SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

madasha shirka dib u heshiisiinta beelaha somalida uga socdo xerada gaadiidka booliska oo galay todobaadkiisii sadaxaad ayaa looga dooday xagjir diimeed waxa ay tahay

 

iyada oo maanta (AXAD AUG 5, 2007) laga doodayey qodobka xagjirka diimeed ayaa doodo dhaadheer oo kulkulul la isku weydaarsaday qodobkaasune wuxuu ahaa mid aad xaasasi u ah balse aan looga doodin sidii la filayey arintune waxey u ekeyd afwax cunay xishood ,walow cumulaa.udiinkii halkaa ka hadashay ay ka muuqatay dadaal ay cabirayaan fikirkooda arintaa kaga aadan ,

 

Culimadii halkaa ka hadashay waxaa ka mid ahaa sheekh smaxamed guuleed muuse oo ka hadlayey arinta xagjir diimeedka wuxuuna si cad u sheegay in uusan kitaabka alle ku arag wax la yiraahdo xagjir diimeed laakiin wuxuu sheegay in uu ku arkay munaafaqiin waa hadii loola jeedo buu yiri sheekhu ,

 

intaa ka dib ayaa waxaa hadalkii qaata oo ku dheeraaday sheekh sayid cali isaga oo amaan u soo jeediyey ugu horeyntii cidii soo abaabushay shirkaan iyo dowladihii ku caawiyey oo uu ku sheegay in ay ka mid ahaayeen dowladaha Kenya iyo Ethiopia “hadaanu nahay reer puntland horey ayey noogu jihaadeen kuwa halkaan jihadka ka wada oo kale ayuu hadalkii ku soo gegabeeyey isaga oo ka hadlay meelo badan oo ka qebgalayaashii shirka dareen kala duwan ku abuurtay ,

 

sidoo kale sheekh cali nuur macalin oo ugu cadcadaa culumaa,udiinkii halkaa ka hadashay ayaa tilmaamay xagjir in ay tahay laba arimood oo mataani ah midi waa xagjir lagu fogaaday ku dhaqanka diinta islaamka oo si hufan loo qaata mida kalena waa ka tagid diinta ku dhaqankeeda isla markaana aan lagu camal falin laabdaan arimood ayaa u muuqday in ay kala matalayaan xagjirnimada waxaana ka horeeyey magaca ah usuuli oo ahaa macnihiisu asalka diinta kuwa ku dhaqma ,

 

tadaruf ama xagjir bugad iyo xiraab ka fogaansho iyo ku fogaansho diimeed isaga oo sheegay cilmaaniyadu in ay leedahay itus o itaabsii mana aamineyso wax ay aragto ama ay gacanta ku qabsato mooyee ,

 

intii laga hadlayey qadobkii manta ee xagjirnimad ahaa ayaa  waxaa hadalkii qabsaday gudoomiyaha shirka cali mahdi mxamed oo sheegay in ay muhiin tahay manta in uu fursad dahabi ah u helay qadob qabyo ahaa kaas oo horay looga dooday maadaama ay manta so xaadireen boqoro ,ugaasyo,salaadiin,madax dhaqameedyo muhiim ah iyo iimamka beelaha hiraab iimaam maxamuud iimaam cumar kuwaas oo manta gobjoogyaal ahaa madasha shirka dib u heshiisiinta ee xerada gaadiidka booliska ,

 

cali mahdi maxamed ayaa sheegay in beelaha wax kala tabanaya iyo kuwa laga tabanayo ba in ay wanaagsan tahay in ay heshiiyaan isuna gelimaan waxaan a bilaabeyso beesha hawiye oo u geliimeyso beesha daaroodka ka dibna labada beelood waxey u gelimaayaan beesha digil iyo mirifle intaa ka dib sadaxda beeloodba waxey u geliimaayaan beesha direed intaa ka dib afarta beeloodba waxey u geliimeysaa beesha 5 aad kuwaas oo dhawaan codsaday in laga daayo aderiska in loogu yeero  sidaa ayaa buuq.la.aan la qaatay belse wax sacab ah lama raacin ,

 

xuseen sheekh axmed kadare oo halkaa hadal gaaban ka jeediyey ayaa sheegay in dhibku ka bilowday caasiamda muqdsho isla markaan ay degan tahay beesha hawiye waxaana la gudboon in ay beesha daarood u geliinto sidaa ayaa beeluba beel ugu geliinta ilaa lag agaarayo beesha lixad oo ah haweenka somaliyeed iyada oo la is gudoonsiinaayey tikaabo quran ah oo la soo diyaariyey balse markii danbe la kala boobay in kasta oo uu codsaday mudane cali mahdi inlaga reebo arintaa saxaafada oo aysan buunbuunin maadaama buu yiri ay sharaf dhac ku tahay habsami u socodka shirka haqatan ka socdo xerada gadiidka booliska ,

 

dhamaan beelihii la gudoonsiyey tikaabada oo loo geliimay ayaa wada aqbalay inkasta oo meelaha qaar laga maqlayey looma dhama arintaa iyo yeelimeyno ,

 

shirweynaha dib u heshiisiinta oo uu garhayeenka u yahay maxadaweynihii djabuuti lagu so doortey ee aan dhameysan labadiisii sano oo laga carqaladeeyey ayaa u muuqdo mid doonayo in uu la qeybsado madaxweyne cabdulahi yuusuf tiisa intii kaga qasaartey dagaalkii hubeysnaa ee uu la galay aqyaartii soo weerartay kursigiisii ee sidaa kaga daadiyey waayihiisii madaxtinimo

sidaa daraadeed waxaan leenahay cali mahdi gar leh  xaaji cabdi iimaan iyo cabdulaahi sheekh xasan gar leh oo waxaa lagu qanciyey in ay ku biiraan shirka dib u heshiisiinta ay fadhiista kana qeyb qaataan ,golaha dhaqanka ee beelaha hawiye , maxamed xasan xad iyo axmed diiriye  gar leh oo iyagu uma arkaan in ay danta umadu ku jirto in shirkaa laga qeyb galo inta ka soo qeyb gashay gar leh oo waxey istuseen in mar.uun dhibkaan ka harayo mar ahdii la isu geliimo inta diiday gar leh  waxey u arkaan shirkaan in  uu yahay mid aan loo dhameyn oo hal dhinac kaliye laga soo abaabulayo wallow aan maqlayey wejiga labaad ee shirka waxaa laga dhigayaa dalka Djabuuti ,

 

Muuse Maxamuud Jiisow

somali39@hotmail.com

Muqdisho Somaliya 

025215576666

002521653623

Faafin: SomaliTalk.com | Agoosto 6, 2007

suuriyaDr.Cumar Raabi Oo Muxaadaro Cinwaankeedu Yahay Istiraatiijiyada Itoobiya Ee Ku Wajahan Soomaaliya Ka Jeediyey Magaalada Dimishiq... Akhri... Aug 3

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com