SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii: Aug 11, 2007

  • Muqdisho: Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Ceel-baraf oo Xalay la dilay 
  • Muqdisho: qaraxyo caawa ka dhacay Wadada Warshadaha. 

Muqdisho: Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Ceel-baraf oo Xalay la dilay 

Labo nin oo la sheegay inay ka tirsanaayeen maamulka cusub oo ay Dowlada Federaalka dhawaan u magacowday deegaanka Ceel-baraf ee G/Shabeelaha Dhexe ayaa caawa maqribkii lagu dilay xaafada Suuq Bacaad ee Waqooyiga magaalada Muqdisho. 

Ragaan ayaa la xaqiijiyay inay dilkooda geysteen kooxo watay gaari yar isla markaana ku furay rasaas xoogan kadibna hubsaday inay dhinteen iyo in kale. 

Dadka deegaanka ayaa sheegay in markii kooxda ay dishay ragaan oo lagu kala magacaabi jiray jirey Cabdi Affeey iyo Muxumad Sharraawe ay isaga carareen goobta. 

Ciidamo ka tirsan Dowlada Federaalka ayaa soo gaaray goobta dilka uu ka dhacay, iyadoo wararkana ay sheegayaa inay xir xireen dadweyne halkaasi ku sugnaa qaarkood. 

Maamulka G/Banaadir ayaa wali ka hadlin arintaan dilka ah oo caawa ka dhacay Muqdisho, waxaana la filayaa sida caadada u ah maamulka inay ka hadlaan berito. 

Raggaan la dilay oo ahaa odayaal ayaa maalmahaan waxa ay howlo shaqo u joogeen magaalada Muqdisho, iyadoo dilkooda uu ku soo beegmayo xilli magaalada Muqdisho ay ka socdeen ugaarsi lagu hayay xubnaha maamulada degmooyinka Gobalka Banaadir iyadoo horey Muqdisho loogu dilay Guddoomiyihii Maxkamadaha G/hiiraan.

Muqdisho: qaraxyo caawa ka dhacay Wadada Warshadaha. 

Qaraxyo xoogan ayaa caawa ka dhacaya qeybo kamid ah magaalada Muqdisho, iyadoo qaraxyada goobaha sida aadka ah looga maqlayo ay kamid yihiin Wadada Warshadaha

Qaraxyadaan ayaa wali la sheegin qasaaraha ay geysteen iyo halka sida rasmiga ah oo ay ka dhaceen sababo la xiriira dadka deegaanada oo banaanka usoo bixi Karin. 

Max’ed Jimcaale oo kamid ah dadka degan agagaarka Wasaarada Gaashaandhiga ayaa qadka telefoonka iigu sheegay caawa inaysan aqoon goobta ay ka xigaan qaraxyada balse ay maqlayaan.

”Waxaan maqlay ugu yaraan afar qarax oo aad u waa weyn balse ma sheegi karo halka ay iga xigaan, aad baan u argagaxnay caruurteyda oo dhan qeylo iyo ooyin ayay bilaabeen, xaafada aan deganahay cid socota banaanka ma jirto qof kasta gurigiisa ayuu hoosta kasoo galay” ayuu yiri Max’ed Jimcaale.

Xasan C/raxmaan Cali “Xasan Kashka” oo kamid ah wariyaasha madaxa banana ee Muqdisho ku dhaqan ayaa qadka telefoonka iigu sheegay in qaraxyada qaarkood ay ka dhaceen agagaarka Ifka Xalane, waxa uuna sheegay in dad uu la xiriiray u cadeeyeen in gaari ay wateen ciidamada Dowlada bam gacmeed lagu weeraray.

Qaraxyada iyo iska horimaadyada oo Muqdisho ku soo badanayo xili ay joogaan ciidamo Itoobiyaan ah kuwa Soomaali ah oo tira badan o kuwaas oo u caala kooxaha sida sida xoogan uga soo horjeeda.

Abdifitahaam Ahmed
Hargeysa – Somaliland
Email: abdifitahaam@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 11, 2007 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com