SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BAYDHABO

Gudomiyaha Baarlamaanka Sh,Aadan Maxamed Nuur {Sh, Aadan Madobe) oo gudi 15-xubnood  u saarey…..)

Fadhigii 3-aad ee Golaha Baarlamaanka ee doodii mooshinka turxaan bixinta iyo dardargelinta Baarlamaanka iyo la xisaabtanka Xumuumada Prof;Geedi oo ay soo xaadireen 180 mudane, islamarkaana uu shir gudoominayey Gudoomiyaha Baaramaanka Sh,Aadan Maxamed Nuur {Sh, Aadan Madobe} ayaa gebogebadii u magacaabey gudi ka kooban 15-xubnood oo soo aruuriya sida ugu muhiimsan ee gudiyada  hawlaha  Baarlamaanka ay u gudan lahaayeen hawlahooda shaqo.

gudigaan waxaa ka mid ah Xildhibaan Maxamed Xuseen Isaaq(Afaraale), Xasan Cabdi Xiirey, Muuse Cali Cumar, Eng,Xuseen Cabdi wadae, Khadiijo Maxamed Diiriye Cali Jidow,Saynab Maxamed Caamir,C/rashiid Maxmed  Xidig, Maxamed Xuseen Raage, Fasal Cumar Guuleed,Cismaan Muqtaar Maxamed(Miirow),Axmed Cabdi (Booriile) iyo xubno kale ayaan wax waqti ah loo qaban inta,balse gudoomiyuhu wuxuu sheegey in sida ugu dhaqsiyaha badan ay uga soo baaraan degaan hawshooda.

Doodii mudanayaasha ee fadhiga sedaxaad ka hadashay oo tiradoodu ahayd 10-mudane ayaa hadii aan soo qaadano qaar ka mid ah, inkastoo dhamaantood aad moodid inay isku aragti ka ahaayeen hawlaha baarlamaanka iyo tan xukuuamda.

Khadiijo Maxamed Diiriye oo ugu horeyn halkaasi ka hadashay ayaa iyadoo fikirkeeda cabireysa waxay tiri “ Ajandaha manta na horyaala ee ay soo jeediyeen Xildhibaanada,islamarkaana ah mid lagu dardargelinayo hawlaha iyo gudiyada baarlamaanka, ma aha wixii hawsheena ah inaan ka leexleexano, hadii aan gudanweyneyna ma aha inaan dadka ku qabsano, wakiilada shacabka ayaanu nahay, shacabku wixii uu dowlada ka raba waanu ka dooneynaa,dowladana waxay shacabkeeda ka dooneyso,inaan u horseedno ayaa nalag doonayaa,si loo baajiyo kacdoon shacbi ayey tiri iyadoo hadalka sii wadata ayaa intaa ku dartey “laakiin  halkaan waxaa iiga muuqda kacdoon baarlamaan, daluna waxaa ka jira sicir barar,taasina waxaa laga doonayaa inay ka hadlaan Mudanayaasha Baarlamaanka,marka xiga intaan anaga dadd kale xisaabin waa inaan is xisaabinaa,ee jidka Xukuumada lagula shaqeyn lahaa Xildhibaanada ha soo qoreen”. Ayey hadalkeeda ku soo koobtey.

Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa isna yiri “Mooshinka Xildhibaanda keeney waa ay ku mahadsan yihiin, waxaana ku jira waxyaabo badan oo muhiim ah, waana hubaalin hawlaha DFKMG ay habacsanaan ay ku jirto, waana in la toosiyo,xiliga lakeenay mooshinka waa xili ku haboon, walaallayaal waxaa haboon in aynu dib u eegno shuruucda aynu ku dhaqano ee awoodaha kala duwan ee dowlada,inagoo fiirinayna mas’uuliyada ina saran ayuu yiri Maareeye isagoo hadalka intaa ku daray “markaan is toosinayno waa iney hawsheenu soo martaa marxalado kala duwan,hadii taasi la helo arintu waxay noqoneysaa mid ku socota sidii loogu talagalay,laakiin Baarlamaankeenu hadii meeshii ugu dambeysay uu ka bilaabo hawshu waxay noqoneysaa mid dhibaato keenta,Baarlamaanku waa inuu badbaadiyaa shacabka, islamarkaa u dhaqmaa sidii Oday Soomaaliyeed oo kale, hadaba mudane gudoomiyaha Baarlamaanku waa inaad u jihaysaa sidii uu ugudna lahaa danta guud,  mudane Gudoomiye mas’uuliyad ma aha xubinta baarlamaaniga inta soo xaadirtey ee hadana iska baxaysa hadhowna marka cod laqaadayo haa loo yiraahdo,taasina waxaan u arkaa mid ka aamusey codeynta ee ma aha mid cod dhiibtey, hadii aan eego dhinaca Xukuumada waxaa laga doonayaa in wax laga weydiiyo arimo badan sida dhisamaha maamulada kala duwan ee dalka, abuurista degmooyinka cusub IWM “.

Cali Jaamaca Jengeli oo isna halkaasi ka Hadley ayaa wuxuu yiri “ mudane  gudoomiey xilka iyo toosinta baarlamaanku hadii si wanaagsan loo hago baarlamaanku wuu hagaagayaa, waana hay’ada ugu qiimaha badan ee ay ka farcameen hay’adaha kale ee dowlada, islamarkaana ka soo dhex baxdey shirkii  dibu-heshiisiinta Nayroobi, marka waxaa haboon iyagoo ka tarjumaya danta shacabka inay Xukuumada la xisaabtamaan, shaqada Baarlamaankuna ma aha in mooshin la soo jeediyo, ama halkaam hadalo laga sheego,sababtoo ah aniga wali waxba laygama su’aalin  wasaaradeyda, Aduunku wuxuu qabaa in 7-aadkii mar Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirada la weydiiyo waxyaabihii ugu waaweynaa todobaadkaas si Baarlamaanku uu xog’ogaal ugu noqdo waxa ay qabaneyso Xukuumada, Baarlamaanku sharci dejiye oo kale ah ma aha nee isagaa kormeera xukuumada ayuu yiri Jegeli isagoo intaa raaciyey “ markaan Baarlamaanka ka weyney wax na kor meera ayaan Gudi Wasiiro ah sameyney,waxayna tageen meel badan ee Baarlamaanku waa inuu is toosiyaa markuu isaga tooso dowladu way toosaysaa ayaa hadalkiisa ku soo gunaanadey Mudane Jengeli”.

Maxamed Macallin Cismaan{All-man} Somalitalk Baydhabo.
fatxumaalik@hotmail.com


Faafin: SomaliTalk.com | Agoosto 3, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com