,ayaysan suurtagal ahayn in markaa dawadiisa la helo.

Waayo qof aan xanuunkiisa la ogayn dawada lagu daldalaa ee la iska siiyaa,waxay ku sii kordhisaa xanuunkii hayay ee dawo uma noqoto. Marka soomaaliya waxay noqotay nin aan isagoo xanuunkiisii iyo waxa haya aan la qaoon dawo lagu daldalayo oo la iska siinayo. Waxayna soomaaliya ku waalatay markii xanuunka iyo jirrada haysa la garan waayay, shirar dib u heshiisiineed oo madhalayas ah oo aan waxba ka soo baxayn.

Waxay soomaaliya ku waalatay koox hebel ayaa maqan iyo hebel ayaan joogin, oo haddii la helo koox hebel iyo qof hebel arrintu way hagaagaysaa,iyadoo aysan koox hebel iyo qof hebel haddii ay yimaadaanna aysan waxba soo kordhinayn,waayo maba aha meesha ay dhibaatada ka jirtaa qof hebel iyo koox hebel maqan ee waa meel kale oo u baahan in horta la fahmo lana garto, waxa soomaaliya ka qaldan iyo waxa la isku hayo ee ay dhibaatadu tahay?iyo cidda isku haysa ee ku diriraysa?,iyadoo markii taas la garto oo aad loo fahmo, markaa dawadeeda iyo xalka arrinta la raadin karo lana garan karo meesha wax ka qaldan yihiin ee sixidda u baahan. 

Haddaba si aan su’aashaas jawaab ugu helno furana ugu raadinno xalkeeda una ogaanno cidda soomaaliya isku haysa,ayaan halkan ku faaqidi doonaa su’aashaas jawaabteeda iyo qolooyinka soomaaliya isku haya cidda ay yihiin. Soomaaliya waxaa isku haya qolooyin iyo kooxo ay u dhaxayso tartan iyo loolan aydhiyoolajiyo, taas oo macnaheedu yahay in dagaalka iyo loolanka qabiileed iyo tan kooxeed iyo urureed iyo shakhsiba aysan ahayn wax kale aan ka ahayn waji uu leeyahay dagaalkaas aydhiyoolajiyo ee baahsan. Waxayna qolo iyo koox waliba ay tahay waji matalaya dagaalkaas aydhiyoolajiyo ee socda oo ay jilaa ka tahay oo ay matalayso,iyadoo ay qolo walibana ay hadba dagaalka aydhiyoolajiyo uga jirta oo ka jilaysa hadba meesha ay leedahay dantaada siyaasadeed iyo maslaxadaada ayaa ku jirta oo aad kaga macaashaysaa. Waxaa dagaalkaas aydhiyoolajiyo ee soomaaliya ka aloosan aan u dhigi karnaa ama aan u qaybin karnaa mid ay wadaan oo ay hormood ka yihiin oo ay jilayaan dhowr kooxood oo aan hoos ku caddayn doono kuwaas oo kala ah: 

A)kooxda iyo qolo cilmaaniyeed oo qawmi ah oo ummadeed ama qaran(secular nationalism). Waxaa kooxaha noocan ah ee aydhiyoolajiyo tusaale u ah ama manhajka noocaas ah cabiraya oo matala, kooxaha cilmaaniyeed ee qawmiga ah oo ay ka mid yihiin kooxihii soomaaliya soo maray oo idil,laga soo bilaabo ururkii SYL oo ahaa urur qawmiyeed oo cilmaani ah. Waxaa kale oo iyana ka mid ah kooxahaas kooxdii milatariga ahayd markii danbena noqotay oo u xuubsiibatay xisbigii hantiwadaagga kacaanka soomaaliyeed(XHKS). Waxaa iyana isla manhajkaas ku socday oo waddadaas raacay kooxihii ka danbeeyay ee intii burburku jiray iyana samaysmay oo ay ka mid ahaayeen kooxihii SOODERE iyo tii CARTE iyo tan hadda u danbaysay ee IMBAGAATI lagu magacaabo. Waxay kooxahaas qawmiyeed ee cilmaaniga ahi ay dhammaantood ku fashilmeen kuna guuldaraysteen in ay iswaafajiyaaan oo ay kulmiyaan aydhiyoolajiyada qawmiyeed ee ummadeed iyo qaran(nationalism) iyo, xukun wanaagsan oo dimuquraadi ah oo xalaal ah oo shacab iyo bulsho oo toleed oo ay bulshaweynta dhaqameed leedahay ama matala oo ay qayb ka tahay oo ay iyadu samaysatay oo wakiil ka ah

Waxay kale oo ay kooxaha cilmaaniyeed ee qawmiga ahi ay ku fashilmeen kuna guuldaraysteen in ay samays iyo rakibaad(murakib) unug xaddaaradeed oo iskudhafan, islamarkaana ishaysta oo kulmiya ama mataaneeya isna waafajiya oo muwaafaqo u sasmeeyaan marka la yiraahdo nidaamka dawladnimada casriga ah ee madaniyeed iyo magaalo(modern state)iyo khusuusiyaadka mujtamaca soomaaliyeed ee qaab dhismeedka dhaqameed ee toleed ku salaysan(kinship society unit).  

B)Waxaa kale oo iyana masraxa siyaasadda soomaaliyeeed ku soo biiray oo colaadda iyo loolanka aydhiyoolajiyo ee socda dhinac iyana ka noqday oo soo galay koox cusub oo iyana lagu magacaabo kooxda islaamiga ah ee soomaaliyeed ee qawmiyeed. Waxaa iyana kooxdan matala ama tusaale u ah kooxda maxkamadaha shareecada islaamka soomaaliyeed ee iyadu magacan la baxday(SIUC). Waxay kooxdan cusubi iyana noqotay mid ka mid ah kooxaha siyaasadeed ee xukunka kula tartamaya kooxihii siyaasadeed ee horay u jiray ee cilmaaniga ahaa ee qawmiyeed,kiyadoo kooxahan dhammaantood ay ka siman yihiin ayna wada haraysay oo ay ragaadisay aqoonla’aan iyo damiinimo siyaasadeed oo weyn,iyadoo kooxahani aysan garanayn fahamsanaynna macnaha iyo ujeeddooyina siyaasadeed iyo sida loo hirgaliyo ee loo dabaqo siyaasadda iyo dawga ay leedahay ee loogu dhaqmo loona daadihiyo,loona tarjumo barnaamijyada iyo qorshayaasha siyaasadeed iyo ujeeddooyinkeeda.

Waxayna kooxahani haddii ay noqoto kuwa cilmaaniyeed ee qawmiga ah  iyo kuwa islaamiga ah ee soomaaliyeed oo dhami ay kulligood ay ku fashilmeen kuna guuldaraysteen iyagoo ay kari waayeen in ay kala gartaan ayna kala soocaan marka la yiraahdo baddalidda iyo doorinta afkaarta iyo qanaacaadka dadka iyo bulshada dhaqameed ee toleed eek ala duwan, ama diineed ee dariiqooyin ama madhabeed ee kaladuwan iyo ilaalinta iyo u adeegidda danaha baahiyada iyo himilooyinka madaniyeed ee bulsho iyo dhaqan iyo toleed iyo siyaasadeed ee khaaska ah ee gaar ahaaneed ee ay gaarka u leeyihiin bulshooyinka iyo beelaha dhaqameed iyo toleed ee maxaliga ah. Waxaana u adeegidda danaha iyo baahiyaha noocan ah ee dhaqameed iyo toleed ee bulsho ay tallaabo fiican oo bilaw ah ay u tahay in laga gudbo lagana koro barnaamijyada iyo qorshayaasha siyaasadeed ee kooxahan aan soo tilmaanay eek u salaysan qaabka daahirineed(purisation)ee ku dhisan hannaanka raacdaynta iyo burinta iyo cayrinta tilmaamaya ee fogayn iyo fiijinta ku dhisan(iqsaa’i). 

Waxay iyana kooxaha noocan ah ee qawmiyeed marka la fiiriyo labadooda qayboodba ee kuwooda cilmaaniyeed iyo kuwooda islaamiyiinba ay yihiin kuwo buklshada u horseeday islamarkaana sababa oo dhaliya in ay bulshada ay la soo daristo ayna soo waajahdo oo ay ku kufto kuna dhacdo dabinka kalaqaybsanaan xoog leh oo ay u kala qaybsanto si weyn ayna noqoto bulshadu mid u kala qaybsan una kala baxda laba qabiil iyo laba qaybood oo iska horjeeda isna mudaya oo isdiidan isna dilaya oo loolan iyo hardan u dhexeeyo. Waxayna kooxda cilmaaniyeed ee qawmiga ahi ay dadka u kala qaybisaa una kala dishaa oo isaga horkeentaa iyadoo ka dhigta una kala saarta kuwo soomaali ah oo waddani ah oo kacaameed iyo kuwo aan waddani iyo soomaali aan ahayn oo soomaalidiid iyo qarandumis iyo dawladdiid ah(Somali and nonsomali). Waxay iyana sidaas oo kale ay kooxda islaamiyiintu iyana ay noqdeen kuwo dadka u qaybiya una kala dilay oo u kala saaray laba qolo iyo laba qaybood oo u kala qaybsan islaamiyiin iyo kuwo aan islaamiyiin aan ahayn oo ashahaado la dirir iyo gaaloraac ay ku sunteen(Islamic and nonislamic)

C) Waxaa kale oo iyana jira ifafaale bilaw ah oo soo kacay,ifafaalahaas oo soo badanaya isna soo taraya oo ay dabayshiisu ay socoto,iyadoo ay soo muuqato ifafaalaha tusaale iyo naamuunad cusub oo kuwaas hore ka baddalan kana duwan oo khilaafsan. Waxaana tusaalaha noocan ah aan ku magacaabi karnaa ama aan ku tilmaami karnaa tijaabo koox iyo qolo iyadu ah kuwo muxaafid ah oo libaraaliyadeed(conservative liberal). Waxaa kooxdan iyo qoloda noocan ah ee isbaddaldoonka ah(liberal)islamarkaana muxaafidka ah oo dhaqameed(conservative) ama shacab iyo toleed ee bulsho tusaale u ah oo aan soo qaadan karnaa moodada iyo naamuunadaha tusaalayaasha maamulada soomaaliland iyo puntland oo kale,iyagoo tusaalayaashaan ay laftigoodu kaladuwan yihiin oo aanaan taas hadda halkan uga hadlayn mowduucayaguna uusan taas hadda ka hadlayn laakiin hadda waxay wadagaan in ay labudaba yihiiin maamullo toleed iyo shacab oo ay bulshooyinka iyo beelaha maxaliga ah ee toleed ay samaysteen. Labaduna ay ka dhasheen shirweynayaal dastuuri ah oo ay asaas iyo tiir u ahaayeeen beelaha SNM oo ay soomaaliland ka dhalatay iyo shirweynihii BOORAMA iyo shirweynihii kale ee isna GAROOWE ka dhacay oo isna dhalay maamulka iyo dawlad goboleedka puntland oo ay beesha kale ee SSDF iyana asaaska u ahayd. Waxaase jira oo ay SOOMAALILAND  ku guulaysatay oo gaar u ah, iyadoo samaysay golayaaal kala duwan oo guurtiyeed iyo dhaqan iyo kuwo wakiileed oo la soo doortay iyo doorashooyin madaxweyne oo dimuquraadiyadeed iyo xisbiyaal doorashooyinkaaas ku tartama oo qaran,iyadoo aysan arrimahaas oo dhan aysan wali ka hirgalin puntland oo aysan ku guulaysan in ay sidaas oo kale ay horay ugu socoto una hormariso hay’adaheeda dawladeed iyo siyaasadeed ee casriyeed. 

Waxaa maamuladaasi ay yihiin ama la oran karaa oo lagu tilmaami karaa in ay yihiin maamullo waddani ah oo casriyeed(land)islamarkaana ah kuwo toleed oo muxaafida ah oo shacab iyo bulsho oo qayb ka ah kana tirsan oo halganka iyo hawlgalka  isbaddalkooda siyaasadeed yahay mid ka dhacay gudaha(revolution within) bulshada dhaqameed iyo toleed ee maxaliga ah(traditional kinship local community),kuna yimid oo isbaddalku ka dhashay hannaan dimuquraadiyadeed oo shacab iyo toleed oo bulsho oo aan ahayn isbaddal duleed(revolution without) oo dul ka keen ah oo dibadda iyo bannaanka ka ah bulshada dhaqameed iyo toleed ee shacab ee maxaliga ah. Qoladani waxay uga duwan tahay qolooyinkii hore iyadoo tijaabadoodu tahay mid ku salaysan, in la helo lana abuuro tarkiib iyo isasaar lakab(murakib) xaddaaradeed iyo unug ishaysta oo iskudhafan iskuna dhan oo kulmiya iskuna dhaada oo iskudhafa, nidaamka dawladnimada waddaniga ah ee casriyeed iyo, khusuusiyada hidde iyo dhaqan ee bulsho ee ku salaysan hannaanka dhaqameed iyo toleed ee mujtamaca soomaaliyeed u samaysan yahay,la iskuna dhafo oo la isku mataaneeyo la iskuna sidko oo la isku irmaaneeyo lana kulmiyo, labadaas nidaam ee kan casriyeed iyo dawladeed ee waddaniga ah iyo kan dhaqameed ee toleed ee qadiimka iyo hiiddaha taariikheed iyo dhaqan ka soo jeeda,loona helo oo loo sameeyo tarkiib iyo unug samays lakab xaddaaradeed oo kulmiya iskuna kaba oo mataaneeya labadaas nidaam ee aan soo tilmaanay. 

Haddaba dagaalka iyo colaadda soomaaliya ka aloosan ee ka socdaa ee ay colaada naacaas ah ee aydhiyoolajiyo ay asaaska u tahay ee ay ka danbayso,waxaana xalka soomaaliya ku xiran yahay, sida hadba colaadda noocaas ah ee aydhiyoolajiyo xal iyo dawo loogu helo loogana gudbo oo la helo itijaah iyo jiho mawqif kaliya oo la isku raacsan yahay laguna midaysan yahay oo la wada ogolyahay oo la isku ogyahay. Waxaana helidda moqif iyo itijaaha noocan ah ee la isku raacsan yahay ee muwaafaqada lagu yahay ay tahay tan kaliya iyo tallaabada u horraysa ee furaha u ah xalka dhibaatada iyo qaska jaahwareerka siyaasadeed iyo colaadda aydhiyoolajiyo ee ma dhalayska ah ee soomaaliya ka taagan ee ragaadisay. Waxaana su’aasha halkaas ka soo baxaysa ee la isweydiin karaa ay tahay;ma waxay soomaaliya ahaan doontaa mid u garbaduuban oo u qabbiran wasaayada qolooyinka iyo kooxaha hore ee kacaameed ee aan soo tilmaanay, oo ah qolooyinka cilmaaniyeed ee qawmiga ah iyo kuwo islaaminiyeed ee iyana qawmiga ah ee soomaaliyeed ee hannaanka kooxeed iyo urureed(elite) ku salaysan. Mise waxay soomaaliya u dhaqaaqi doontaa oo ay wajigeeda u duwi doontaa oo ay cagta saari doontaa isbaddalka dimuquradaaiyadeed lana qaaadan doonaa tijaabada kooxaha libaraliyadeed ee muxaafidka ah ee aan soo tilmaannay,waa tijaabada qolooyinka ay tusaalaha u yihiin ee ay matalaan maamulada soomaaliland iyo puntland kuna salaysan oo ka tarjumaya isbaddalka kacaameed ee dabacsan ee aan shanqarta iyo buuqa iyo xasaradda toona aan lahayn ee saanta qabow,laguna higsanayo nidaam maamul iyo dawladeed oo casri ah oo waddaniyeed kuna dhisan tijaabo hannaan isbaddal dimuquraadiyadeed oo shacab iyo toleed  oo bulsho ku salaysan 

Waxaa soomaaliya horyaal maanta oo u yaal in ay yeelato itijaah iyo jiho la yaqaaan oo sugan oo lagu midaysan yahay la iskuna raacsan yahay lana doorto oo la ansixiyo lagana heshiiyo oo la isku waafaqo nidaamka siyaasadeed ee dalku yeelanayo ee mustaqbalka la dabaqayo lana qaadanayo ee la raacayo laguna shaqaynayo ee la isku ogyahay  la iskuna waafaqsan yahay si buuxda oo aan madmadow ioyo mugdi toona lahayn. Waxaana khiyaarka iyo doorashada soomaaalida u furan oo hortaal ay tahay laba arrimood oo kala ah, in la qaato oo la taageero kooxda iyo qolooyinka hore ee aan soo tilmaanay iyo kooxaha iyo ururada garabyada siyaasadeed ee itijaahooda siyaasadeed ku wajahan yahay, in uu sii jiro laguna socdo oo la sii wado lana sii haysto oo lagu dhaganaado wadciga jira iyo tijaabooyinkii hore ee la soo maray ee ay qolooyinka iyo kooxaha cilmaaniyeed ama diimeed ee islaamiyiin ee qawmiga ah ee soomaaliyeed ay wataan ee aan soo tilmaanay ee hannaanka kooxeed iyo urureed ku salaysan(functionalism),ama in moodada iyo tusaaalaha danbe ee ku salaysan hannaanka isbaddalka dimuquraadiyadeed ee gunta dheer ee hoos u qodan ee shacab iyo bulsho oo toleed iyo waddaniyeed oo casriga ah ku salaysan la qaato lana dabaqo oo la tixraaco. Waxaana hannaanka iyo moodada tusaalaha noocan ah tusaale u ah oo looga dayan karaa lagana tixraaci karaa oo dabaqay kuna socda waddadeeda oo qaatay tusaalahaas maamulada soomaaliland iyo puntland 

Haddaba marka la fiiriyo tijaabooyinka isbaddal doonka ah ee libaraaliyadeed ee muxaafidka ah ee aan soo tilmaanay,kuna salaysan isbaddalada dimuquraadiyadeed ee shacab iyo toleed ee ka hirgalay kana hanaqaaday tusaalahana ay u yihiin maamulada soomaaliland iyo puntland, ayaa waxaa la oran karaa in tijaabooyinka isbaddaladaas dimuquraadiyadeed iyo maamuladaas dawladeed ee waddaniyeed ee shacab iyo toleed ee casriga ah ee bulsho, ay khatar weyn iyo duulaan ay ku hayaan ugana imanayaa had iyo jeer luggooyo iyo hagardaamo joogto ah, wax aan ku tilmaami karno ama la oran karo qolooyin iyo kooxo barnaamijkooda iyo itijaahooda siyaasadeedba yahay kuwo ku salaysan ama cabiraya oo ku taagan kuna dhaggan oo ku socda qorshe iyo manhaj asalraacnimo cilmaaniyeed oo qawmi ah(radical secular nationalism)iyo sidoo kale iyana tijaabo iyo itijaah ku wajahan ama tilmaamaya oo ku salaysan asalraacnimo islaami ah oo qawmi ah oo soomaaaliyeed(radical Islamic nationalism).

Waxayna labada qoloba isaga mid yihiin oo ay wadaagaan kana siman yihiin iyagoo ay labaduba ay ka duulayaan kana ambaqaadayaan oo ay hagto qanaaco daati ah oo aydhiyoolajiyadeed, iyadoo ay sheeganayaan iskuna magcaabaan oo iska dhigaya kuwo ku hadlaya oo astaan u ah oo matalaya una taagan xaqiiqda iyo xogogaalnimada oo idil oo tilmaan iyo summad u ah magaca ummadeed iyo qaran ee qawmiyeed gabiahaantiisba,ama magaca islaameed ee qawmiyeed iyo ummaddeed guud ahaanba. Waxayna asalraacnimada islaamiyiintu iyo kooxaha iyo qolooyinka radikalka ah ee islaamiyiinta ku magacaaban ee matala ay falsafadooda iyo sharciyadooda fikriyeed iyo siyaasadoodaba ay ka qaataan daliil iyo xujana ay ka dhigtaan muqaddasnimada taariikhda iyo risaalada islaamiga ah iyo salafkii saxaabiyeed ee toosnaa in ay matalayaan oo aan cidina mucaaradi Karin hadalana aan lagu celin Karin oo ay muqaddas yihiin,iyadoo ay iyana qolooyinka kale iyo kooxaha cilmaaniyeed ee qawmiga ahi ay falsafadooda iyo fikirkooda aydhiyoolajiyo iyo siyaasadeedba ay ka qaateen daliil iyo xujana ay uga dhigtaan aydhiyoolajiyada cilmaaniyeed oo yurub laga soo masaafuriyay lagana soo bawsaday, iyadoo aan wax naqdi daati ah oo dhab ah oo qotodheer ama mug leh iyo dib u qaabayn ballaaran aan lagu samayn fikirkaas iyo aydhiyoolajiyadaas lana waafajin oo aan lagu dhererin waaqica iyo duruufaha dhaqan,bulsho,toleed,deegaan,siyaasadeed ee maxaliga ah ee dhaqameed.

Waxayna qolooyinka iyo kooxaha cilmaaniyeed ee qawmiga ahi ay ku baddaleen muqaddaskii diineed oo lagu  bannaysanayay in kalitalisnimo iyo ismagacow diimeed iyo xorriyad kacaan islaameed iyo diimeed lagu baddalo, muqaddas cusub oo casriyeed(modernity),kaas oo ay ku xukumayso kuna qiimaynayso oo ku dhudhuminayso taariikhda iyo hiddaha iyo dhaqanka dadka iyo bulshooyinka kale oo mujtamaca soomaaliyeed ka mid yahay ee dhaqameed,iyadoo la barbardhigayo taariikhda iyo dhaqankii reer yurub ee casriyeed iyo dawladeed,iyadoo muqaddaska casriyeed ee cusub ee masaafuriska ah magaciisana lagu jidaynayo laguna xalaashanayo in lagula macaamilo lagulana dhaqmo, dhinaca kale ee toleed iyo dhaqameed dhaqan iyo macaamil ku salaysan oo ay asaas u tahay iska sarraysiin iyo qab iyo islaweyni iyo aan kuu taliyo iyo wasaayo,taas oo ay waliba weheliso oo ay dheer tahay gaalayn siyaasadeed kaas oo u fasaxaya kooxaha iyo qolooyinka cilmaaniyeed ee qawmiga ah in ay cunfi iyo maquunis kula dhaqanto kuna cadaadiso oo ay ku cabiidiso dhinaca kale ee dhaqameed iyo bulshaweynta toleed ee beeleed iyadoo lagu suntayo in ay qabiil iyo qarandumis iyo jaahilnimo iyo badawnimo dib u socodnimo ah ay ku sifawday,taas oo lagu qunsanayo laguna jidaysanayo oo lagu xalaashanayo kalitalisnimo iyo diktatooriyad magaca xorriyadda qawmiyeed iyo dawladeed ee qaran. 

Haddaba tijaabo kasta oo dib u heshiisiineed iyo isbaddal kasta oo ku wajahan kana tarjumaya tijaabada tusaalaha qolooyinka cilmaaniyeed ama diimeed oo islaamiyeed ee aan soo tilmaanay kuna salaysan yahay qorshaha barnaamijkooda aydhiyoolajiyo iyo siyaasadeed qaabka hannaanka kooxeed iyo urureed oo kacaameed(radical revolutionary ideologies),ayaa waxay tijaabooyinka iyo dadaalada noocaas ah iyo qolooyinka iyo kooxaha hormoodka ka ah tijaabooyinkaas ay yihiin kuwo aan waxba ka soo baxayn oo hal bacaad lagu lisay iska ah,iyadoo tubta iyo tijaabada kaliya ee soomaaliya u furani ay tahay tijaabada tusaalaha moodada libaraaliyadeed ee muxaafidka ah, kuna salysan qorshaha barnaamijka isbaddalka dimuquraadiyadeed ee qotoda dheer ee hoos u qodan ee bulsho iyo toleed,iyadoo tijaabada iyo moodada noocan ah ay tusaale u yihiin maamulada waddaniga ah ee toleed iyo bulsho oo casriga ah ahna tijaabo isbaddal doon ah(reform) oo libaraaliyadeed islamarkaana muxaafida ah oo dhaqameed iyo toleed oo bulshon iyo shacab. Waxayna maamuladaasi ku guulaysteen in ay tarkiib iyo unug xaddaaradeed oo ishaysta oo midaysan(organic)ay u sameeyaan nidaamka dawladnimada casriga ah ee waddaniyeed iyo nidaamkii hidde dhaqameed ee shacab iyo toleed ee qadiimka ah ahaana sooyaalka dhaxalka taariikheed iyo dhaqan ee ummada soomaaliyeed khusuusiga iyo gaarka u ahaa ee lagu yaqiin. Waxaana tijaabo iyo dadaal dib u heshiisiin iyo isbaddal kasta oo aan tubta waddada noocan ah aan ku iman oo aan loo marin ay noqonaysaa luggooyo iyo gacmodaalis aan wax natiijo ah aan yeelanayn waxna ka soo baxayn balse ku dhammaan doona aakhirka halbacaad lagu lisay iyo natiijo la’aan oo eber ku dhammaada.

maqaalada soo socda waxaan ku xusi doonnaa sida wax loo dhisayo

mahad herse
htrmah@aol.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Agoosto 3, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com