SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Cabdi qani Siciid Carab “ogaada inuu yahay qabiilkeenu Isboorti, waxaad kale oo ogaataan in Is aragii Ciyaaraha Gobolada dalka  ay si si rasi ah u bilaabandoonaan..” 

Siminaar ay ka faa’iideysanayaan 40 xubnood oo isugu jira maamul iyo tababarayaal Isboorti oo ka kala yimid 10-Gobol oo ayna iska kaashadeen Wasaarada Isboortiga iyo Dhalinyarada iyo Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubada Cagta oo ay maalgelisay Hay’ada Unicef islamarkaana socdey mudo 7-maalmood qaybtii maamulka ayaa xalay Xaflad loogu magacdarey Is arag iyo sagootin ayey u sameeyeen xubnaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ee Gobolka Baay xarunta Caalin Center ee Baydhabo. 


Xafladaan oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimaey ayaa waxaa halkaasi ka ahdley  Gudoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Gobolka Baay Aweys Suufi Caafaan, xubin kale oo ka tirsan kubada cagta ee Gobolka Baay, Gudoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubada cagta, Salaad macallin Maxamed (Salaad Gaab), Xog’hayaha Xiriirka Soomaaliyeed Cabdiqani Siciid Carab, Gudoomiye ku xigeenka GOS Prof. Maxamed Cali Cadow (Prof Cadow) iyo Agaasimaha waaxda tababarada iyo Qorsheynta wasaarada Isboortiga iyo dhalinyarada Siciid maxamed xasan. 

Md, Aweyn Suufi ayaa ugu horeyn halkaasi hadal soo dhaweyn iyo dardaaran isugu jira ka soo jeediyey, wuxuuna isagoo faraxsan ku yiri “waxaan ka xumahay inuu waqtiga nagu yaraado, waxaadna ku soo dhawaataan qalbi furan, laakiin waxaan u maleynaaa markaad naga tagtaan aan ooyidoono”.


Aweys oo la gudoonsiinayo Shahaado.

 Xog’hayaha Xiriirka Soomaaliyeed Cabdiqani oo isna halkaasi ka hadalay ayaa wuxuu yiri “ Isboortigu waa kan keli ah waa ka keli ah si shuruud la’aad nabada u wadaya, waana inaan dhamaanteen nabada ka hor marinaa wax kasta dhisida nabada, waxaana idiin ogeysiinayaa inaan si rasmi ah u bilaabidoono 1/10/007 Ciyaarihii Gobolada dalka, waxaana ciyaaraha loo ciyaaridoonaaa mid ka sahlan nidaamkii hore waana ka ciyaaro badan yihiin, arintanuna waa mid si wada jir  ay isula og’yihiinn Gudiga GOS iyo Xiriirka Soomaaliyeed, waxayna Goboladu u tartamidoonaan sidan, ShHoose iyo labada Jubba, Baay, bakool iyo Gedo, Sh/Dhexe Hiiraan iyo  Galgaduud,  Mudug, Gobolada Barri, Sool iyo Sanaag, kooxihii soohara kulanka ugu dqambeeya waxaa lagu qaban doonaa Magaalada MUqdisho, hadaba hadii aan nahay Bahda isboortiga waxaan idiinkula dardaarmayaa ogaada inuu yahay qabiilkeenu Isboorti ayuu hadalkiisa ku soo gebegebeeyey cabdiqani”. 


fadhiga Mas'uuliyiinta Isboortiga

Cabdiqani oo hadlaya.

Mid ka mid ah mas'uuliyiinta gobolka ooka hadalaya Xaflada

Aweys oo hadlaya

Maxamed Macallin Cismaan{All-man} Somalitalk Baydhabo.

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 9, 2007

camuudDUFCADII LIXAAD OO KA QALINJABISAY JAAMACADA CAMUUD

Boorama - 104 arday ayaa... Akhri Aug 6

guuleedDareenka ay Dadweynuhu ka muujiyeen Dadkii ku dhintay ama lagu la'yahay Buundadii Duntay ee Minneapolis

Maxammed Guuleed oo ay qaraabo... Akhri Aug 6

xamarShirka Muqdisho oo looga dooday xagjir diimeed waxa ay tahay

balse aan looga doodin sidii la filayey arintuna waxey u ekeyd afwax cunay xishood... Akhri Aug 6

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com