SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

Deeq lacag ah oo ka timid jaaliyadda Soomaaliyeed ee Atlanta Goergia (USA) oo la gaarsiiyay bukaanada jiifa qaar ka mid ah isbitaallada Muqdisho

Golaha Samafalka & Horumarinta Soomaaliyeed ayaa deeq lacag ah gaarsiiyay bukaanada ku jira isbitaalada Muqdsihu 6-7/08/2007 , deeqdan ayaa la gaarsiiyay bukaanada ku jira isbitaalada kala ah : Madiina , Keysaney, Banadir & isbitaalka Xaawo Cabdi .
Deeqdan ayaa loo gaarsiiyay bukaanada sida soo socota :-

Magaca Isbitaalka iyo Tirada bukaanka deeqdan la gaarsiiyay

  • 1 Madina 94
  • 2 Keysaney 80
  • 3 Banaadir 97
  • 4 Xaawo Cabdi  61

Isku dara:  332 bukaan 

Isu geynta bukaannada la gaarsiiyay deeqdan oo gaarsaysa 332 bukaan ayaa mid kastaba waxaa la siiyay 300,000 SHso , isbitaal kastana waxaa kaloo la gaarsiiyay 1000,000 Shso oo loogu talagalay shaqaalaha isbitaalka ee tabarta daran.

Deeqdan waxaa ku tabarrucay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Atlanta-Georgia (Maraykanka ) si loogu caawiyo walaalahooda dhibaataysan. 

Baaq & Mahad celin

Golaha Samafalka & Horumarinta Soomaaliyeed wuxuu u mahad celinayaa walaalaha Soomaaliyeed ee ku tabarrucay deeqdan , wuxuuna Ilaahay uga baryayaa in uu ugu bedelo wax ka kheyr badan . 

Sidoo kale Goluhu wuxuu ugu baaqayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed in ay u istaagaan caawinta walaalahooda dhibaataysan.

Kaalmadiina waxaad ku soo hagaajin kartaan accounada Golaha ee kala ah :-

Accounada G.S.H.S
Qaran Express: 117
Dahabshiil Bank: 2283
Amal Bank: 11073
Mustaqbal Bank: 22315
Tawakal Bank: 309
Wixii faahfaahin intaa dheer kala xiriir emailada Golaha :-


Kaalmeeye@hotmail.com , kaalmeeye@yahoo.com   

Muuse Maxamuud Jiisow

somali39@hotmail.com

Muqdisho Somaliya 

025215576666

002521653623

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 9, 2007

camuudDUFCADII LIXAAD OO KA QALINJABISAY JAAMACADA CAMUUD

Boorama - 104 arday ayaa... Akhri Aug 6

guuleedDareenka ay Dadweynuhu ka muujiyeen Dadkii ku dhintay ama lagu la'yahay Buundadii Duntay ee Minneapolis

Maxammed Guuleed oo ay qaraabo... Akhri Aug 6

xamarShirka Muqdisho oo looga dooday xagjir diimeed waxa ay tahay

balse aan looga doodin sidii la filayey arintuna waxey u ekeyd afwax cunay xishood... Akhri Aug 6

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com