SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

"NIMAN IS BEEN FARIIMAY WEEYAAN"

Gudoomiyaha Kulmiye ee Minnesota Oo Beeninay Shir lagula Hadlay Axmed Siilaanyo 

Waxa maalintii ay taariikhdu ahayd, Axad, 29kii July 2007 khadka tilifoonka ku xidhay gudoomiyaha ururka Kulmiye, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud, Siilaanyo, koox reer Minnesota ah oo sheegatay in ay yihiin maamulka xisbiga Kulmiye ee Minnesota, iyaga oo khadkana ay la galeen qaar ka mid ah hogaanka sare ee xisbiga kulmiye u fadhiya gobolka Ohio ee isla carrigan Maraykanka.  

Hadaba isla muddo gaaban gudaheed waxa soo if baxay in uu xiriirkaasu ahaa mid kooxaysan, si gaar ahna looga qariyay dadkii run ahaan ururka ka soo dhisay salka hoose, isla markaana sababay in uu xisbiga kulmiye noqdo kan ugu caansan maraykanka oo dhan, gaar ahaan gobolkan Minnesota. Dadkaas shirka laga qarsaday waxa ugu weynaa gudoomiyihii ururka ee Minnesota, Mudane Yuusuf Budle iyo Mr. Shiine oo ahaa xubin firfircoon. 

Yuusuf Budle
Yuusuf Budle

Hadaba si aanu u hubino sida ay wax u jiraan ayaa waxa aanu waraysi la yeelanay Mudane Yuusuf Budle, gudoomiyaha xisbiga kulmiye ee Minnesota, waxana uu waraysigayagii ku bilowday sidatan: 

Su’aal: Mudane Yuusuf waxa suuqa ku jirta in aad qaybsantihiin kulmiye ahaan, dalkii iyo qurbahaba, taasuna ay keentay in xataa si gaar ah khadadka tilifoonka loogu xirto Gudoomiyihiina Mudane Siilaanyo adiga oo aan waxba ka ogayn, marka qaybsankaasu maxay ku salaysan tahay, ma qabyaaladbaa, ma figrado kala duwanbaa, ma tartan siyaasadeedbaa, bal nooga waran? 

Yuusuf Budle: Horta waad ku mahadsan tahay sida sharafta badan ee aad iigu timid adiga oo xaqiiqada raadinaya, Mr. Khadar. Mar labaad ma qabo in uu xisbigu qaybsan yahay. Waa xisbi siyaasadeed oo dabcan, tartan gudaha ah iyo mid dibada ahiba waa jirayaa, taasna lama oran karo waa qaybsanaan ee anigu waxa aan ku tilmaami karaa socodbaradka  qaab siyaasadeedka loo yaqaan Dimuqraadiyadda. Haddii aan u soo laabto su’aasha ah ma jirtaa in khadkaas tilifoon lagaa qarsaday, waxa aan ka lee’ahay waa jirtaa, waana dhacday, sidayse u dhacday looma wada oran. Waxa jira halkan, Minnesota iyo meelo kale oo badanba shaqsiyaad aan run ahaan aqoon badan lahayn, kalana saari karin xaqiiqada siyaasadeed iyo caadifadaha saaxiibtinimo, kooxo kooxeed amaba qabyaalad hoosaadka macno beelka ah. Marka laba ama saddexnin oo gudoomiyaha, Mudane Axmed Siilaanyo, tilifoonkiisa gacanta ku soo helay tolnimo ama saaxnimo qoyseed, macno weyn kuma fadhiyayaan.  

Su’aal: Marka ma waxa aad leedahay waxa uu xiriirkaasu ku salaysnaa qabyaalad, ma sababtaasaana lagaaga qariyay? 

Yuusuf Budle: Maya, ma aanan oran taas. Waxa aan idhi: Waxa jira shaqsiyaad aanu anagu soo hadaynay, oo dhawaan ururka aanu ku soo darnay halkii ay wax qabad ka bilaabi lahaayeena, ka bilaabay raadinta tilifoonka gacanta ee Gudoomiyaha, si ay iskaga dhaadhiciyaan. Anigu ma rumaysni in ninaba qabyaalad iyo jilibaysi wax looga qarsan karo, waayo ururka Kulmiye ma aha urur reer kali ahi leeyahay, ee waa urur qaran deegaanada S/land-na looga wada dhan yahay. Waxa aan ku difaacayaa in aanay qabyaalad ku salaysnayn: Dadka laga qariyay shir/tilifoonkan keli kuma aanan ahayn ee waxa ku jiray intii run ahaan ururka ka wadday Minnesota. Madaxda sare ee ururkana waanu kala hadalnay, una sharaxnay sida ay wax u dhaceen. Midda kale anigu, shaqsiyan Kulmiye, dee cidna marti ugama ahi, xataa golaha fulinta iyo gudoomiyaha ku dar’oo. Kulmiye waa ururkaygii, waanan ku talo jiraa, iyadoo si gaar ah la iigu casumay, in aan dhawaan dhulkii aado, intaan hadda kaga jirana in ka badan ka sii galo. 

Su’aal: Marka aad leedahay “waanu kala hadalnay madaxda sare ee ururka”, yaad u jeedaa, ma gudoomiyaha laftiisa, ma kuwo kalaa, sideedse ula xidhiidheen. 

Jawaab: Taasu waa arrin anaga noo gaar ah, meeshase ay go’aamadu ka go’aan waanu war gelinay, waanay nala qaateen. Arrinku ma aha hebelbaa hebel la qayila ee u dir iyo hebelbaa hebel ay laba kala tirsadaan. Waxanu waa urur dhan oo dhisan, maamulkiisa iyo habsami u socodkiisana leh, indhihiisiina ka mid ayaanu nahay. 

Su’aal: Sidee ayaad u aragtaa arrinta tartanka Madaxweyne kuxigeenimada ee Kulmiye, mase jiraan shaqsiyaad aad si gaar ah u taageersan tahay?  

Yuusuf Budle: Qah qah qah…. Haa raga meesha tartamaya waan kala jeclahay. Qaar xiriir gaar ah iyo saaxiibtinimo dheer ayaa naga dhaxaysa, qaarkoodna maba aqaan. Marka, Haaaaa. Haddana, Maya… oo siyaasaddu waa geeso badan tahay, lamina saadaalin karo ilaa daqiiqadda ugu dambaysa. Marka waxa aan taas ka warramidoonaa marka la gaaro goorteeda.  

Su’aal: Balnooga warran tiradiina kulmiye ahaan, Minnesota iyo Maraykanba? 

Yuusuf Budle: Waxa aanu nahay 60% ilaa 65% jaaliyadda S/land, meelkasta oo Maraykan ah. Minnesota waxa aan oran karaa malaha waxa aanu nahay in ku dhow 70%-75% dadka reer S/land ee degen Minnesota. Waa marka aanu xisaabsano xataa kuwan ku soo biiray markay maqleen Kulmiyaa u badan in uu sanadkan helo doorashooyinka ee damacu galay…..  qah qah qah , waa kaftan intaa dambe ee hasoo qorin Mr. Khadar. 

Su’aal: Ugu dambayn, run ahaan damac ma kaaga jiraa hogaanka amaba tartanka siyaasadeed ee dalkii, xageedse ka bilaabaysaa? 

Yuusuf Budle: Nin aan damac lahayn horta dameer ayaa karoon. Haa, haa, haa, dabcan damac ayaa igaga jira in aan wax ka noqdo dalkaygii, xuduudna ma leh meesha aan damcayaa. Laakiin, ma jirto gaajo ii haysa kursi jacayl, iwm. Marka aan tago dhulkii, insha allah, bisha November ee sanadkan, ayaan su’aashaas iyo kuwo kaloo badanba kaaga jawaabidoonaa. 

Khadar Jaambiir  (Khadar Jacayl)
Minnesota, USA 
EAWCH@aol.com

Faafin: SomaliTalk.com | Agoosto 6, 2007

Gudoomiyayaasha Baarlamaanka iyo Xisbiga UCID oo Booqasho Tacsi ah  ugu Tegay Qoyskii uu ka Geeriyooday Marxuum Saaqa.. Akhri... Aug 4

suuriyaDr.Cumar Raabi Oo Muxaadaro Cinwaankeedu Yahay Istiraatiijiyada Itoobiya Ee Ku Wajahan Soomaaliya Ka Jeediyey Magaalada Dimishiq... Akhri... Aug 3

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com