SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Dhaqaala xumida ka jirta dalka oo caawimaysa Shir beeleed-ka Muqdisho. 

Qore: Jimcaale Rooble (jimcaalerooble@hotmail.com).

Waxaa laga yaabaa akhristow inaad istiraahid sidee dhaqaala xumi ay u caawin kartaa Shir beeleed-ka soomaalida (sida loogu magcdaray) ee ka socda Muqdisho kaasoo sida laga soo xigtay qaban qaabiyaashiisa ay ku bixi doonto maalaayiin lacag ah, arintan waxaad ogaanaysaa markaad garato ugu horayn dadka shirka ka qayb galaya waxa ay yihiin, waxaa shirka ka qayb galaya sadex qaybood:1-Odayaal Bac madoow.  2- Siyaasi kusheega kusoo caan baxay dagaalka ahliga 3- Dad mabda’oodu yahay sab joog siyaaro joog iyo shir joog alaha naga dhigo. 

Qaybta 1aad: Odayaashii  loo bixiyay Odayaal bacmadoow  kuwaasoo ku caan baxay meelo badan oo Soomaaliya ah inay diyada boqoloowga kasoo qaadaan 2 malyan Shilin soomaali ilaa 5 malyan Sh.So. lacag u dhexaysa una dhigmaysa ku dhowaad( 100 - 250 Doolar) oo kaliya oo inta bacmadoow lagu soo qaado lagu wareejyo odoyaashaas kuwaasoo hadana xitaa lacagtaas aadka u yar aan gaarsiinin agoonta laga dhintay ee ku qaybsada fadhiga ay arintaas ku go’aamiyeen ayagoo leh haday anaga ahaan lahayn labadan beelood ee dhiigu dhex maray waa isku go’i lahaayeen , halkaasna waxaa kasii socda dhibaatadii is dilka ayaguna shaqadoodii bacmadow ayay qabsadaan. Hadaba odayaashii noocaas ahaa ayaa dhaqaalo xumi ba’ani soo wajahaday kadib  dhalashadii maamulka  maxkamadaha islaamigaa  kuwaasoo baabi’iyay dhaqamadaas guracan, hadana markii maamulka kooxda Mbagathi oo kaashanaysa ciidamada cadowga Itoobiya ay dalka yimaadeen waxaa sii socotay shaqa la’aanta ku dhacday odayaashaas, dhaqaalo xumi ba’anina way soo foodsaartay.Hadaba markay maqleen shir lasoo hadal qaaday ayaa oday walbaahi boorka iska soo jafay oo yiri shirka ayaan tagayaa isagoo leh war kolay ku qadi maynee nageeya meesha. 

Qaybta labaad:Siyaasi kusheega kusoo caan baxay daadinta dhiiga dadka soomaaliyeed  iyo gumaysi u adeega  iyo baabi’inta wax kasta oo qiimo ugu fadhiya ummadda, qaybtaani waa kuwa ugu khatarsan ee marba shaar soo gashanaya , iyagoo mar dhahaya waxaan nahay dowlad oo shir dib u heshiisiin ayaan qabanaynaa marna leh waxaan nahay shir gudoon , marna leh waxaan nahay  siyaasiyiin ka damqaday dalka dhibaatada uu ku jiro waa yaab!!! oo ma waxaan hilmaanay bilihii March April iyo May 2007 wixii ka dhacay Muqdisho , iyagoo daba dhilifyadu si aan xishood ku jirin uleh hala barakiciyo dadka reer Muqdisho, halaga guuro xaafadaha magaalada si loogu baneeyo ciidamada cadowga itoobiya inay dagaan,qaar kale waxay yiraaheen waxaan biyaha iyo caanaha ka daba qaadaynaa ciidamada itoobiya hadii lala dagaalamo. Run ahaantii waxay nasoo xasuusiyeen xiligii dagaalka lagula jiray ciidamadii maraykanka magaalada Muqdisho markaas oo qaar siyaasiyiin kusheega ka mid ah aan ka maqalnay ayagoo leh: (Labaatan kun in la dilo ayaa noo fiican si aan dhowr milyan u badbaadino), ogaaw badbaadada waxa uu ula jeedaa in Soomaaliya lagu celiyo xiligii 1943-dii ka horaysay oo ay noqoto meel awoodaha isticmaarku kala googoostaan , ragii hadalkaas iyo waxa kasii xun dhihi jiray maanta waa shirgudoonka shirka beelaha Muqdisho ka socda iyo xubnaha firfircoon ee horboodaya kooxda Mbagathi waxaad moodaa maanta inay rabaan inay suuro galiyaan wixii u socon waayay shalay , gumaysiguna si wanaagsan ayuu ula jaan qaaday maadama uu horayba usii ogyahay siyaasadda uu ku shaqaynayo siyaasi kusheega noocaas oo kala ahi Dhamaan qaybtaan aan kor kusoo sheegay ayaa markii dhaqaalo xumi ba’ani kasoo wajahday dibadda iyo gudahahaba waxay ku dhawaaqeen inay qabanqaabinayaan shir dib u heshiisiiin si uun wax san dareerto ah ay ugu helaan jeebabkooda aan buuxsamin. Ha iloobin madaxda kooxda Mbagathi oo  idaacadaha caalamka ka lahaa  wax mucaarad ah ma lihin dalkana anagaa haysana. 

Qaybta Sadexaad:Waxay isugu jiraan odayaal, xubno bulshada rayidka, iyo siyaasiyiin kusheeg aan garanayn meel laga yimid iyo meel loo socdo toona laakiin mabda’a ay ku shaqaynayaan uu yahay “Sab joog Siyaara joog  iyo Shir joog alaha naga dhigo”, kuwaasoo caadaystay qoladii gurbaan garaacaysaba inay u camiraan goobta, qaybtaan ayagana abaar ba’an ayaa ku habsatay waxaana saameeyay dhibaatada dhaqaale ee wadanku galay tan iyo shir baaskii Mbagathi soomaali dibandaabyadeeda loogu tashaday, iyaguna sidii caadada u ahayd iyagoo dheg la qabto aan lahayn ayay iska xaadiriyeen Xero gaadiidka degmada C/casiis. 

Waxaa intaas sooraaca beesha caalamka waxa loogu yeero dabcan waa Yurub iyo Maraykanka  kuwaasoo maalmahaan danbe dardar galiyay booqashada Xero gaadiid-ka Muqdisho iyagoo aad moodo inay hurdo kasoo kaceen oo mar qura arkay shir beeleed muhiim ah oo ka socda Xamar, ogaada hindisaha shirkan waxaa lagu go’aamiyay shirkii talyaaniga iyo itoobiya ay ku yeesheen Adisababa bishii Janaayo 2007 markii Meles iyo Romano Baroodi isku arkeen shirkii Midowga afrika uga socday halkaas. Maraykankanka oo la ciirciiraya guuldarada kasoo food saartay Ciraaq iyo Afgaanistaan oo aan doonayn inuu soo muujiyo dowrkiisa foosha xun ee soomaaliya ayaa asna soo xirtay shaarka UN-ka asagoo leh waxaan ka qayb qaadanayaa badbaadada shacabka soomaaliiyeed, waxaana taageersanahay shirka beelaha Xamar. 

Hadaba dhaqaalo xumida dalka Soomaaliya ka jirta maanta waxay ku caawisay kuwa shirka qabanqaabinayay inay isugu keenaan qolooyinka aan kor kusoo sheegnay, taasoo macnaheedu yahay “Nin daad qaaday xunbo cuskay”, maadaama kuwa shirka wada oo aad wajiyadooda si fiican u taqaaniin ay fashilan yihiin kuwa ay keeneena ay noocaas yihiin oo aanay waxba u qaban karin, intii sharafta bulshada ku dhex lahayd intoodii badnaydna ee ka cudurdaarteen ka qayb galka shirkaas. Mahadaas Allaah kadib waxaa iska leh xoogaga wax iska caabinta   Soomaaliyeed kuwaas oo wacad ku maray inay gumaysiga iyo gumaysi kalkaakaba ka sifayn doonaan gayiga Soomaaliyeed taasoo aan fogayn ilaahay idankiis, maalinta beri ahina qofka aan dagdagayn way dhowdahay sida lagu halqabsado. 

Qore: Jimcaale Rooble (jimcaalerooble@hotmail.com).

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Agoosto 6, 2007

suuriyaDr.Cumar Raabi Oo Muxaadaro Cinwaankeedu Yahay Istiraatiijiyada Itoobiya Ee Ku Wajahan Soomaaliya Ka Jeediyey Magaalada Dimishiq... Akhri... Aug 3

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com