SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

XIRIIRADA MALADOORTAA MISE WAA LASOO MAGACAABAA WAA SU'AASHA AY DADKA ISWEYDIINAYAAN

Waxaa maalmihii la soo dhaafay soo badanayey in uu wasiirka isboortiga uu ku xadgudbayey sharciyada u dagsan Olympikada iyo kan xiriirada dhexdooda. 

Waxaa layaab ah in anagoo dowlad la'aan ah ay dad soomaaliyeed isku dayayaan iney hormariyaan isboortiga Somaaliya, halka kuwa kalana ay doonayaan iney burburiyaan isboortiga hadda indhaha soo kala qaadey. 

Maalmihii ugu danbeeyey waxaa uu ninka heysta Wasaarada Isboortiga iyo dhalinyarada uu u tafaxeydanayey in uu faraha lasoo galo xiriiro shaqeeya, oo uu doonayo in uu xilka ka qaado xiriir dhisan oo uu yiraah waxaan u dhiibay qof kale, haddaba su'aasha ay dadka isweydiinayaan ayaa waxaa ay tahay XAQ MA U LEEYAHAY IN WASIIR MAGACAABO XIRIIRADA MISE WAA LA SOO DOORTAA XIRIIRKASTAA?. Mise wasiirka oo horey u ahaan jirey xubin isboorti yaqaanana xeerka u yaala xiriirada ayaa iska indha tiraya waxa jira? 

Wasiirka oo magacaabay xiriir ka mid ah xiriirada ayaa waxaa uu go'aankaas si toos ah uga hor imaanayaa sharciga xiriirada lagu dhiso. sharcigan ayaa waxaa uu leeyahay xiriirka doorasho ayuu ku yimaadaa ee lama soo magacaabi karo.

Haddii aan rabno inaan hormarino isboortiga Somaaliya waa in wax laga qabtaa dadka raba iney burburiyaan isboortigan, xiriirada hadda jira qaar ayaa horumar ku tilaabsadey, hadii aan soo qaadano xiriirka kubadda koleyga waa xiriirka keliya ee 16 sanno ka dib guulo keenay, welina waa xiriirka keliya ee ciyaaro qabanqaabiyo oo xafladkastaa isaga ayaa lagu xusaa ciyaartiisa, dabcan iskama imaan ee waxaa har iyo habeen u taagnaa Gud.Wiish iyo Gud-kuxigeenkiisa Ibrahim Rombo iyo Ali Amiin oo ah xoghayaha xiriirka iyo weli qaybaha kala duwan ee xiriirka.

Bahweynta Isboortiga ayaa la wada socdo in wadamo badan oo caalamka ka tirsan laga joojiyey ka qeyb galka cayaaraha caalamiga ah sababo la xiriiro faragalinta dowladahaas ey ku hayaan Xiriirda isboortiga ee ka madaxa banaan siyaada dowladeed.

Mowliid Macaane ayaa ahaan jirey Garsoore caalami ah oo in badan kasoo shaqeeyey isboortiga soomaaliyeed. Xariirada kala duwan ayey dhabarjab ku noqoneysaa hadalkan wasiirka kasoo yeeray. Isboortiga soomaaliyeed ayaa isagu ah mid aad utabar daran hadaladan oo kale waxey dhaawacayaan aqoonsiga caalamiga ah oo ey heystaan xiriirada dalka ka jira.

YAA U MAQAN ISBOORTIGA SOMAALIYA?  
 

Abdiaziz Godah

agodah@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 8, 2007

camuudDUFCADII LIXAAD OO KA QALINJABISAY JAAMACADA CAMUUD

Boorama - 104 arday ayaa... Akhri Aug 6

guuleedDareenka ay Dadweynuhu ka muujiyeen Dadkii ku dhintay ama lagu la'yahay Buundadii Duntay ee Minneapolis

Maxammed Guuleed oo ay qaraabo... Akhri Aug 6

xamarShirka Muqdisho oo looga dooday xagjir diimeed waxa ay tahay

balse aan looga doodin sidii la filayey arintuna waxey u ekeyd afwax cunay xishood... Akhri Aug 6

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com