Dowladda Uganda iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Uganda oo kulmay,
maxaase shirkaas looga hadlay?
Shir ay ka soo qeyn galeen qeybaha kala duwan ee jaaliyada soomaaliyeed ee ku
dhaqan wadankan Uganda ayaa maanta ka dhacay xarunta guddoomiyaha Somali
Community association in Uganda, waxaana shirkaas dhicitaankiisa dalbaday
Dowladda Uganda, kaddin markii dad Soomaali ah ay dacwado u gudbiyeen xafiiska
Madaxweynaha..
Shirkan ayaa looga hadlay qodobo dhowr ah oo dhibaato ku haya Soomaalida
Uganda, kuwaas oo ay ka mid yihiin, Waxbarashada, Caafimaadka, shaqada, hogaanka
soomaalida Uganda iyo ammaanka, waxaana shirkaas oo ay goob jooga ka ahaa wakiil
si toos ah uga socday Madaxwenaha dalkan uu ahaa shir baaxad weyn oo fikrado iyo
aaraah lagu kala qaatay, iyaddo ay dhiman yihiin fadhiyo kale oo heersare ah oo
looga wada hadli doono qodobadan iyo guusha laga gaaro.
Inkasta oo kulanku u badnaa mid warbix dhinaca dowladda ka imaaneysay hadana
waa la is afgartay, waxaana wakiilka Dowladda Uganda oo warbixnadaas soo
jeedaiayy uu faah-faahin ka bixay qodobo dhowr ah.
SSanja Erie wuxuu sheegay in dhinaca waxbarasha ay carruurta soomaalida ay
dowladda Uganda qeyn weyn ka gesaysan doonto, isagaoo qeyxay in ay jirto jirina
doonto waxbarasho lacag la’aan ah ee dugsi hoose/dhexe, wuxuuna sheegay in
carruurta looga faa’iideeyo waxbarashaas, sidaas oo kale wuxuu sheegay in gacan
laga siin doono dugsiyada sare iyo jaamacadaha, inkasta oo uu SSanja ka
dhawaajiyay caqabado dhowr ah oo ay ka mid yihiin dhaqankla, isagaoo sheegay in
gabadha muslimadda Soomaalida ah ee ay ka xishooneyso sida in ay la fariisato
wiil ajanibi ka ah ama ka xishoota la fariisigiisa, sida ay sheegeyso diinta
Islaamka, waxaa kale oo sheegay in ay caqabadi ka taagan tahay dhinaca luuqada,
wuxuuna sheegay inay warbixn ku hayaan waalidiin lagu dhibo dhinaca diiwan
galinta, laakiin arrimahaas oo dhan wax weyn laga qaban doono.
“Waxaa imaan doonta xilli la isku qasbo waxbarashada oo waalidkii aan
carruurtiisa waxbarasho geyn uu muteysan doono in loo taxaabo xabsiga lusiira,
waxaan ognahay in muslimiinta wadanka aysan waxbarashada ku fir-fircooneyn oo ay
shaqooyinka ka door bidaan, laakiin qofka waxbartaa isaga ayaa halis ah oo
khatar badan kan aan waxbaran” syuu sii raaciyay.
Qodob uu muddo ku cel-celiyay wakiilka madaxweynaha ka socday ayaa ahaa
dhinaca shaqada wuxuu yiri “ma dhici karto in qof kastaahii uu shaqo helo,
laakiin waxaa jira barnaamij dowladdu ay wado oo la yiraahdo {Qof kastaahi ha
taajiro}, barnaamijkaas oo ah DEYMO ay bixineyso dowladda oo qofku wuxuu doono
lacagtaas ku sameysan karro, kaddiba tartiib tartiib uu isga bixiyo, waxaan
dowladdu daneyneysaa in ay Soomaalidu ka qeyb qaadato mashrucaas, oo aysan
dareemin wax faquuq ah” ayuu qeyxay SSanja.
Arrimaha caafimaadka oo iyaguna ku jiray qodobada u baahan in laga wada
falanqoodo ayaa wakiilku sheegay in ay ogyihiin dad badan oo soomali ah oo
caafimad darro heyso, wuxuu sheegay in iyagu ay fahmi karaan dhibku wuxuu yahay,
laakiin wuxuu yiri “Waxaan la’nahay cid aan kala xisaabtanno dadkaas oo dowladdu
wax ugu gudbiyo, waxaa jira xoogaa yar oo dhibaato ah oo ka dhextaagan dhinaca
maamulka Soomaalida Uganda, laakiin waa in deg-deg loo xaliyaa”, wuxuu sidoo
kale sheegay in diyaar loo la yahay goobo caafimaad oo dadkaas lagula tacaalo,
wuxuu yiri “Waxaan idinkaga baahanahay in aan helno dhowr qofood oo gabdho u
badan oo tababaro dhinaca caafimadka ah la idiin siiyo, waayo waxaan sheeko ku
heynaa in gabadha Soomaalida ama gabar muslimad ah uusan nin daaweyn Karin
diiniyan”, wuxuu sheegay in Bangida adduunku uu malaayiin Doolar h siiyo
dowlaadda Uganda taas oo wax weyn looga qabto arrimaha caafimaadka ee wadankan
Uganda “Ma ahan in dadka Uganda u dhashay oo kaliya lacagtaas loogu tala galay,
ee waa qof kasta oo Uganda ku nool Sooomaalidiininu waad ku jirtaan” ayuu sii
dana dhigay.
Qodob kale oo xaas-xaasi ahaa oo la soo hadal qaaday, miiskana saaran oo u
baahan in ay Soomaalida halkan joogto ay ka wada hadlaan ayaa ah HOGGAANKA,
waayo waxaa jira oo uu Ssanja soo hadal qaaday inuu jiro is dhexyaac xoogan oo
dhinaca maamulka Somali Community ah, wuxuu yiri “Waxaan dowlad ahaan idinkaga
baahanahay awoodiina oo aad ku uruurisaan hal qof oo macnahedu yahay in la helo
maamul xoog leh oo SOomaalidiina idiin dhexeeya, waxaa lagama maarmaan ah in aad
yeelataan hoogaan nala shaqeeya oo nala xisaabtama oo dadka uga faa’iideeya,
waxaan dooneynaa in aan yeelataan Maamul wanaag” ayuu ku celi-celiyay wakiilka
ka socday madaxtooyada. “Urur xoog leh haddii aad heshaan oo aad sameysataan
waxaan wada gaari karnaa guulo xoog leh oo wax ku ool ah”
Arrin faraxd leh wuxuu ku tilmaamay markii Gudoomiyaha Somali Community
Xuseen Garweyne uu dowladda Uganda u qoray waraaqad tacsi ah markii May Muqdisho
ay ku geeriyoodeen ciidamo nabad ilaalin ah oo ka tirsan Ciidanka Uganda ee
UPDF, wuxuu yiri “Waxaan tagay xaafiiska madaxa wasaaradda Gaashaan dhiga,
waxaan ku arkay waraaqaadaas oo la faaqidayo,runtiina qof kastaa farxada ayay ku
abuurtay tacsidaas iyo raali galintaas, waan la soconaa in Soomaalida halkan
joogtaa aysan is qabiil soocin, waxaan shaqsi ahaan u ogahay in aad isla
nooshihiin, jaadka wada cuntaan, fadhi ku dirirtaan, laakiin aadna qaliib ahaan
isku faquuqin, arrinkaasna waa na farxad galiyaa, waayo waxa ka socda dalka
fidnadooda idin kuma aragno”
Waxaa xusid mudan in ka hor shirka ay xubno fir-fircoon oo Soomaalida Uganda
ah ay la kulmeen Madaxweyne Museveni oo ay ka dhaa-dhacsiiyeen waxa ay ka rabaa
xiliigan, waxaa ka mid ahaa dadkaas oo ammaan xoogan shirka looga dhex miijiyay
Haweyneydii uu ka geeriyooday General Ceydiid oo lagu magacaabo Khadiijo,
waxaana runtii dhawaan dhici doona shirar kale oo is daba jog ah oo ugu horeyn
doono kan lagu mideynayo Soomaalida halkan, laguna dhisayo Urur xoog leh oo
laxisaabtan iyo wada shaqeyn muujiya.
Waxaa jiri doonaa liis gareynta ama diiwaan galinta guud ahaan soomaalida
wadanka Uganda joogta, waxaa la ogaan doonaa inta qof ee Soomaali joogta dhulka
Uganda, haddii ay ahaan lahaayeen Somali-Uganda, Qaxooti, ganacsato iyo dad si
caadi ah ugu nool intaba, sidaas oo kale waxaa la diiwaan galin doonaa da’dooda
iyo magaalooyinka ay kala yimaadeen, waxaana jiri doona guuddiyo la shaqeynaya
dowaladda Uganda oo laxuli doono dhawaan, kuwaas oo ka caawinaya diwaan galinta
iyo tirakoobka dadkaas.
Guddoomiyaha Somli community ee xilliga Xuseen Abuukar Xasan (Xuseen
Garweyne) ayaa mahad ballaaran u jeediyay ka soo qeyb galayaashii shirkaas,
isagaoo sheegay in maanta ay tahay maalin Soomaalida ay u baahan tahay in wax
loo qabto, lagana shaqeeyo sidii ay u qaadan lahaayeen dhaliilaha iyo talooyinka
dowladda Uganda u soo jeedisay, waxaana shirka oo dhacay xaruntiisa ee weli la
iclaami xilliga uu dhici doono shirka kale ee xiga kii manta ayna goob joog ka
noqon doonaan xubno sar sare oo dowladda Uganda ka socda, waxaana xubnihii ka
soo qeyb galay shirkii maanta ee Jaaliyadu isku aragtay ka mid ahaa Prof. Saalax
Carab, C/llaahi Rooble, Daahir Ocholi, Axmed Maxamed Geedi (Axmed Oromo, Abshir
Cad-ceed Faarax (Abshir Dhuuco), iyo rag kale oo Odayaal iyo dalin yaro ah,
iyadoo dhinaca Turjubaanimada ay gacan weynka geysteen rag uu ka mid ahaa Cali
Maxamed Xaaji (Cali Deeq).
W/D: Faarax Maxamed Cali (Faarax Blue)
Kampala-Uganda
Email:
farahblue_545@hotmail.com
Mobile +256 (0) 774228112
Faafin: SomaliTalk.com | Agoosto 4, 2007
Dr.Cumar
Raabi Oo Muxaadaro Cinwaankeedu Yahay Istiraatiijiyada Itoobiya Ee
Ku Wajahan Soomaaliya Ka Jeediyey Magaalada Dimishiq...
Akhri... Aug 3