SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Xaqiiqada Soomaalida: Xal Baan Rabaa Xaqana Ma Rabo

WQ: Cali-Daahir X Muxammad

mohiyadin@hotmail.com 

بسم الله الرّحمن الرّحيم الْحَمْدُ للّهِ رَبِّ الْعَالَمِينَ  والصّلاة والسّلام علي نبيّنا محمّد وآله أجمعين.         

  تَرْجُوا النَّجَاْةَ وَلَمْ تَسْلُكْ طَرِيْقَتَهَاْ

إنَّ السَّفِيْنَةَ لاتَجْرِيْ عَلَىْ اليَبَسِ 
 

Badbadana Waad Filaysaa Jidkeediina Ma Haysid 

Doontuna Kuma Dul Socoto    Meel Gawaan Ah ( oo qalalan )  

Waxaa Cajiib ah umadaha carbeed sida ay ugu kala soocan tahay midka doqonka ah iyo midka is doqominaya ee doqonka iska yeel-yeelaya. Sideedaba way u kala soocan tahay umadaha carbeed erayga:

أهبل و مستهبل

Doqon iyo doqon iska yeele 

Kolka ay arkaan qof is doqominaya si dantiisa uu u gaaro ayay waxay ku yiraahdaan lahjadooda 

والله يا أخي إنت بِتِسْتَهْبَلْ

Wallee Walaalow Adigu Waad Is Doqomaynaysaa 

Arintaana waxaa keenaya sida saraaxada leh ay u wada hadlaan taasoo u suurta gelisay inay ka badbaadaan kuwa dhagarta wada ee ku qaraabta in caqligoodu wax u dhiman yahay balse laga yaabo inuu marsiiyo mid aan wadankooda u dhalan sida soomaali oo kale oo aan kala garanaynin in arintaasi ay daacad ka tahay iyo in kale. 

Tan iyo markii dagaalada sokeeye ka bilowdeen dalka soomaaliya waxaa laga hadlaa xalku muxuu yahay, laakiin laisma waydiiyo marka hore diyaar ma u nahay inaan xal gaarno? 

Waxaan halkaan ka cadaynayaa in wadadii xalka lagu gaari lahaa ay inoo cadahay balse aynaan inagu hada diyaar u ahayn. 

Sababta aan arintaa u leeyahayna waxay tahay. Qof walibaa wuu ogsoon yahay in kitaabka Alle SW iyo Sunnada Nabiga SCWW uu xalkii kama danbaysta ahaa uu yahay hadana qofku wuxuu rabaa in diintu ay hawadiisa raacdo laakiin marna diyaar uma aha in hawadiisu ay raacdo diinta. Taa macnaheedu waxaa weeye hadii ay diintu waafaqdo siduu rabay wuu ku qanci hadiise ay waafaqi waydo wuxuu oran tan diintii ma’aha, waa reer hebel oo doonaya inay xukun ku gaaraan IWM. 
 

Tusaale ahaan. Dagaaladii ka dhacay bari 1992dii ee u dhaxeeyay wadaadada iyo C/llaahi Yuusuf waxyaabihii shacabka lagu kiciyay waxaa kamid ahaa war hawiyaa idiin qabsadaye iska kiciya taasoo sabab u ahayd ka dhex muuqashada uu ka dhex muuqday dagaalkaasi Sh Xasan Daahir Aways ayaa shacabkii loogaga dhigay shaabad. 

Sidoo kale kolkii Itoobiya ay kusoo duushay gobolka Gedo wadaado badan baa isku qanciyay inuu dagaalkani yahay dagaal fitno gacmahoodiina ka laabtay iyadoo lala dagaalamayo gaalo wadanka kusoo duushay. Walaalo badan oo ahlu khayr ah oo Sh xasan daahir uu hogaaminayo ayaa xamar ka yimid caamadii kolkay arkeen in wadaadadii ay kala jabeen qolana ay diiday dagaalka oo fitno ku tilmaantay ayaa waxay yiraahdeen waxaa is haya daarood iyo itoobiya kolkii ay mudo kasoo wareegatayna waa tii caamadu oran jireen ururka nimankan wadaadada isku sheegaya waa daarood xukun doon ah oo diin kusoo gabanaaya. 
 

Sidoo kale kolkii ay maxaakiimta islaamiga ay soo baxeen gobolo badana ay qabsadeen ayaa waxaa caamadii dhanka kale kasoo yeeray waa hawiye xukun doon ah oo kitaabka kusoo gabanaaya. 
 

Waxaa maanta nasiib daro ah walaalkaana diid waraabaha tigreegana haku xukumo. Taasi waxay khilaafsan tahay ragii hore ee khilaafada isku haysan jiray marka ay arkaan in awooda ay gaaladu kala wareegi rabto waxay u ogolaan jireen inay xukunka uga tanaasulaan walaalka herdanka kala dhaxeeyo waxayna oran jireen: 
 

رَعْيُ الجِْمَاْلِ لاْ رَعْيُ الخْنَاْزِيْرِ

Geel Jire Balse Maya Doofaar Lajir 
 

Macnaheeduna uu yahay intaan gaal adoon u ahaan lahaa doofaarkana u raaci lahaa waxaa ii dhaanta inaan adoon u ahaado qof muslim ah oo aan geela u raaco. 
 

Laakiin maanta waxaan dhacday inaan waraabaha tigreegana aan aqbalno walaalaheena aan ku shaabadayno waa hawiye iyo daarood si aan isaga fogayno

والله المستعان 
 

Dhibtaasoo dhana waxaa u sabab ah inagaa xoog isu leh oo isu buuran oo cadawba isagama aadno. Waana siduu shaacirku yiri: 
 

أَسَدٌ عَلَيَّ وَفِيْ الْحُرُوْبِ نَعَاْمَةٌ

Libaax buu igu yahay kolka dagaalka lajoogana waa sida goroyada oo kale     ( oo waxba iskama dhicin karo ) 
 

Halkaa waxaad ka ogaatay umadani inaysan hada diyaar u ahayn in xal lagaaro inta reer walibaa uu leeyahay hadaynaan reerka aan ka dhashay kitaabku wadin mayeelayo. Ilaa soomaali hurdada ka toosto xaqiiqadana toos u abaarto xal yaan la sugin.  
 

وبالله التّوفيق

وصلّى الله وسلّم على نبيّنا محمّد وآله أجمعين.    

WQ: Cali-Daahir X Muxammad

mohiyadin@hotmail.com 

 

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 11, 2007

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com