SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Maxaa Harsan Maxaase La Raadinayaa Maxaase La Soo Akay Maxaa  La Xasuustaa Maxaase La Hilmaamay.

Waxaa lagayabaain aad layaabto Ciwaankaan Aad Moodo in uu si umaldahanyahay Balse Xambaarsan Macno weyn Faaladaan Waxa ay igu soo dhacday kadib markii  aan Daawaday Shirka Dib uheshiisineed ee ka soconaayamagaalada Caasimadaa Ee Muqdisho klaas oo la is kugu keenay Dumar iyoRag kala duwan sheeganayana Xilal kalasar sareeya Matalayana sida la sheegay Dhammaan Beelaha Somaaliyeed eek u Abtirsada Magaca Somaali. 

Waxaan Dhumiyey qayb kamida waqtigaygi qaaliga ahaa Aniguuna ku dhunshay Wax aan Fikir ahaan tayda aamin sanahay in ay san wax weyn ku fadhiyin balse Madaama aan Somaali ahay is iri bal Ogow Waxa dad kaas waa weyn sheegayaan,Hamoodin in aan Quursanaayo Madaxda Shirka is kugu timid Balse waxa aan dhaliilsanahay Hadaladooda oo aan ku micnayn karo Gabdho 15 jiraa oo Aagaala Gurina la is kugu keenay Horayna Dagaal uga dhexeeyey oo la heshii siinaayo Kuwaas oo mid kastaa sida aan wada ognahay Sheegaysa Waxa loo geystay, iyadoona aan lagayaabin in marna heshiis laga gaaro Colaadooda madaama mid kastaa leedahay Anaa la iga gardarnaa Anaa La iciilay Anaa Liita ee ha la iraali galiyo. 

Hadaan usoo laabto Ciwaankayga oo aan idiin jilciyo  kaas oo ah---    Maxaa Harsan Maxaase La Raadinayaa Maxaase La Soo Akay Maxaa    La Xasuustaa Maxaase La Hilmaamay­­-- waxa aan uga dan leeyahay waxaa weeye Dhawr Arimood oo kala Ah In dad ka Shirka is kugu yimid ay kal dorteen iyagoona aad moodid in nin kastaa ku mashquulay wax aan lagu gaarayn Nabad iyo Midnimo Qaran. 

1_Kow Ciwaankayga Waxa aan ugu hormarshay Kalmada Ah ( Maxaa Harsan ) Waxaan ula jedaa Madaama ay Somaali islaysay is dishay is Dhacday wax ay is kula harina ay san jirin. Maxaa harsan Akristow Fikirkayga Waxaan dhihi karaa waxaa harsan in lays cafiyo gacmahana la isi saaro si calool hufnaana. 

2- Ciwaanka Labaadna Waxa uu ahaa Maxaase La Raadinayaa  Waxaan aamin sanahay in qofkastaa ama beel kastaa raadinayso waxii loo geystay xaqooda sida aar goosi  I W M laakiin waxaa fiicnaan lahayd in la raadiyo Nabad iyo Wada Shaqayn iyo Safahan Guud. 

3- Qodobka Sedexaad ee Ciwaankayga Waxa uu ahaa Maxaase La Soo Akay Waxaan wada ognahay in an soo aragnay Dagaalo Sokeeye iyo Bililiqo baahsan iyo ku xad gududb xaquuqda dadka laga tira badan yahay. 

4- Ubucda Afaraad ee Ciwaankayga ayaa ahaa  ( Maxaa    La Xasuustaa ) Dhammaan teen Hadaan Somaalinahay waxaan Wada Xasuusanaa Waxii loogeystay Qabiilada aan ka dhalanay anagoona ku raja weyn Aarsi aan Hada iyo kow sugayno. 

5_ Qodobka Shanaad ee Udambeeyey Ciwaankayga Ayaa Waxa uu Ahaa ( Maxaase La Hilmaamay ) Waxaa la hilmaamay ayaa orankarnaa  Dhibkii Somaali loo geystay iyo Burburkii Dalkeena aan Gacmaheena ugu geysanay iyo Kala Qob qobkii Somaalinimo iyo Qabyaaladii Lafaha naga ga shay Anagoona Hadaan Somalai nahay Haatan is ku qabna dad wanwanaagsan oo  Xalay Dhalay ah. 

Guntii iyo Gabagabii waxaan lee yahay Ha ila Dagaalina Hadaad Faaladayda Ka Carooteen Hana oran Faaladaan maxay noogu tageeri weyday balse dheh Waa Faalo Nabad iyo Midnimada Somalaiyeed Raadinaysa. 

Fardawso Ahmed iise

Email Fardawso_uk@hotmail.com

Uk-Lonodon

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 9, 2007

camuudDUFCADII LIXAAD OO KA QALINJABISAY JAAMACADA CAMUUD

Boorama - 104 arday ayaa... Akhri Aug 6

guuleedDareenka ay Dadweynuhu ka muujiyeen Dadkii ku dhintay ama lagu la'yahay Buundadii Duntay ee Minneapolis

Maxammed Guuleed oo ay qaraabo... Akhri Aug 6

xamarShirka Muqdisho oo looga dooday xagjir diimeed waxa ay tahay

balse aan looga doodin sidii la filayey arintuna waxey u ekeyd afwax cunay xishood... Akhri Aug 6

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com