SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

WARBAAHINTU MA QAREEN LOO DACWOODAA!!?.

 

W/d:- Asad Abukar Cali (Asad Yare)    E-mail asadyarencc@hotmail.com

asadyarencc@yahoo.com

 

Waxaaa baryahan soo badanayay in mas’uuliyiin waayeyn oo ka tirsan dowlada ay Warbaahinta iska dhaaf dhaafsadaan hadalo kul kulul oo dhinaca siyaasada ah.

 

Afhayeenka shirka dib u heshiisiinta C/raxmaan Shifti ayaa waxa uu warbaahinta kasheegay dhawaan in uu la heshiin doono cid alle iyo cidii ka soo horjeeda ay la heshiin doonnaan gaar ahaan Maxkamadihii Islaamiga “Xittaa  dibada waan ugu tageynaa hadii ay rabaan keliya anaga waxaan rabnaa in aan wada heshiino si loo soo afjaro dhibaatadda daba dheeraatay ee ka taagan dalka Soomaaliya”.

 

Maalin kadib waxaa isna jawaab aan lagu farxin warbaahinta ka sheegay gudoomiyaha gollaha Maxaakiimta Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxaana uu yiri “Anaga ma jirto cid toos noola soo xiriirtay, haddii ay jirtona, kama soo qeyb geli doono maxaa yeelay dalka wuxuu ku jiraa gacan gumeysi, inta uu ka baxayo dalkana nagama suurowdo inaan la fariisano gumeysi dad uu soo abaabulay”

 

Hadaba sow tani lama dhihi karo waa warar la iskala weydaarsaday keliya warbaahinta Haa.?!!! waayo sida laga dareemayay hadalada jawaabta ahaa ee  Sheekh Shariif uma muuqan in si toos ah lala soo xiriiray isla markaana loogu baaqay heshiis la isugu tagaayo meel walbo oo dunida ka tirsan aduunka sida uu sheegay C/raxmaan Shifti oo ah Afhayeenka shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed.

 

Sidoo kale, Xildhibaan Yuusuf Mire Seeraar hadaladii kululaa ee uu kula warbaahinta u soo mariyay gudoomiyaha gobolka Banaadir Maxamed Dheere wallow ay dad badan islahaayeen goorma ayuu jawaabi doonaa M/dheere sidii hore loogu bartay oo uu ahaa nin si aad ah ugu fardi baxa warbaahinta wallow wax jawaab ah uusan ka bixin warbaahinta.

 

Mida kale waxa ay tahay Xildhibaano dhowr ah oo iyagana warbaahinta ka sheegay hadalo aan wanaagsaneyn in ay xukuumada si toos ah ulla hortagaan waxaana ka mid ah Xildhibaanad Caasho Axmed C/lla iyo Xildhibaan Jinniboqor oo si aad ah u dhaliilay Ra’iisul Wasaare Geedi wallow uu geedi shir jaraa’id ku qabtay Jimcihii garoonka Aadan Cadde isagoo yiri “Waa wax laga xumaado in xildhibaanada dowladda ay Warbaahinta waxii ay doonaan ka sheegaan” ayuu yiri Geeddi oo intaasi ku daray “Dowladda waa lala xisaabtami karaa, balse maahan in xildhibaanadu ay warbaahinta u dacwoodaan, waa in dowlada lala soo xiriiraa”.

 

Waxaan kaloo si aad ah ugu xumaaday Haweeney iyana ku dacwootay warbahina sida iyadoo Qareen ama Looyar la hadleysa waxa ayna tiri “Waxaa I kufsaday ciidamada dowlada”, waxaana ka sii daran ninkeedii uu yiri “Naagteyda waa la iga kufsaday”, waxaana mar wax laga weydiiyay C/fataax Shaaweey oo ah gudoomiye ku-xigeenka duqa magaalada dhinaca amniga ayaa waxa uu yiri “Ciidamadeenu falkaasi ma aysan geysan ee waa been aan sal iyo raad laheyn” waxaana arrintan ay cadeyn u tahay in idaacadihii ay noqdeen goob ay isku dhaafsadaan dadweynaha iyo dowladda fikiro iska horjeeda, waxaana ka fiicneyd in dadka wax tabanaya ay la xiriiraan saldhigyada dowladda, haddii ay jawaab ka waayaan kadib ay warbaahinta ka hadlaan taasoo u noqon karta qiil adag oo aan dhinacna looga waaban Karin.

 

Hadaba waxaa wanagsan mar hadiiba ay war isdhaafsanayaan dad mas’uuliyiin ah in ay si toos ah iskula xariiraan si loo ilaaliyo Nidaamka iyo danta umada Soomaaliyeed Fadeexada Dowladana u yaraato sidoo kale dadka shacabka ah iyagana waxaan ka codsan lahaa markii fal loo geysto in ay dowladu la xiriiraan ama iska aamusaan koley dowlad rasmi ah oo loo dacwoodo majirt'ee,  ogowna waxaa la gaari doona maalin aad si xor ah dambigii lagaa galay ku soo bandhigi karto.

 

W/d:- Asad Abukar Cali (Asad Yare)    E-mail asadyarencc@hotmail.com

asadyarencc@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkanw axaa leh qoraaga ku saxiixan
 

Faafin: SomaliTalk.com | Agoosto 5, 2007

suuriyaDr.Cumar Raabi Oo Muxaadaro Cinwaankeedu Yahay Istiraatiijiyada Itoobiya Ee Ku Wajahan Soomaaliya Ka Jeediyey Magaalada Dimishiq... Akhri... Aug 3

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com